Madaxweynaha Somaliland oo Istiqaalad ka aqbalay Wasiirul Dawlaha Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

 


Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta istiqaalad ka aqbalay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) oo Maanta istiqaalad u gudbiyay Madaxweynaha.


Madaxweynuhu, waxa uu aqbalaada istiqaalada ku yidhi “Waan helay istiqaaladaadii Summadeedu ahayd WHG/WD/MWJ/29/08 ee 31-01-2009, waanan fahmay nuxurkii ay xambaarsanayd.
Aad iyo aad baanan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynay, waxaanan kula socodsiinayaa in aan kaa aqbalay codsigaagii shaqo ka tagista ahaa, waanad ku mahad san tahay”.,
 

 


Alla Mahad leh
 


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL