21 Sano Ka Hor Maanta Oo Kale Guddo-Galkii Xoo ggagii SNM Ee Hargeysa Oo Xaflad Xukuumadda Rayaale Dhabarka U Jeedisay Lagu Xusay

 


”Rayaale Wuxuu Soo Indho-Indhaynayo Ma Garanayno, Waxaan Se U Malaynayaa Inuu Soo Eegayo Sida Uu Dadka Dhaqaalahoodii U Baabiiyey” Maxamed Kaahin

“Haddaanu Iska Joogi Lahayn Xilligaas, Dhalinyarada Hadda Joogtaa Waxa Ay Dhalan Lahaayeen Iyaga Oo Gun Ah” Mujaahid Jidhif

Munaasibad lagu xusayey sanad guuradii 21-aad ee xilligii ururkii SNM ay guda ha u soo galeen Hargeysa 31-kii bishii May ee sanadkii 1988-kii ayaa shalay lagu qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, hase ahaatee xukuum ada Rayaale ayaan iyadu haba yaraatee ka soo qeyb galin xafladaasi.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen saraakiishii SNM waxa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah madaxdii iyo saraakiishii ururkii SNM ee maalintaasi ka mid ahaa ciidamadii kala duwanaa ee 27-kii May iyo 31-kii bishaasi ee sanadkii 1988-kii soo galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Muj. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM oo  xafla daasi ka hadlay ayaa ka waramay aasaaskii ururka iyo marxaladihii Halgankii, isla markaana ku baaqay in guddi la sameeyo soo tiro koobta agoomihii,  naafa dii iyo Hooyooyinkii ubadkoodii ku shihiideen halgankii dib u xoraynta dalka, waxaanu yidhi “SNM halgan dheer ayay soo gashay waa galad illaahay ta aynu maanta halkan ku joogno iyo dadkii u dhintay, ku dhaawacmay laakiin sidaynu isu abaabulo ayaa yar fool xun.

Waxaan tallo idiinku soo jeedinayaa xisbi kasta ku jira haddii aad SNM tahay xor baad u tahay waxa inaga dhaxeeya oo guud oo in la tago aanay ahayn baa jira. Waxa jira inaynu SNM-tii aan ogaano, inaad SNM ahayd ku soo tabacday, soo gashay, loo dhintay loo agoomoobay loo dhaawacmay inaad xusuusnaato nin waloowba ayaa kugu waajib ah marka hore.”

“Waa inaynu samaynaa dib u soo abuuraa, oo ragu is faraa, oo Guddi loo qabtaa si aynu uga war-hayno agoontii, naafadii iyo Hooyooyinkii mujaahid Nac-nac-na wuu ku mahadsan yahay arrintii uu ka qabtay Maxamuud Haybe Hooyadii.”ayuu yidhi Maxamed Xaashi
Eng. Maxamed Xaashi wuxuu intaas raaciyay inaan arrintaasi la dhayalsan oo si deg deg ah loogu hawl galo.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “SNM waxay ka dhalatay dalkii Somalia la isku odhan jiray ee uu ka talinayay nidaamkii NSS-ta, dhabar-jabinta iyo guul-wadeyaasha ee dadka gumaadayay.”

“Maxamed Xaashi oo halkan (Xafladan) ka hadlayey waxa weeye Guddidii fulinta ee ugu horreysay SNM, Axmed Saki, Maxamed Sayidi iyo Eng Maxamed Xaashi Aabi iyo Prof. Cabdi-salaan Yaasiin ayaa imika ka nool iyagoo dhalinyaro ah ayay halgankaas galeen iyo ragii ciidamada ahaa ee halkan ka baxay,”ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin, waxaanu intaasi ku daray, “Gobolada Somaliland ee waqooyiga Somalia la odhan jiray maxaa ka dhacay? Daaruhu ma dambi bay galeen, barkadaha iyo Geellu ma dambi bay galeen. Waxaan garanayaa SSDF-ta markii lala dagaalamayay halkan baan u joognay SRC iyo nimankii Wasiirada ahaa ay halkan yimaadeen dabeedna waxa la yidhi hablaha faro-saarkoodu waa fasax (Kufsi), Geella iyo Adhiga waa la qalayaa oo inta la soo ururiyo ayaa xeryaha qeybta 21-aad la geynayey.Waxa la odhan jiray isir ahaan ayaa la inoo burburinayaa, Moorgan dee wuxuu ka dhashay reerihii la burburinayay isagaana ahaa kuwii burburinayay.”

Muj Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in maamulka Madaxweyne Rayaale uu ku fashilmay maamulka talada dalka, waxaanu yidhi “Maanta inaga dhibtu way jirtaa oo waxyaabo fara badan baa dalka ka socda, dalkuna mar walba samato-bixin wuu u baahan yahay waa kan xoolihiisii Berbera ka dhoofi waayeen, ee Jabuuti ka dhoofaya.Berbera laydhkii cid laga iibiyo lama hayo oo bini’aadmiba ma joogo, biyihii way is bixin la’yihiin Madaxweynuhuna wuu soo marayaa, oo wuxuu soo indho indhaynayo ma garanayno, wuxuu soo indho-indhaynayaa sida ay dadku u baaba’een uu dhaqaalahooda u baabiiyay.”
Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo ka mid ahaa saarkiishii ururkii SNM imikana ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, oo xafladaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “SNM laba qeybood ayay ahayd qeyb siyaasi ah iyo qeyb, kuwayagan askarta ah ee imika soo taag-taagani Anagu waxaanu goosanay inaanu dhimanee ilaahay baa na dili waayay. Waxana laga dhintaa marka lagu yidhaahdo ma jirtid ee aad adiguna leedahay waan jiraa. Haddii aanu odhan lahayn xiligaasi waar aan iska joogno dhalinyarada imiku waxay dhalan lahayd iyagoo gun ah, waxaadse dhalinyarooy dhalateen idinkoo gob ah.”

Mujaahid Jidhif oo farta ku fiiqayay khaladaad uu sheegay inay SNM gashay , wuxuu yidhi “Xafladahan oo kale waxay ku fiicnaan lahaayeen 21 sano ka hor, in wixii aanu khaladnay aanu saxno shaki kuma jiro in wax naga khaldameen. Haddii aan wax naga khaldamin rag badan oo halkan ka maqan ayaa maanta inala joogi lahaa. Waxaan maqlayay Mujaahid Axmed Mire oo ninkii Burco qabtay ah oo isagoo qaxoonti ah Ingiriiska Hambalyo yar ka soo dirayey.halgankani wuxuu ka shaqeeyay in jiilka maantu uu dhasho isagoo xor ah.”

Maxamed Xasan, wuxuu sheegay in talada Somaliland ay xiligan gacanta ku hayso cid aan taariikhdii halgankii dib u xoraynta Somaliland aan waxba ka ogayn waxna ku lahayn.
Jidhif wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in SNM ay isu timaado oo ay ka shirto wixii soo maray iyo halka maanta dalku marayaba.

sidoo kale waxa isaguna xafladan ka hadlay muj C/raxaan Dhool-dahable(C/raxmaan Xuunsho) oo ka mid ahaa saraaskishii milatari ee SNM, waxanu ka waramay SNM sidii ay dalka ku xoraysay iyo halgankii dheeraa ee ay soo martay iyo sidii mujaahidiintu isugu xidhnayd, waxanu sheegay oo kale markii gudaha la soo galay ka dib in khladaad badani dhacay oo reero iyo waxyaabo noocaas ah loo kala baxay, balse aanu halgankii istaagin ee halkaa laga sii waday iyo in maanta loo baahan yahay sidii mujaahidiinta la isugu keeni lahaa.

Guddoomiyaha golaha wakiilada, oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa ku hambalyeeyay mujaahidiinta xuskan isaga oo halkaas uga duceeyay shuhadadii SNM.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadashay, ayaa dhaliilay qaabka loo xusay maalintii gudo-galka Hargeysa ee 31 May oo uu ku tilmaamay mid aad u liita, waxaanu xusay inay wax badani khaldan yihiin.

“Waxaan leeyahay wax badan ayaa inaga khaldan, waxaana daliil u ah sida aynu u xusayno xuskii 31-ka May, waydinkaa arkaya oo aqal yar hoostii ayeynu ku xusaynaa, waana wax laga xumaado,” ayuu yidhi Mr. Waqaf.

Guddoomiye-ku-xigeenka UCID waxa uu sheegay in aan weli halgankii SNM dhammaan, marka loo eego waxa dalka ka socda oo uu ku tilmaamay boob hantidiisii ah.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Fu’aad Aadan Cadde, haddana ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in halgankii SNM yahay waxaan la dafiri karin, isla markaana ninka diidaa aaannu waxba ahayn.

“Berrigii hore SNM iyo waxaa waan ka xanaaqi jiray, laakiin SNM ninka ka xanaaqaa waxaan u malaynayaa in aannu habeena jirin. Tusaale ayaan u soo qaadanayaaye ninka Madaxweynaha ah iyo ninka Wasiirka Maaliyadda ahi waxaan u malaynayaa in aanay sheeganayn halgankaa inay meel uun ka soo galeen, midhaheediina inta cunaysa ayey ugu badan yihiin, waxaanse SNM leeyahay samra meel kasta dadka xorriyada dhaliyey way ka qaddaan oo waxba kama helaan ee nin meel iska joogay ayaa cunna. Halgankii Somaliland waxa uu ahaa mid muhiimad badan leh oo midho-dhalay,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Waxa kale oo munaasibadaas iyaguna ka hadlay, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE Muj. Axmed Cumar Xamarje iyo Muj. Cabdi Giire, kuwaas oo ka hadlay qiimihii halgankii SNM iyo taariikhdii maalintii 31 May 1988 ee ay xooggagii SNM gudaha u soo galeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Si kasta ha ahaatee saaka oo ay bisha May tahay 31, 2009 waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii ay xoogagga ururka SNM dagaalka ku soo galeen gudaha goboladii waqooyi ee dalkii jamhuuriyadda Somaliyeed, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida: Burco iyo Hargeysa, iyadoo ay taasi ka dambaysay heshiis dhex-maray labadii dawladood ee Siyaad Barre iyo Mingistu, heshiiskaa oo dhigayey inay qolo waliba taageerada ka joojiso jabhadihii ku kala kacsanaa labada talis, taas oo uu Mingistu heshiiskaa ka dib hogaankii ururka SNM ku wargeliyey inay ciidamadooda ka soo raraan jiidaha dagaalka oo ay dib ugu soo raraan gudaha Itoobiya, taas oo macneheedu ahaa inay halkaa ku hakiyaan dirirtii ay kula jireen ciidamadii taliskii Siyaad Barre, laakiin hogaankii ururka SNM waxay arintaa ka qaateen mawqif xaraj ah, waxayna go’aansadeen inay ciidamadoodu madax-madax isugu soo tuuraan gudaha, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya xarumihii iyo saldhigyadii ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee fadhiyey goboladii waqooyi (Somaliland).

Dhinaca kale waxa xafladaasi ka hadlay Mujaahid Axmed Muxumed Madar, Mujaahid Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) iy Mujaahid Cabdi Giire IYO Fu’aad Aadan Cadde kuwaasi oo dhamaantood taageeray hindisaha la xidhiidha in mujaahidiinta la isku soo ururiyo waxna loo qabto.

 


Source: Haatuf