Adduunka ama Kownka
Qaybtii    26  aad

 


Toobadda ama Toobad keenka


Towbadu waa fursad Alle subxaana watacaalaa siiyey,qof kasta oo  de nbi gala,ama khaladba ka dhaco,waxa qofka la gudboon oo u shardi ah toobad keenka iyo denbi dhaafka,in uu Alle u noqdo,oo ka murugoodo denbi ama khaladkuu sameeynayey,oo uu ka waantoobo,oo aanu dib ugu noqon,Alle waa ka aqbalaa oo raxmad badane,u denbi dhaafa  ad doomadiisa:


" يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا " التحريم


Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow Alle u toobad keena,oo  de nbi dhaaf niyad ah,oo run ah,Alle ka dalbada.

Waxa mar kasta diinteennu innagu boorrinaysaa,oo ina faraysaa,in  ay nu denbi dhaaf dalbanno,oo aynaan ka daalin in aynu Alle  waydiisan no,oo ducaysanno oo dhenbi dhaaf mar kasta dalabno:


{ وتوبوا إلى الله جميعاً أيها المؤمنون لعلكم تفلحون } (النور)


Aayadda:Alle u toobad keena oo denbi dhaaf dalba,muuminiintoy  dha maantiin, waxa la arkaa in aad aflaxdaane.


Waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaatee,isag oo inoo ahaa ku dayasho,uu ku dadaali jirey in uu Alle denbi dhaaf ka dalbo,iyadoo haddana denbigisa uu Alle dhaafay,mid hore iyo mid  dan beba,markaa waa in muslin kasti ku daydaa:


قالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم (يَا أَيُّهَا النَّاسُ، تُوبُوا إِلى اللهِ واسْتَغْفِرُوهُ، فإنِّي أتُوبُ في اليَومِ مئةَ مَرَّةٍ) رواه مسلم)


Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  aha atee,wuxu yidhi;kuwa Alle iyo Nebigiisa rumaysayeey Alle u toobad keena,oo istaaqfuranlaysta, waxa aan anigu dhenbi dhaafka dalbadaa maalintiiba boqol jeer.


Denbiga iyo khaladku way dhacaan,laakiin waxa loo baahan yahay,in la is qabto,oo dib looga noqdo denbiga iyo khaladka,oo aan lagu noqon,Allena laga baryo denbi dhaaf,"human is to err Allah to forget":


قالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم " كل ابن آدم خطاء وخير الخطائين التوابون
"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaat ee, wuxu yidhi; Bini-aadamka oo dhami wuu denbaabaa,waxana kuwa  de nbaaba ugu khayr badan, kuwa toobad keena,ee denbi dhaafka dalbada.


Waxa qof kasta oo muslin ah la gudboon,in uu denbi dhaaf Alle ka  dal bo,mar kasta oo waxa suurtagal ah in wax uu isagu u arkayo,in aanay denbi ama khaladba ahayn ay yihiin denbi,oo aanu aqoon u  lahay nb a,ama uu sahashado oo yaraysto,markaa waqti kasta waa in qofku  ist aaqfuranlaystaa,oo denbi dhaaf dalbaa,hadduu denbi falay iyo haddii kaleba,waxana loo baahan yahay in qofku diintiisa aqoon u yeesho,si uu u kala ogaado waxa denbiga ah iyo waxa aan denbi ahayn:


إنما التوبة على الله للذين يعملون السوء بجهالة ثم يتوبون من قريب فأولئك يتوب الله عليهم وكان الله عليماً حكيما ً (النساء


Aayadda:toobadu waxa ay ku waajib tahay,kuwa u samaynaya  xuma h a garasho la'aan,oo ay jahli ka yihiin,dabadeedna ka toobad keenaya isla markiiba,kuwaas Alle waa ka aqbalayaa toobad keenka,oo Alle  w aa cilmi badane,xakiim ah.


Waxa qofka muslinka ah,laga rabaa haddiiba denbi iyo khalad ka  dha co,in uu ka denbi dhaaf dalbado,oo camal wanaagsan sameeyo,oo  qab atimo si uu u masaxo,oo u daboolo kii xumaa:


قال النبي صلى الله عليه وسلم :" اتق الله حيثما كنت واتبع السيئة الحسنة تمحها وخالق الناس بخلقٍ حسن "


Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaat ee, wuxu yidhi;Alle ka baq meesha aad joogtoba,oo raaci xumaha wax wanaagsan si ay u masaxdo,kulana dhaqan dadka akhlaaq wanaagsan.
Alle subxaana watacaalaa waa raxmad badane,denbiga dhaafa,oo cid kastoo Alle u soo noqota,oo toobada dalbata ka aqbala.


) والذين إذا فعلوا فاحشةً أو ظلموا أنفسهم ذكروا الله فاستغفروا لذنوبهم ومن يغفر الذنوب إلا الله ولم يصروا على ما فعلوا وهم يعلمون) آل عمران


Aayadda:kuwa hadday falaan oo sameeyaan faaxisho,ama xumo oo ay dulmaan naftooda,istaaqfuranlaysanaya,ee denbiyadooda ka denbi  dh aaf dalbaya,yaa denbiga dhaafa Alle mooyee,kuwa aan ku sii adkaysan khaladaadka ay samaynayaan,iyagoo og.


Alle isagaa korreeyee waa mid ay badan tahay,naxariistiisa iyo denbi dhaafidiisa,oo Illaahay waa ka aqbalaa ciddi denbi dhaaf ka  dalabt a,waana og yahay niyaddeena waxa ku jira:


الذين يجتنبون كبائر الإثم والفواحش إلا اللمم إن ربك واسع المغفرة هو أعلم بكم إذ أنشأكم من الأرض وإذ أنتم أجنة في بطون أمهاتكم فلا تزكوا أنفسكم هو أعلم بمن اتقى) النّجم )


Aayadda:kuwa ka dheeraanaya denbiyada waaweyn iyo faxshiga xun, wax yaryar mooyee,Rabbigaa waa mid maqfiradiisa iyo denbi dhaafk iisu weyn yahay,waana og yahay,oo wuu idiinka cilmi badan yahay mar kii uu dhulka idinku abuuray,idinkoo uurka hooyooyinkiin ku jira,ha  sa faynina naftiinna,Alle ayaa og kiinna cabsada'e.


Haddii wax denbi ah oo si aanad filayn,kaaga dhaco.

Alle subxaana watacaalaa waa raxmad badane,oo qofka uma  qaado, waxa aan niyad ahaan uga soo go'in,ee aanu u badheedhin,laakiin  gar asho la'aan,iyo kama' uga dhac:


لا يؤاخذكم الله باللغو في أيمانكم ولكن يؤاخذكم بما عقدتم الأيمان...(المائدة)


Aayadda: Alle idiin qaadi mayo oo idiin qori mayo wax kama' idiinka dhacay,ee wixii qalbigiina ka soo go'ay eed u qasadeen ayaa la idiin qabanayaa.


Toobad keenku waa inta aad fursada haysato,ee ay goori goor  tahay, ee ma aha marka talo fara ka haaddo,ee qofku qirinqiir ku jiro,tusaale ahaan marka sakaraatul mawdko yimaaddo:


{ وليست التوبة للذين يعملون السيئات حتى إذا حضر أحدهم الموت قال إني تبت الآن ولا الذين يموتون وهم كفار أولئك أعتدنا لهم عذاباً أليما ً } النساء


Aayadda:toobadu uma sugnaan kuwa samaynaya xumaha,ee marka ay sakaraatul mawdka dareemaan odhanaya,anigu waan toobad keenay hadda,umana sugnaan kuwa gaalnimo ku dhimanaya,wax toobad ah i,kuwaas waxa aannu u diyaarinnay cadaab kulul.


Waqti kasta qofka waxa looga baahan yahay in uu dalbado denbi  dhaa fka,oo Alle ka dalbo inuu ka aqbalo toobadda iyo soo noqoshada:


قال عليه الصلاة والسلام :" إن الله يبسط يده بالليل ليتوب مسئ النهار ويبسط يده بالنهار ليتوب مسئ الليل , حتى تـطلع الشمس من مغربها " رواه مسلم

Xadiiska:waxa Rasuulku calayhi salaatu wasalaame yidhi;Alle wuxu  fi diyaa gacantiisa habeenkii si uu u toobad keeno,ka maalintii  denbaab aa,oo maalintiina wuu fidayaa gacantiisa,si qofka habeenkii  denbaab aa u dalbado denbi dhaaf,ilaa ay qorraxdu ka dhacayso.


Diinteennu waxa ay ina baraysaa in qofku mar kasta

Istaaqfuralaysto,oo denbi dhaaf dalbado,oo waa in aanu qofna niyadda gashan in aanu denbi lahayn,Alle ayaa wax kasta u cilmi leh,innagu  w aynu dadaalaynaa mar kastana wixii aynaan garanayn,ee nolosheenna la soo dersa,sida aynu ula dhaqanno,ee uga jawaab bixinno Allaa og,oo cilmi u lehe,waa inaynu denbi dhaafka iyo istaaqfuranlaysiga badinaa:


{ استغفروا ربكم ثم توبوا إليه } (هود


Aayadda:Rabbigiin u istiqfaarsada,oo u toobad keena.


Alle waa mid jecel Addoomadiisu inay ka cabsadaan,oo amarkiisa  raac aan,oo ka dalbaan wixii duco ah,denbi dhaafna weydiistaan:


واذا سألك عبادي عني فاني قريب أجيب دعوة الداع اذا دعان فليستجيبوا لي وليومنوا بي لعلهم يرشدون(البقرة)


Aayadda:haddii ay Addoonadaydu i kaa weydiiyaan waxan ahayd mid u dhow,oo aqbala ducada qofka ducaysanaya hadduu i weydiisto,ha iga dalbeen ducadooda,hana i rumeeyeen,waxa la arkaa inay hanuunaane.
Alle subxaana watacaalaa waa qani,Adduunkan isagaa iska leh,haddii dadkoo dhan,uu mid kasta Alle siiyo waxa uu dalbanayo,ma  naaqusa yso maalka Alle,isagaa leh wax kasta:


عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله - صلى الله عليه وسلم - يقول: قال الله تبارك وتعالى): يا ابن آدم إنك ما دعوتني ورجوتني غفرت لك على ما كان فيك ولا أبالي، يا ابن آدم لو بلغت ذنوبك عنان السماء ثم استغفرتني غفرت لك ولا أبالي، يا ابن آدم إنك لو أتيتني بقراب الأرض خطايا ثم لقيتني لا تشرك بي شيئا لأتيتك بقرابها مغفرة


Xadiiska:waxa Anas Ibnu Maalik Alle ha ka raalli noqdee yidhi;waxa  a an maqlay Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ahaate e,oo leh;Alle wuxu yidhi isaga ayaa korreeyee;Bini-Aadamow haddii  a ad duco iga dalbato,oo iga rajeyso khayr waan kuu denbi  dhaafaya a, waxa aad samaysayba waan kuu dhaafi doonaa,umana aabba  yeelay o,Bini-Aadanow haddaad la timaaddo Arlada muggeed oo denbi ah,oo aad ila kulanto adiga oo aan ii shariig yeelaynin,waxan ku siinaya  Arla da muggeed,oo denbi dhaaf iyo maqfiro ah.

Qofku afka uu ku hadlo,ama garanayoba wuu ku istiqfaarsan karaa,oo Alle kaga dalbi karaa denbi dhaaf,ducada denbi dhaaf dalabka ugu  sar raysa ee sayidka u ahi waa tan:


قال - صلى الله عليه وسلم - كما في الصحيح): سيد الاستغفار أن تقول اللهم أنت ربي لا إله إلا أنت خلقتني وأنا عبدك وأنا على عهدك ووعدك ما استطعت أعوذ بك من شر ما صنعت أبوء لك بنعمتك علي وأبوء لك بذنبي فاغفر لي فإنه لا يغفر الذنوب إلا أنت، قال ومن قالها من النهار موقنا بها فمات من يومه قبل أن يمسي فهو من أهل الجنة، ومن قالها من الليل وهو موقن بها فمات قبل أن يصبح فهو من أهل الجنة


Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  ah aatee yidhi;denbi dhaaf dalbashada waxa u seyid ama boqor ah,in aad tidhaahdo Allow adiga ayaa Rabbigay ah,Illaah aan adiga ahaynina ma jiro,adigaa i abuuray,aniguna addoonkaagii baan ahay,oo waxan ku  ta agan ahay,oo oofinayaa axdiga iyo wacadkaga inta awooddayda  ah,w axan kaa magan galay waxa aan sameeyo sharkiisa, waxan kuu  ogsoo n ahay nicmada aad igu mannaysatay,waxana aan kuu soo  bandhiga yaa denbigayga,ii denbi dhaaf(Allow)cid denbi dhaafta,oo aan adiga ahayni ma jirto'e, waxa Rasuulka Alle yidhi qofka ducadaas yidhaahda maalintii,si niyad ahna u yidhaahda,haddii uu maalintaa dhinto,gabbal dhaca ka hor waa ehlu janno, qofka ducadaas yidhaahda habeenkii,si niyad ahna u yidhaahda,haddii uu habeenkaa dhinto,intaanu waa  berii san,waa ehlul janno.


Alle isagaa korreeyee,wuu dhaafaa danbiyadoo dhan,marka si dhab ah looga toobad keeno,denbiga aan la dhaafin waa Alle oo loo shariig yeelo,qof Alle u shariig yeelaya oo denbi dhaaf haddana dalbanayo,Alle kama aqbalayo,ilaa uu Alle keliya caabudo:


"إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ "النساء


Aayadda:Alle ma dhaafo toobadda qof u shariig yeelaya,oo waxa aan ahayn shariig yeelid wuu ka aqbalaa cidduu doono.

 

 

Adigoo aan dhaadeyn
Haddii qaladba kaa dhaco
Waa inaad sidii dhab ah
Uga dhiidhidaayoo
Denbi dhaaf ka dalabtaa
Waa la dhaafi doonaa
Wixii maskax ku soo dhaca
Ama aad dhacdo ahaan
Ku dhaqaaqdo fulintiis
Dhigaal weeye qoranoo

*****

Aanay dhibic dhulkaw dhicin
Dhita aad u helaysee
Dhigo khayrka dhaxalgala
Dhayalsiga ka dheerow
Wixii maskax ku soo dhaca
Aanse dhacdo ahaan fulin
Haddii aad ka dhiidhido
Dhabna uga fogaatoo
Ka dheeraato abidkaa
Waa la dhaafi doonaa

*****

Dhigaalkeedu khayr buu
Ku dhamaanayaa'oo
Ajarkaad dhadhaminay
Ku dhaqaaqa denbigii
Khasab lagaaga dhigo een
Qalbigaa u dhaadhicin
Qiil kalena dheer yahay
Waa la dhaafayaa oo
Dhigaalku waa wixii dhab ah
Shardi baa ka dhigan oo

*****

Waa in aad ka dhiidhi'do
Ka dheeraato goor kale
Dhaqan geliso toobada
Dhab waxad helaysaa
Dhibirsanida naxariis
Eebbe kuu dhigaayee
Dharaartii timaadaba
Dhawaaqaad tidhaahdiyo
Dhaqankaaga noloshuna
Dhidibada cibaadada

*****

Dhadhab oo adkeeyoo
Denbi dhaafka dalaboo
Dhiirranida wanaaggiyo
Dhirta khayrka beeroo
Dhigo ajarka oo dhigo
Dhicis yaanu kaa noqon
Dhamays ha kuu ahaadee
Yuu ku dhaafin waqtigani
Dheerayn buu ku caan baxay

*****

Cimrigaaga dhererkiis
Dhibic yaanay kaa lumen
Dhiso nolosha tii dhab ah
Dhidibada u aas oo
Denbi dhaafka dalabkii
Dhaqan ha kuu ahaadee
Dhamaystiro cibaadada
Dhega nugaylka xaqa iyo
Toobaddaa ku dhaadnoow
Denbi dhaafka dalaboo
Dhaqan geli cibaadada

 


Waxaynu Illaaheen ka baryaynaa in uu ina ilaaliyo,oo inagu sugo  xa qa,oo inooga dhigo,mid macaan oo aan nafteenna ku tababarno falidda cibaadada la inoo abuuray, sidoo kale Alle ha inaga dhigo kuwa mar kasta carrabkooda iyo laabohooda ay ku jirto,cabsida Eebbe,mar  kast ana dalbada denbi dhaaf,oo istaaqfuralaysta,kuna noolaada digriga Eebbe iyo tasbiixdiisa,
Aamiin,Aamiin,Aamiin.

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w