50-Hablood Oo Wax Ka Barta Jaamacada ADMAS Qeybaheeda Kala Duduwan Oo Loo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayey Dhibaatada Gudniinka Fircooniga Ahi Uu Ku Hayo Hablaha Da’yarta.
 

 


Hargeysa (TNN):-Shabakada Somaliland Youth Peer Education Network (Y-PEER) oo kulan doodeed u qabatay 50- hablood oo wax ka barta qeybaha kala duduwan ee Jaamacada ADAMAS,taas oo lagu Shalay qabtay Huteelka Safaari Ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey kulankaas oo ahaa hal maalin ayaa waxa lagaga dooday sidii hablaha d halinyarta ah loogu dhiirigelin lahaa inay ka qeybqaataan la dagaalanka iyo joojinta gudniinka firco oniga ee dhibaatada ku haya hablaha.

Isu-duwaha mashaariicda ee Shabakada Somaliland Youth Peer Education Network (Y-PEER) Maxa med Mahad Dhamac oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa habla ha wax ka dhigta Jaamacada ADMAS,si fiiican ee ay noo ajiibeen inay kulankan nagala soo qeyb ga laan. Waxaanan kulankan aynu maanta isugu nimdi u jeedadiisu waxay tahay sidii hablaha da’ayar ta ahi ula dagaalami lahaayeen caadadan dhaqanka ee dhibaatada badan ku haysa hablaha oo ah gudniinka fircooniga ah, haday tahay dhinac caafimaad iyo dhinac dhaqaale”.

“Waxaan ugu baaqaya guud ahaan hablaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa aqoonta leh iyo inta nasiibka u heshay kulankan maalinlaha ah inay ka wacyigeliyaan bulsha da dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi. Waxaanan leeyahay intiina nasiibka u heshay kulankan inaad aqoonta aad ku barataan aad u gudbisaan hablaha kale ee aan nasiibka helin kula nkan”. Ayuu yidhi Maxamed Dhamac.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan ddadka idiinka soo xulanay waxa weeyaan aqoon ayaad leeyihiin, oo bulshada kaalin laxaad leh ayaad kaga jirtaan, waxaanan ku kalsoonahay inaad wax badan gudbin kartaan oo ay dadku wax idinka dhageysanayaan, waayo waxaad tihiin hablo wax bartay oo aqoontii iyo kartidii ay dadka wax ugu gudbinayeen leh, sidaa daradeed kaalin ta wax ku oolka ah ee aad bulshada kaga jirtaan waa inaad doorkiina ka qaadataan”

Digtooreyso Naciima Cabdiraxmaan Buubaal oo ku takhasustay cudurada haweenka oo wax ku soo baratay waddanka Jordan ayaa waxay hablaha ka soo qeybgalay kulankan dooda casharo ka siis ay dhibaatada uu u leeyahay hablaha, isla markaana waxay hablaha sharaxaad faahfaahsan ka sii say dhibaatada uu sababo gudniinka fircooniga ahi sida dhiig bax oo uu inta badan sababo

“Islaanta wax gudeysa wax aqoon ah uma laha halbowlayaasha iyo xidida dhiiga qaada ee ka buuxa inanta yaryar oo ay dhacdo in la jarjaro qaar ka mid ah, kadibna uu dhiig bax ku yimaado”.Ayey tidhi Digtooreyso Naciima.

Dr Naciima waxay sheegtay dhibaatooyinka uu gudniinka fircooniga ahi sababo waxa ka mid ah ay ey tidhi waxa uu inanta ku xidhma Kaadida iyo Dhiigga Caadada, shoogga qaliinka, laxaw iyo hamba laaluq iyo dhibaatooyin kale oo ay mid noqon karto madhaleysnimo.

Gebagebadii waxa kulankaasi la isla qaatay sidii hablaha aqoonta leh ay kaalin laxaad leh uga qaad an lahaayeen la dagaalanka iyo joojinta gudniinka fircooniga ah, isla markaana inay hablahani horm ood ka noqdaan jiilka hooyooyinka berrito oo hablahooda ka fogeeya dhibaatada gudniinka fircoo niga ah. Waxxaana maalgelisay hay’ada United Nation Population Fund (UNFPA).

Waxay Shabakada Somaliland Youth Peer Education Network (Y-PEER) kulan kan la mid ah u soo qabteen Hablaha wax ka barta Jaamacada ADMAS UNIVERSITY ee Magaalada Hargeysa.

Dadka wax odorasa ayaa soo dhaweeyey kulamadan ay Shabakada Somaliland Youth Peer Educati on Network (Y-PEER ay ka bilowday inay hablaha aqoonta leh door laxaad leh ka qaataan sidii loo ga hortagi lahaa dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi,isla markaana bulshada looga wacyigelin lahaa.
 

Ahmed Maxamed Shaqalle