28 Arday Oo Reer Somaliland Ah Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacadda Jig-jiga Ee Dalka Etiobiya.
 

 

Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cukuse ayaa xalay ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen 759 Arday...........

Jig-jiga (TNN):-Wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wac yi gelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa xalay ka qeyb galay m unaasibad ay ku qalin jabinayeen 759 Arday oo 28 ka mid ahi ahaayeen reer Somaliland, oo wa x ka bartay Jaamacadda Jig-jiga Health Science oo xafladoodii qalin jabinta xalay lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ee Magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Weftigan waxa xubno ka ahaa Wasiirka caafimaadka, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashiga, Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha Arrimaha dibadda, Tacliinta sare, kalluuma ysiga, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, Maareeyaha TV-ga Qaranka iyo Suxu fiyiin ka socday warbaahinta Somaliland, waxaana weftigan loogu qaabilay hab maamuus sare oo lagu muuneeyay. Waxa xaflada ka babanayay calanka Somaliland iyo calanka dawlad deega anka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Da ahir (Cukuse) oo xafladaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ito obiya uga mahad celiyay deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardayda Somaliland, isagoo arrint aasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland Madaxweyne waxay dawlad deegaan ka Soomaalida Itoobiya idiinka mahad naqaysaa dedaalka aad u gasheen ee aad deeqda waxbarasho ku siiseen ardaydayada jaamacadan ka qalin jabisay, kuwii Goday shalay ka qalin-jabiyay iyo kuwii ka horeeyay ee Jig-jiga lafteeda ka qalin jabiyay. Waxaanu ku faraxsan nahay ardaydan aad wax barteen ma aha kuwo idinka tagay ee waa kuwo idiin maqan.”

“Soomaalidana waxaan u sheegayaa qof waliba marka uu deegaankiisa aamino ee uu dalkiisa a amino ee uu iska iloobo xidigtii cadayd, horumarkaa Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar Gaad hay oo kale ayuu gaadhi karayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Annaguna Haddii aanu Somaliland nahay wax kale maanu samayne Xidigtii uun baanu Madoobaynay ILAAHAY-na ha nagu guuleeyo.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglat osiye) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soom aalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar, waxaanu balan qaaday in ardaydan dhamaystay culuumta caafimaadka baratay ay ka hawl-gelin doonaan cisbitaalada iyo rugaha caafimadka Somaliland.

Weftiga Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelintu waxa saaka qasriga madaxtooyadda ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku qaabilay Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo ay weheliyeen Madaxweyne Ku xigeenadiisa iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada waxaanay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
 

 

 

Timacade News Desk