BBC:Aadan Nuux Dhuulle, waa wariyaha ugu co dka miigan ee ka warama idaacadaha Afkasoomaaliga ku hadla !
 

Faaduma ,Aden Nuuh, Yuusuf-Garaad,Abdisalam Hereri iyo Abdinur Sheekh



Salaama Calaykum.

Sideedaba codku '' dhawaaqu'' waxa uu ka mid yahay hantiyaha ugu mudan ee ilaahay ugu deeqay abuurtiisa qaar ka mid ah , waa miciinka uu noolaha leh ee Ilaahay siiyay sida ugu haboon dareenkiisa iyo doonistiisa ugu gudbin karo, waxa uu codku ( dhawaaqu) ka mid yahay waxyaabaha loogu  adeegsi ga badan yahay ee qaabeeya nolosheena, saamaynta ugu balaadhan ku leh aduunkan aan ku dul noolnahay!. Bal hada qiyaas oo maxaad u malayn aduunku siduu u eekaan lahaa hadaan dhawaaq jirin ?. Waa dhukanaan iyo dareen la' i garamaa hirig ah dheh!

Dhawaaqa dhuunteena iyo isku-qoofallka qulaanqulshaha ka unkanma ee dabadeedna neeftu xaga danbe kasoo bidho, carabka iyo debnahuna soo dhiibaan ee ay dibada soo dhigaan ayaa dhegta marka uu ku soo dhaco, dhadhamo kala jaad jaad yeesha, midbaa xanbaarsan dhiilo sakati kugu rida, ku kalay ku soohan tahay naxdin argagax lehi, miidbaa cadho keena aad ku falaadoodto , midbaa diirimaad iyo kalagacal is huwan kugu abuura ood u qiirootaa, midbaa aad u riyaaqdaa maqalkiisa oonad dhegaysigiisa ka caajisan, midbaa......... midbaa......midbaaa!!.

Hadaba hadaan abaaro ujeedada maqaalkan oo ah, ninka ugu dhawaaqa  w anaagsan ee ka mid ah wariyayaasha ku tabiya wararka afka-soomaaliga, waxan anigu qabaa inuu yahay wariyaha ka hawl gala idaacada BBC-da ee ku taal dalka Ingiriiska, ee magaciisa la yidhaa, Aadan Nuux Dhuulleh! waxan malahaygan qofeed food-saar uga dhigayaa, ku taxnaan aan maalin seeg  la hayn oon dhegaysanayay idaacadaha faafiya wararka afsoomaaliga lagu sh eego ee ku yaal aduunka ( tii ruuskhana ha noqotee) mudo ka badan haat an 30 gu'.

Waxan soo maqlayay hadaanan seeganayn mudadaa dheer ee ka badan 30-ka gu', codadka wariyaayaal aanan hada sheegiba karin badankooda  maga cyadooda, oo ka badan boqolaal, runtiina tayada codkooda uu aad u heer sareeyo, waxase ka duway wariye Aadan Nuux Dhuule een isaga gooni ugu soocay, xubinta dheeriga ahna u siiiyay waxan qabaa waa,-

1- Codkiisa ku badhan xariiqa dhawaaq-beega! Oon uga jeedo, in Ilaahay ku galaday dhawaaq aan jabaq dheer oo lagu dhego barjoobo ama guux hoose oo la saluugo lahayn.

2-Codkiisa aan gamuurka daba gooska ah ama jiidista taraarxa ah ahayn, oon uga jeedo in la moodo in codkiisu ku sar go' an yahay ama ku saameelan yahay mugo eraygu leeyahay, ama godka eraygu fadhisanayo oo qudha.

3-Codkiisa aan dudubiska aad dabaroorkiisa ama gaangida aad sugisteeda ku daasho lahayn, ee sida ugu haboon looga bogana karo.

4-Isaga oo ka mid ah wariyuhu, dadka tirada yar leh ee qaabka wax  sheego odu uu joogtada aan is-bedbedelin yahay, waxii kasta ee uu sheegayaana miigan yahay ! intaa aan dhagaysanay wariye Aadan Nuux Dhuulleh,  marna ba wax kale iska daayoo shadka iyo madka ma ilduufan.

Dhawrkaa sumadood ee dusha ayaa marag inoogu filan inuu wariyahaasi  m udan yahay inuu noqdo sidaan qabo, nin ku haboon in ugu yaraan la xuso, s ida ay dhagaystayaasha qaarkood tayadiisa wariyenimo u qirayaan una  qir ayaan !.



Somaliland ha jirto oo ha joogto



 

Cali Cumar Xasan
afraad_4@hotmail.com