AFTIDII DISTOORKII 1961 IYO DOORKII CABDIREZAAQ
XAAJI XUSSEEN

 

 


Ninkii heesay wuxu yidhi, "..Sida sheekh wax tebeyoo, Suurad Daah ku raago intuu Tabaarig r aadsaday, Tabaabulso qalaawaha waayaha u tayn dhigay.." Hadday oo wareegii todoba iyo tobnaad ee dib heshiisiinta quruumaha ku hirdamaya qalfoofka dalkii la odhan jirey Soomaali ya ka bilaabmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Madasha shirka ayaa maalmaahanba waxa ku sii qulqulaya intii horeba ugu xuubsiibatay in ay ku maxafsato dhibaatada loo maaro waayey ee dalkaa ku habsatay. Doorkan ayaa waxad moodaa in sawaxanku aad u kordhay ki d dib markay madashii ka soo xaadireen kooxo aan hore loogu arki jiren shirarka noocan oo kale ah. Sifo kale oo lagu suureeyo waxa meesha ka higleh oon ka ahayn in macsharkii la odh an jirey Dawaariq-ul Layl wal Nahaar ayaa goobta isugu habar wacaday markii la maqlay dowl adda Turkiga ayaa qaybineysa waxoogaa qaraamaad ah oo dowlado shisheeye ku deeqeen, qadarkiisuna dhan yahay 360.00 Malyuun oo Aw Bidaarka Maraykanka ah.

Inta ka sekaw ayaa waxa isna madasha iska soo xaadiriyey duqii Cabdirezaaq Xaaji Xusseen, waa ina Catoosh, oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey si hagr la'aan ah ugu xusul duub ayey in ay mar uun rumowdo rajadii laga qabay midnimo Soomaaliyeed oo dib loo yagleelo. Arrin inagu cusub ma aha oo hadba duqu waakan warbaahinta wax towtabiya. Doorkan xaalk u sidii hore ma ah oo odaygu waa ceelalyo oo darka ayuu sahaminayaa; halkeedaba haddaan ugu tagno waayahan cusub ee soo kordhay wax kale ha moodina amintu waxay cagacagayne ysaa xiligii tooshka orodka dheer amase (marathon) lagu wareejin lahaa ninkii wareega u dam beeya guul ka soo hoyn lahaa iyo waaba beryey arooryo baxsan! Beryahanba Warbaahinta dadka afsoomaaliga ku hadlay arrintan ayaa lagu qaada dhigayey. Ninba timo xamar, waa tab iyo xeelade bal aynu eegno dowliskaasi waxa uu ceelka guntiisa ka soo qaado. Waa tuu Cabdi Aadan Xaad "Qays" ka heesay qarnigii ina dhaafay, markuu lahaa: "Surinkii Hadraawiyo sury adaan anigu maray, Suxulbaa u aasanay sidaa ma ula socotaa!"

Sahankan xaajiguna sidiisaba waa mid soofdaran habaabay oo kolna waxa uu duqu saadaalina ya noqon mayso mid saldhigta sida uu qalbiga ka jecelyahay. Hase la yaabina ilayn tacab iyo howl aan la koobi karin ayuu sheekadan u huray, waxase aad mooda konton sannadood ka di b in ay qowm Cabdirezaaq Xaaji Xuseen kow ka yahay dubaaqooda geli la'dahay dunidii wey isbedeshey oo dacalka ka kale ayuu waa cusubi ka beryey dadka dhinac ka raacay.

Intaa haddaynu halkaa ku dhaafno, bal an u daadego dulucda qormadan oo ah hadal ka soo yeedhay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dalkii la odhan jirey Soomaaliya mudadii 1960-1964, waa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen, oo hadda kuj sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga goobta shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya. Cabdirezaaq waxa uu ku andacoonaya in Aftidii isxambaarka ahayd ee Distoorka/Xeerka Midowga ee qabsoontay 20 Juun 1961 ay sharciyad ku qotontay maadaama ay ahayd aftidi dadweynuhu u codeeyeen. Sideeba marka laga hadla yo sharciyad waa in ay waafaqsanaato xeerarka iyo qaabka dunidu dhaqanto, oo uu ugu hor eeyo Xeerka Heshiisayada Laba Geesoodka ah(Law of Bilateral Treaties) iyo Shuruucda Maxa liga ah. Sid a aynu xaqiiqada ku hayno markii dib loo raadraacay qaabkii labadii dal ee Somalil and iyo Somalia loo mideeyeen sharciyadoodii waxa caddaatay in aftidan iyo distoorkan Cabd irezaaq ka hadlayo labaduba isugu biyo shubteen waxba kama jiraan ama hal bacaad lagu lis ay. Hadday halkan kuma soo koobi karno daraasaad cilmiyeysan oo arrintan laga diyaariyey. Bal arrinta waxaynu ku soo koobi doona doorashooyinka Somaliland iyo Somalia ka dacay int aan gobanimada la helin iyo intii ka dambeyseyba- Waa Baabka Tirooyinka ama Kitaab-ul Arqaamka:

Sannadkii 1956 Doorashadii Golaha wakiilada Koonfur, tirada dadka codeeyey waxay ahayd = 615,000

Sannadkii 1959 Doorashadii Golaha Wakiilada Koonfur, tirad dadka cvodeeyey waxay ahayd =315,000*

Sannadkii 1960 Doorashadii Golaha Wakil. Somaliland, Tirada dadka codeeyey waxay ahayd== 81,400

Sannadkii 1961 Aftidii Distoorka-Soamliland/Somalia, Tirada Guud ee codeysey =1,948,348
Tirada Haa u codeysey =1,756,216
Tirada Maya U codeysey 183,000
Tirada xumaatay 9,132

Sannadkii 1961 Aftidii Distoorka Tirada Guud ee Somaliland Ka codeysey 103,795**
Sannadkii 1964 Doorashadii Golaha Wakiilada Soomaaliya 914,000
Sannadkii 1969 Doorashadii Golaha Wakiilada Soomaaliya 880,000

F.G: * Doorashada koonfureed 1959 Axsaabta qaar ayaan ka qayb gelin
F.G:** Aftidii distoorka Xisbiga SNL wuu qaadacay oo sidaa ayuu ku ololeeyey.

Tirada dalkaa Soomaaliya la odhan jirey ka codeyn jirtey sidaas ayey had iyo jeer u baaxaa d egeysey oo marnaba may lahayn meel loogu soo hagaago sababtoo ah may jirin diiwaangelin iyo tiro koob midina. Waxa meesha iska cad in wax isdaba marin xad dhaaf markasta ahayd. Hadaba Cabdirezaaq Xaaji Xuseen Af Soomaaliga la erey oon hore u jirin ayuu ku soo kordhiy ey oo ah: aadan Yabaal iyo Wallaweyn- lab deegan oo fadeexadii Aftida ku aan baxay code i sdabamarin iyo sanaadiiq cabbayn- Vote Rigging and Ballot Stuffing! Soo yaalka taariikhdu ma rnaba Cabdirezaaq labadaa erey kaga masuugimaayo oo loo qiri.

Sida an kor ku soo sheegay Aftida Distoorku waxay qabsoontay Bishii Juun 20, 1961; Natiijooyinkii ka soo xarooday gobolada ayaa Maxkamadii dalka U Sareysey dhaqn gelisey bis hii July 4, 1961 ka dib markay dhegaysatay warbixintii Xeer Ilaaliyaha Guud uu maxkamada ho rteeda ka jeediyey. Maxkamadu waxay deedifeysey cabashooyin ay u soo gudbiyeen xisbiyad aa S.N.L, U.S.P, iyo G.L.S. Aftida Distoorka waxa gadhwadeen ka ahaa Cabdirezaaq Xaaji Xuse en oo wakhtigaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha. Jujuub iyo qardajeex cad ayaa lagu meel mariyey waxa keli ah ee la waafajinayeyna waxay ahayd Qodobo lagu Magacaabo Ku Meel Ga adh iyo Kama Dambeys oo distoorkii koonfureed ku lifaaqnaa. Markay caddaatay in aanay da dka reer Somaliland ka codeeyeen distoorka iyo isxambaarkii ku lifaaqnaba ayaa sifaa sharci darrada ah lagu meel mariyey oo waliba wargeyskii Rasmiga ahaa ee Xukuumadda lagu Baah iyey. Waxa isweydiin mudan xeerka lagu dhaqan geliyey natiijadii distoorka dadka reer Somali land ma ku noqdeen muwaadiniin ku abtirsada Soomaaliyadii burburtay?

Horaa loo yidhi Qur'aan kufuwan axad ayaa isku fuuqsatay: Inqilaabkii dhicisoobay bishii Dece mber 9-10, 1961 saraakiishii Ciidankii Somaliland Scouts markii Xamar lagu maxkamadeeyey mudadii December, 1961-April, 1963 waxa maxkamada xaakim ka ahaa nin la odhan jirey Mr. Hazelwood dadkuna ku naaneysi jirey "Jinni Qoryaale." Dembiga lagu qaaday saraakiishu wu xu ahaa khiyaamo qaran.

Go'aankii xaakimku wuxu noqday:

In aanay jirin sharciyad dal ay ku midoobeen Somaliland iyo Somalia
In eedeysaneyaashu dembi ka gelin dal la yidhaa Jamhuuridda Soomaaliyeed
In aan eedeysaneyaashu u dhaaran, muwaadiniina u ahayn dal la yidhaa Jamhuuriyadda Soo maaliyeed


Sidaas ayuu raggaasu maalinta ku badbaaday markii loo waayey sharci lagu deldelo. Waxan o dhan laa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen taarikhda haka sineysan, ogsoonowna in aan taariikhdu b aqan , beena sheegin, abidkeed bukoon. Taarikh raadkeediiba qoyanyahay waxba yaan la isku maaweelin.

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse