18 Sano ka dib Hargeysa oo biyo la, waa ceeb iyo wax laga xishoodo cidna kuuma maqna ceelna kuuma qodna Hargeysaay

 

Waxaa wax lala yaabo ah in maalin kastaba mudaharaad ka dhaco magaalada hargeysa,iyadoo sababtuna ay tahay biyo la,aan, waxaynu ognahay in  biyuh u yihiin nolosha koowaad,hadaba hadii ay Xukuumadii  Somaliland, Siyaasiyiint eedi,waxgaradkeedi,ganacasatdeedi iyo mutacalinkeediba uu keeni kari waya ay talo biyo lagu helo,maxaynu been isugu sheegaynaa maxaynu dawlad u sh eeganaynaa,adeer waxba ma dhaano Muqdisho oo 18 bilaa nabad ah, waxaa nan garan la'yahay sababta qarnigan 21 aad ee ee laga gudbay in biyo laga fikiro ay magaaladii Hargeysa bilaa biyo u tahay.

Waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo ka naxaysaa maatadaa haraadan iyo biyo la,aanta in ay isu yimaadaan oo talo gaadhaan, waxaanad ogaataan in ninka Masuuliyada saaran tahay ama madaxweyne ha noqdo ama mid wakaal ad haysta ha noqdee in Ilaahay qiyaamaha la xisaabtamayo.arintana waxay ceeb ku tahay waxaynu sheeganayno.

Umad yahay muruqiina iyo maskaxdiina mideeya oo soo kaxaysta shirkadaha Chinese ah ah ee qiimaha jaban ku shaqeeya oo cidna wax ha ka sugina waa yo cida aad wax ka sugaysanaa kama damqanayso dhibaatadiina idinmana o ga, hadii ay ogaan lahayd xiligan mabay soo gaadheen, Xukuumadu waxay he shaa lacago badan oo ka soo gala cashuuraha la idinka qaado,iyo deeqda caal amiga ah ee ay bixiyaan hay,adaha caalamka ka socdaa.

ugu dambayna aniga Hargeysa waxaa iigu dambaysya waagii dawladii Siyaad Bare dhamaan Hargeysa oo dhan biyuhu durdru bay ahaayeen, is bedel doon baynu ahayne ma waxaynu doonaynay haraad iyo oon, mida kale xisbiyada mucaaridkuna waxuunbay ka hadlaan wax baa la cunay iyo wax baa sidan ah ee kama hadlaan waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha ee ay biyuhu kow ka yihiin.

 

 

 

Hana Muse
Kodiak Island
Alaska USA
hana_muse@hotmail.com