Kulmiye kulmiye kulmiye bal maxaa kulmiseen?

 

 

 

Maalin dhawayd ayaa nin reer Kulmiye ah oo aanu saaxiib nahay aanu kaftanay markaasaan ku id hi waydinkii kulmiye kulmiye kulmiye da hayee ,bal maxaa qabateen ,markaasuu sheeko iiga sheek eeyey oo wxuu yidhi :

 

Beri baa waxaa jiray nin makhaayad turubka lagu ciyaaro haysta oo hadba qoladii laga badiyo ka qaada kharashkii makhaayada . Ninkii makhaayada lahaa baa waxaa u yimi nin reer miyi ah oo ay ilmaadeer yihiin . Wuxuu ku yidhi inadeer intaan soo noqonayo ii sii hay makhaayada oo hadba qol adii laga badiyo kasii qaad kharashka makhaayada . markii uu ninkii makhaayada lahaa tegay ayaa qollo laga badiyey oo cadhaysani soo kacday markaasuu kii reer miyiga ahaa ee makhaayada laga ga tegay waydiiyey kharashkii makhaayada. ilayn waa niman cadhaysan oo laga badiyey e way is ka dhaafeen .

 

Nasiib darro hadii ninka makhaayada lihi joogi lahaa wuu iska dhaafi lahaa oo hadhow markay cadh adu ka ba`do ayuu waydiin lahaa laakiin ninkii reer miyiga ahaa Budh rasada makhaayada yaalay b uu soo qaatay oo labdii nin ee laga badiyey ee markuu la hadlayna iska dhaafay buu dabada u qab tay .

 

Ninkii makhaayada lahaa baa wuxuu soo noqday meeshii oo dadkii dhaawaca ahaa gaadhi lagu gur ayo . Markaasaa loo sheegay wixii meesha ka dhacay . Wuxuu u yimi ninkii reer miyiga ahaa ee ay ilmaadeerka ahaayeen ee uu makhaayada kaga tegay oo uu ku yidhi : waar dadka kharashka kasii qaad baan ku idhiye ma laa baan ku idhi .

 

Wuxuu ugu jawaabay Adeer Kitaab Quraan ah nagagamaad tegine Budh baad rasada kaga tegtay oo,  kii baanu dabada u qabanay markii ay lacagtii bixin waayeen dee.

 

Imika anagu:

  Sicir bararkii iyo Budhcad Badeeedii  baanu kulminay

  Abaartii iyo Colaadii  baanu kulminay,

  Hay`ado fara badan iyo Busaarad  baanu kulminay ,

  Dowlad Gobaleedyadii iyo Tanna  waanu kulminay.

 

Adeer dee Dubai noomaydaan dhiibine dowlad yar oo faqiira oon la ictiraafsanayn baa noo dhiibte ene hadaanu waxaas oo dhan kulminay miyaanaan magaca u qalmin ?

Waxaan ugu jawaabay waa sax , laakiin waxaanu sideed sanno dhoo bdhoobaynay baa kalla firdh iseene . Waxay ahayd inaa magaca Kulmiye bedeshaan oo la baxdaan Firdhiye.
 

 

 

 

 

 

Qalinkii :Baxnaan Xaaji Aden
haaheey@hotmail.com
Sweden