Aadaabta Soonka
Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay loogu dhawaanayo, isla
marka ana uu addoonku kaga doonayo abaal marin iyo dambi dhaaf,
waxaa fiican inuu addoonku waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska
ilaaliyo waxyaalaha u keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan,
waxyaalaha qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid
:-
1-Akhrinta
Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Qur
aanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu
bisha Soon sii kordhiyo sidii u Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaat aye yeeli jiray oo kale. Bukhaari waxa uu
soo wariyay in Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihii ha ka raalli
ahaadee inuu yidhi:- Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaah ay naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka ugu deeqsisan dadka , waxaanu
ugu sii deeqsisanaa bisha Ramadaan oo uu Jibriil la kulmi jiray,
waxa anu la kulmi jiray habeen kasta oo Ramadaanka ka mid ah ,
markaasuu bari jiray Quraanka, markaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe kork iisa ahaataye wuu uga deeqsi badnaa
khayrka dabaysha dhabata.
2-Tobanka dambe ee bisha Ramadaan oo Cibaadada lagu dadaalo, iyadoo
ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu umaddiisa ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka
baadhaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Bukhaari iyo Muslim waxay
soo wariyeen inay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:- "Nabigu
naxariis iyo nabadg alyo eebbe korkiisa ahaataye marka ay
tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu noolayn jiray, ehelkiisana
wuu kicin jiray, guntiga ayuuna giigsan jiray".
3-Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi uu cuno cunto haba yaraatee.
Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu
yidhi:-" Suxuurta, Suxuurtu waa Barako e" Muslim iyo Bukhaari ayaa
wariyay. Umadda Muslimiinta ahina waxay isku raaceen inay arrin
wanaagsan tahay, laakiin qofkii ka taga dambi ma raacayo.
Waqtigeeduna waa gelinta dambe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo,
iyadoo ay wanaagsan tahay in dib loo dhigo. Sayd Binu Thaabit ayaa
yidhi:- "Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye ayaanu la Suxuurannay, markaasaanu Salaaddii isku taagnay (Salaaddii
Subax). Markaasaa la waydiiyay inteebaa u dhaxaysay?, wuxuu yidhi:-
Konton aayadood in la akhriyo".Bukhaari iyo Muslim baa wariyay.
4-Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu qofka Soomani uu dadajiyo
afurka marka uu hubsado in cadceeddi dhacday. Nabigeennu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Dadku khayr bay
ku jiraan inta ay afurka dadajinayaan" Bukhaari iyo Muslim baa
wariyay. Waxaana fiican in uu qofku ku af billaabo timir, haddii uu
waayana biyo. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye wuxuu yidhi:-"Haddii midkiin Sooman yahay ha ku af billaabo
timir, haddii u timir waayana biyo ha ku af billaabo, biyuhu waa
daahire" Axmed iyo Tirmiidi ayaa wariyay. Sida fiicanna waa inuu
Salaadda ka dambaysiiyo afurka. Sidoo kale waxaa fiican inuu qofka
afurayaa ducaysto. Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-" Saddex Ducadooda lama
celiyo (Eebbe wuu ka aqbalaa):-Ka Sooman ilaa uu ka afuro,Imaanka
caadilka ah iyo dulmanaha" Tirmiidi baa wariyay.
5-Iska ilaalinta wax Soonkiisa wax u dhimi kara, taasoo ah inuu
qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa wax u gaysan kara, iyadoo ay tahay
in Soonku kaliya uu yahay in laga Soomo cuntada,cabitaanka iyo
waxyaalah reeban ee kaleba balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay
loogu dhawaanayo. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxa uu
soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu yidhi:-"Ka aan ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda,
markaa Ilaahay waxba ku fali maayo inuu iska daayo cuntad iisa
iyo cabitaankiisa" Kooxdaa warisay Muslim mooyaane.
Waxaa kaleuu
Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
uidhi:-"Badanaa qof Sooman oo aan gaajo mooyaane Soonkiisa waxba ku
lahayn, badanaana mid taagan (oo Salaadda habeenkii u taagan) oo
taagni diisa ku lahayn soo jeed mooyaane" waxaa wariyay
Annisaa'i,Ibnu Maajah iyo Al-Xaakim.
La soco qaybta
7aad………..
Mustafe
Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland |
|