WAR-SAXAAFADEED

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

___________
Date, 08/10/2011:
Warsaxaafadeed

 


Sida aynu la wado socono waxaa cad in uu qandaraas ku qaatay Gudoomiyaha Golah a Wakiilad mudane:Abdirahmaan Cirro in uu burburiyo Xisbiga Cadaalada iyo Daryee lka ee UCID iyadoo ay ka markhaati kacayso go’aanki qayrul shacriga ahaa ee isaga iyo aadan mire waqaf ay bishii 24 july 2011 ay ku sheegteen in ay rideen hogaanki sharciga ahaa ee xisbiga iyadoo waliba ay xukumaduna u xidhay dhamaan xafiisyadii xisbiga qaranka ee UCID iyadoo uu isla markaana uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku xisbiga UCID ka diiday in uu dacawad ku oogo cidii lacagta xisbiga sida sharci darada ah ula baxday .


Hadaba iyadoo aanu u mahadnaqayno maxkamada sare ee go’aamisay go;aankii xaq a ahaa ee 11 Sebt 2011 daaqadana ka tuurtay go’aankoodi sharci darada ahaa.
Ayaa waxa uu gudoomiyaha Wakiilada Mudane:Abdirahmaan Cirro wali wadaa dagaal iyo dacaayado uu ka fidanayo xisbiga UCID isagoo bishan lixdeedii ku dhawaaqay in uu sameeynayo urur madashaas uu Abdirahmaan kaga dhawaaqayey ururka oo uu gudoomiye ku xigeenkisa barlamaanku mudane:Abdicasiis Samaale si cad u sheegay in uu abdirahmaan gacan wayn ka gaysatay guushii uu ka gaadhay kulmiye doorash ada madaxtooyada taas oo uu Abdirahmaan cirro ku jabiyey xeerkii xisbiga iyo disto orka qarankaba iyadoo horena aanu u qabnay tuhunkaas..


Hadaba anagoo tixraacayna hadalkaa uu madashas ka yidhi in uu iska casilay xubinim adii xisbiga ee uu ku fadhiyey golaha wakiilada kuna ahaa gudoomiyaha isagoo jabiy ey distoorka , xeerka xisbiga iyo xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta ee Xeer No:14/ ,waxa uu xisbigu go’aansaday in uu ka aqbalo is casiladiisaa soona buuxsado xubinimadaas sida sharcigu dhigay.


Maadaama oo uu ku biiray urur aan jirin , kuraasna aan ku lahayn golaha wakiilada.
Sidaas daraadeed waxaanu ka codsanaynaa haayadaha qaranka ee ay khusayso a rintani in ay fuliyaan go’aankaas ka soo baxay xisbiga UCID waxaan kaloon xasuusina yana dhamaan xildhibinaada golaha wakiilada in aanu gudoomiyahii hore ee golaha wakiiladu mudane Abdirahmaan Cirro aanu matalin xisbiga, lumiyeyna xubinimadii Gol aha wakiilada.
 



ALLAA MAHAD LEH


Xoghayaha Guud ee ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID
Mudane:Mohamoud Ali Muse (Jiir)
Singture…………………