Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo baaq u diray shacabka Gobolka Gabiley

 

Gabiley (TNN) :- Mayorkii hore ee degamada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo baaq u diray shacabka Gobolka Gabiley,inay si weyn isugu soo baxaan,soona dhaweeyaan Guddo omiyaha xisbiga Kulmiye ,ahna musharaxa Madaxweynaha,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,oo Go bolka ku soo foole leh,una imanaya dar dar gelinta Diiwaan gelinta cod bixiyayaasha.

Mujaahid Adan Shiine waxaa hadaladiisi ka mid ahaa,"Gobolka Gabiley,waa Gobolkii xukuum ada maanta ee uu hogaaminayo Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),uu ka h elay cududii ,taageeradii iyo codkii ugu badnaa,taasoo lagu lingaxay guushii xisbiga Kulmiye ee Doorashadii Madaxweynaha ee sannadkii 2010.

Walaalayaal, waxaynu dhammaanteen ka wada dharagsan nahay sooyaalka iyo halgankii dheeraa ee  Mujaahid Musen Biixi,u soo huray Gobanimada iyo Qaranimada Somaliland , dhi igiisii iyo dheecaankiisiina u soo huray.Waa inaynu si ballaadhan u soo dhaweynaa Mujaah id Muse Biixi Cabdi,si weyna uga qayb qaadanaa is Diiwaan gelinta ,si aynu maalinta Doora shada Madaxweynaha,aynu codkeena, cududeena iyo taageeradeenaba u siino Madaxwe ynaha mustaqbalka ,Mujaahid Muse Biixi Cabdi."

 



Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland