20 SANO KA BACDI YAA ICTIRAAFAY S/LAND
(XOGTA QARAAGA)

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen


Waxa somaliland jirtay sanado badan oo ay nabad ku sugnayd muujisayna horumar balse wax aqoonsiya kama helin aduunwaynaha.


Hadaba ilaa goorma ayaynu ku sii jiraynaa aqoonsi la,aanta caalamka?.
Ma ilaa inta suurto laga afuufaayo ayuun baynu banaankaa la taagnaanaa NA AQOONSADAAY?.
Waxa haboon in arinkan si fiican la isu waydiiyo sidii looga gun gaadhi lahaa ee wax looga  qaba n lahaa.Waxa jira wadamo badan oo jaarkeena ah oo xidhiidh wanaagsan aynu la leenahay sida
dalka jibuuti iyo dalka ethobia. Hadaba miyaanay ahayn in ayaga laftoodu ay ixtiraaman  xidhi idhka wacan ee aynu la leenahay miyaanay ahayn in ay ixtiraamaan nabadgalyada aynu  kaali nta wayn ka qaadanay geeska africa miyaanay ahayn in ay eegaan xidhiidhka dhaqaale ee  so maliland la leedahay wadamadan jaarkeena waxa ethoobiya uga soo dega DEKEDA BERBERA bil kasta badeecado iyo saanado kala duwan oo dalkooda u talaaba.


Waxa kaloo ethoobiya gala maalin kasta lacag aad u badan oo ka soo gasha dhinaca qaadka ka as oo maalin kasta yimaada suuqayada magaalooyinka.Waxa sidoo kale jibuuti aynu u gaynaa khudaarta ,maysaxooyinka caagdaha biyaha iyo xoolaha NOOL oo ay aad ugu baahan yihiin.

Hadaba maxaynu inagu faa.iido ku qabnaa wadamadan jaarkeena.
ma jirtro wax faa,iido la taaban karo oo aynu ku qabno wadamada jaarkeena marka laga reebo
ayadoo waqtiyada qaarkood XUBNAHA DAWLADA ee dhoofaya marka ay rabaan inay shaxaad tagaaan ay ka sii qaataan fiisooyinka hadba dalka ay u SHAXAAD TAGAYAAN.

Hadaba waxa haboon in maaulka s/land la yeesho wadahadal toosa labada dawladood ee eth oobiya iyo jibuutikuna qanciyo in ay u ololeeyaan sidii s/land ay ictiraaf u heli lahayd.kolay aya gu awood uma haysataan ay toos kuu aqoonsadaan balse waxay samayn karaan in ay ka dhaa dhiciyaan nabadgalyada iyo dawladnimada iyo dimuquraadiyada taala somaliland wadamada kale sida AFRICA iyo YURUB iyo OEU.UN IYO aduunyada kale .

Waxa haboon in s/land madaxdeedu isku dayaan in qadiyadooda si toosa ugu gudbiyaan UN ka
nasiibdaro ilaa imika ma hayno masuul si toosa ula xidhiidhay UN ka. Waxa kaloo haboon in la  ab aabulo MUDAHARAADO aqoonraadis ah oo aduunyada daafaheeda laga qabto gaar ahaan wad amada REER GALBEEDKA iyo si gaara XARUTA UN ka. Waxa haboon in aan la sugin ANOTHER 20 YAERS MA DAAWAN KARNO 20 SANO OO KALE time is up

SHacbiga somaliland hadaan hogaankiisu abaabulin oo aanu dhaqdhaqaaq ictiraaf u hawl galin
shacbigu waxba ma qaban karo. canaan malaha shacbiga waa diyaar waqti kasta oo loo  baah do meeshii la doonaba laakiin maye ragii wax abaabuli lahaa maye ragii loo baahnaa in  aduun yada ay qadiyadooda gaadhsiiyaan.

TALO GAARA OO KU AADAN SHACBIGA BARAKAYSAN EE S/LSND


ma inaga ayaa abaaabulna mudaharaado ictiraaf doona hadaynu nahay shacbiga jooga qurb aha?masuuliyiintaba ma iska dhaafnaa oo inagaba waa ina saaran yahay xilkuye ma is  abaa bulnaa? ma jiraa rag ku tabarucaaya inay hawshan wax ka qabtaa oo shacbigu dabagalo?
haday jiraan ana igu dara siciid dheen kolay wax uunbaan idin tariye rag lama yaryaraystee kkkkkkkkkkkkkkkk


xaga haweenka oo ah bulshada ugu badan ma jiraan cid ku tabarucaysa hawsha inay wax ka aabulaan?haday siyaasiyiintii hawshan gabeen waar shacbiyoow xilka tunka ma saaranaa?
QOF KASTA DALKIISA XILBAA KA SAARAN EE MA U WADA HAWLGALNAA?2O SANO OO DANBE OO ICTIRAAF LA,AAN AH MA DAAWAN KARNAA ? WAA SU,AAAASHA MEESHA TAAL

qofkasta oo hawshan raba inuu ila abaabulo waxna ka kaalmeeyo fadlan igala soo xidhiidh  telk ayga 07932469459ama emailkayga oo ah dheen@live.co.uk
FADHIGA HALAGA KACO HANA LOO ISTAAGO QADIYADA S/LAND

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk