42 qof oo la sheegay inay ku sumoobeen hilib ay cuneen deegaa nka Godka Carada, maamulka Wajaale oo loogu soo qayliyey inay u gurmadaan oo ku gacan saydhay iyo odayaal ka hadlay

 

 

Xaashi Muxumed Cabdi
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale
 


Tog-wajaale, March 25, 2012 (TNN) - Odayaasha, Waxgaradka iyo Bulshada kunool Tuulada Godka Carad a oo katirsan Degmada Tog-Wajaale ayaa maamulka Degmada Tog wajaale ku eedeyey inuu dhagaha ka furaystay dad u baahan Gurmad Deg deg ah oo la xidhiidha Xaalad Caafimaad oo halis ah ka dib markii ay ku sumoobeen laba iyo afartan qof oo dadweynaha ku nool Godka Caradu Hilib Neef lagu muday daawo oo ay cuneen.

Gudoomiyaha Tuulada Godka Carada Maxamuud Cumar Faarax oo u waramay Haatuf, ayaa si adag u Cambaareeyay Gudoomiyah Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed, oo uu ku eedeeyay in aanu ah eyn masuul lagu aamini karo Masuuliyada uu hayo maadaama uu dhayalsadey afartan iyo laba qof o o ku sumoobay Hilib ay cuneen, Isla markaana la soo wargaliyay oo loogu soo qeyliyay isagoo ka ha dlaya waxa uu yidhi “Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale waa qeyra masuul mana aha nin lagu Aa mini karo Masuuliyada loo dhiibay sababtoo ah anagoo markii horeba ka calool weydsanayn qaabka uu wax u maamulayo ee fikirka gaaban ah ayaanu ugu soo qeylinay, 42 qof oo ku soomay Sac xanuu nsanayay oo daawada Oxgso lagu muday, isla markaana loo qaybiyay qoysas badan oo tuulada God ka Carada degan waayo Reer Miyigu mayaqaanaan neefkani wuu xanuunsanayay mar hadii birta la mariyo way lacageeyaan, arintaas culus ee dhacday ayaanu ninkaa Wajaale Gudoomiyaha u ah qey lo dhaan ugu dirnay. Hase yeeshee wuxuu noogu jawaab celiyay anagiibaa xanuunsanayna ee side en idhaahdaa iyo Ciidan Bileys ah ayaan idiin soo dirayaa, talaabadaas ayaanu go,aansadey halka anu uga baahnayn Gurmad Caafimaad inuu noo dalbo oo heer Gobol iyo Heer Xukuumadeedba ah, waxaananu Xukuumada ka codsaneynaa inaanay nagu eegin nin Rayid ah oo aan dal iyo dad midna Maamuli Karin, oo aan Dawladnimo iyo nidaam iyo Masuuliyadiisa midna garaneyn” Ayuu yidhi Gudo omiyaha Tuulada Godka Carada Maxamuud Cumar Faarax.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in ay dadkii u soo gurmadeen Dhakhaatiir Madax Banaan oo u kala Qaaday, Gabiley iyo Hargeysa intii halista ahaydna wali la daweynayo.

Waxa kale oo isaguna dhacadadan ka Hadley mid kamid ah odoyaasha iyo Waxgaradka Tuulada God ka Carada Maxamed Aw C/laahi Xaaji Cabsiiye oo isaguna si adag ugu eedeeyay Gudoomiyaha Deg mada Wajaale in uu sameeyay Qeyra Masuulnimo uu ku darsadey dhaliilihii hore ee ay u hayeen nida mkiisa Maamul waxaanu yidhi.

Cimrigay intaan jirey horeyso iyo dambayso maanaan arag dowladihii isaga dambeeyay, Maamulka Tog-Wajaale iyo inta hoos timaada Soomaaliya iyo Somalilandba, xataa Xiligii Dowladii Af-Weyne wax la dhaqan ah Maamulka Xukuumadani u dhiibtey Wajaale waayo waxa la arki jirey marka qeyla dha an noocan ah loo diro Maamuladii ka horeeyay markiiba Gurmad ayay gali jireen, oo meel walba qeyl a dhaan u diryaeen halka baabuur Boolis ah ayaan idiin soo diryayaa ee dadkii Sumoobay baabuur Ciidan ah u soo direy hadaba ma dad baa la soo xidhayaa, oo la kala celinayaa mise dad sumoobay loo gurmanayaa, maamul lagu aamini karo dal iyo dad Wajaalena waa deegaan balaadhan oo u baa han dad Maamul iyo dowladnimada iyo Arimaha Bulshada wax ka garanaya, dad gurmad u baahan ninka hadidaad iyo hanjabaad iyo caqligiisa Boolis loo soo diro ku keenay adeer Xukuumadu yaanay nagu eegin waa ninkii Gurmad qeyla dhaan ah oo Heer Gobol iyo heer Qaran labadaba noogu gurman lahaa nasiib darose ma garanayo anaga tuulo ahaan Dugsigii hoose ee dadka deegaanku ay samays teen in mudo ahna si tabaruc ah ugu dhigayeen ayaa wakhtigii xukumadani ay macaliminta cusub ay qaadanaysay ay dhawr macalin mushahar u samaysay oo liiska wasaarada ku jira mudo yar markii ay musharka qaadanayeen waa laga joojiyey dugsigiina sidaasi ayuu ku xidhan yahay waanan u sh eegay maamulka wajaale iyo maamulka waxbarashada gobolka gabiley ilaa maantana wax jawaab ah kama hayno , maamulka ficiladaa ku sifoobay rajo aanu ka ulano oo dambena majirto”Ayuu yidhi Odey Maxamed Aw Claahi Xaaji Cabsiiye.

Waxa kale oo ay dadweynaha,odoyaasha iyo waxgaradka Tuulada Godka Caradu isagana dhinaciisa dhaliil ugu soo jeediyeen, Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Tog-Wajaale, iyo Maamulaha MCH-ka oo isna ku gacan saydhay dalabkii gargaarka Caafimaad ee ay ka dalbadeen, waxaanay ku sheegeen G udoomiye Ku xigeenka in aanu waxba ku dhaamin Gudoomiyaha laga cabanayo.

Ma aha markii u horeysay, ee cabashooyin noocan oo kale ah lagaga soo cawdo Gudoomiyaha xiligan ee Degmada Tog-Wajaale.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Wajaale oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino dhacdadaasi ay aanay noo suura galin inaanu ku helno khadka telefoonka kadib markii uu naga qaban waayey.
 

Source: Haatuf