10 Xildhibaan Oo Ka Tirsan G/Deegaanka Gabilay Oo Dacwad Ku Lid Ah Wasaarada Daakhiliga Maanta U Gudbinaya Maxkamada Sare, Xukuumadana Ku Eedeeyay Xayiraad Qayru Distoori Ah Ee Kalfadhiyadoodii


 

 

“Guddoomiye Ku Xigeenadu Waxa Ay Ku Doodaysaa In Warqadaa Sharci Darada Ah Wasiirku Ku Meelgaadh Ugu Dhiibay Maayir Nimada” Md Ibraahim Sangal


Hargeysa, September 27, 2011 (TNN) - Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley ayaa sheegay in dacwad ku lid ah wasaaarada arrimaha gudaha ay u gudbin doonaan Maxkamada sare maanta, taas oo ay ku tilmaameen warad qoraal ah oo wasiirkii hore ee arrimaha guduhu Dr. Gaboose uu soo saaray dabayaaqadii bishii May 2011-ka oo uu ku mabnuucay in golaha deegaanku ay fadhi iskugu yimaadaan, ay cadeeyeen in qayrul distoori ay ahayd, isla markaana ay dalbadeen in xayiraada fadhiyada laga dulqaado, iyagoo intaa ku daray, in maayarkii hore ee xisaanada ay ka qaadeen Aadan Muxumed Badde ee xeer ilaalinta guud ay soo eedaysay aanay ilaa hadda xukuumadu cadaynin eedihii musuqmaasuq ee xisaanada golahoodu kaga qaaday.

Sida uu Haatuf u sheegay xildhibaan Ibraahim Axmed Sangal oo tilmaamay inuu yahay Afhayeenka toban xildhibaan oo dacwadaasi usoo gudbin doona Maxkamada Sare, mar uu xalay khadka telephone-ka nagula soo xidhiidhay isagoo Gabilay ku sugan, isla markaana faahfaahin ka bixiyay nuxurka dacwada ay u qoreen maxkamada sare iyo magacyada todoba xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada dacwadaasi qoray, isaga oo ugu horayn arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo ah Afhayeenka toban xildhibaan oo ka tirsan golalaha deegaanka Gabiley waxaanu maxkamada sare ugu gudbinaynaa dacwad ku lid ah qoraalki qayrul disrooriga ahaa ee wasiirkii hore e arimaha guduhu Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu dabayaaqadii bishii may 2011-ka xayiraada qayrul sharciga ah ku saaray in golahayaga deegaanku fadhiyo iskugu yimaado, amarkaas oo ahaa mid aanay la qabin 19-ka gole deegaan ee dalka ka jiraa, sidaa darteed waxaanu go’aansanay inaanu dacwad ku lid ah arrimaha gudha ugudbino maanta maxkamada sare, iyadoo codsigii xeer ilaalinta guud ay nooga soo gudbisay xilka qaadistii maayarkii hore aanu fulinay hadana waxaa layaab nagu noqotay in eedii loo jeediyay maayarkii hore aanay xukuumadu wali cadaynin maxkamadna aan la horgaynin”

Xildhibaan Sangal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “’Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka marwo Khadra Xaaji Gaydh anagaa gole ahaan markii horeba ku xigeenka u dooranay hadana ku doodaysa in warqadaa ku melgaadhka ah xilka maayarka loogu dhiibay, wasiirna umuu dooran xilka ku xigeenka, waxaanay ka mid tahay xubanah golaha deegaanka ee xuquuqdooda aanu u doodayno, waxaananu doonaynaa inaanu maayar rasmiya dorano muddo shan bilooda aanay xayiraadaa qayrul distooriga ahi golahayaga saarnayd”

Xildhinaan Sangal isagoo ka hadlaya magacyada xubnaha dacwadaasi u qoray maxkamada sare, waxa uu yidhi “Xildhiaanada Maxamed Cumar, Ibraahim Aw Dadan Fanax, Sheekh Maxamuud Xasan Nuuriye, Maxamed Muxume Landloobar, Axmed Muxumed Qaalib (samir), Maxamed Ibraahim Muxumed Shiine, Ibraahim Axmed Sangal, waananu isku raacsanahay qoraalka dacwadasi”.

 

 

Source:Haatuf