“2014 Genel waxa ay ka qodi doontaa ceelkii ugu horeeyay Somaliland”
Wargeyska Telegraph
Hargeysa (TNN):- Shirkadda sahaminta iyo soo-saarka
shidaalka ee Genel ayaa ka rajeynaysa wax soo-saar xooggan ka dib
marka ay ka bilawdo qoditaanka shiidaalka Somaliland oo ay
ber yahanba ku haysay hawlgalo sahamin ah.
Sida uu qoray wargeyska Telegraph, shirkadda Genel Energy waxa ay
sheegaysaa inay horum ar ka samaysay dhinacyo badan oo ay filayso hor
u socod ballaadhan oo saliideeda sannadka soo socda.
Shirkadda Genel waxa madax ka ah Tony Hayward oo ah guddoomiyihii
hore ee shirkadda BP, waana shirkadda ugu ballaadhan ee shiidaalka
ka soo-saarta gobolka is-maamul hoosaadka leh ee Kurdiyiinta Ciraaq.
Waxa kale, oo shirkadda Genel sahamin ka samaysay Marooko, Malta iyo
Somaliland oo la filayo inuu qoditaanku bilawdo dabaqayaaqada
sannadkan.
Warbixintan uu wargeyska Telegraph ka qorey shidaalka waxay intaa
raacisay in dunida intee da badan daaha laga rogay shiidaalkii
sahlanaa, sidaa awgeedna ay haatan shirkadaha shiidaal ku ay u
jeedaan dhulalka aan la sahamin inay ka raadiyaan kaydad cusub.
Waxaanu wargeysku yidhi “Sannadka soo socda, Genel waxay ka qodi
doontaa ceelka ugu hore eya Somaliland oo ku yaalla bariga Afrika oo
xorriyadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya la baatan sano ka hor,
ka dib dagaal sokeeye, waxaanay wararku sheegayaan inay
jiyoolajiyada dalku la mid tahay ta dalka Yaman, halkaasi oo lacagta
ka soo baxda shiidaalku qayb wayn ka tahay dakhliga dawladda.”
Wargeyska oo qoraalkiisa sii wada waxa uu sheegay inay caddaan tahay
in aan Somaliland laga samayn sahamin iyo dhaqdhaqaaqyo sidaas ah
tan iyo markii ay shirkadihii shiidaalku ka baxe en sannadihii 1980 –meeyadii.
Taasina ka dhigan tahay in ay ka jirto halkaasi fursad wanaags an oo
lagu heli karayo shiidaal.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|