Adduunka ama Kownka
Qaybtii 12 aad

 


Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu. Waxaan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah u dirayaa Shebekedda
Longlivesomaliland iyo Akhristayaasheeda.

 

Raxmadda iyo Dulqaadka


Alle subxaana watacaalaa waa raxiim oo Addoomadiisa wuu u  ra xmad badan yahay,waana u dhibirsan yahay oo u dulqaad badan yahay,Illaahay Addoomadiisu hadday wax ka dalbaan ama denbi dhaaf weydiistaan,wuu u naxariistaa oo waxay u baahan yihiin iyo siyaadoba wuu siiyaa,sidoo kale Alle dad fara badan oo caasiya oo diida amarkiisa iyo waajibaadkiisa,wuu u dulqaataa oo wuxu  siiy aa fursad ku filan oo ay ku soo noqon karaan,oo ay ku fekeri  kar aan xaqiiqada iyo Aayadaha Illaahay ee ka muuqda waxyaalaha ku xeeran iyo naftoodaba ay eegaan oo ku caqli qaataan.


Magacyada Illaahay waxa ka mid Raxmaan iyo Raxiim oo  raxm adda Illaahay caddaynaya,sidoo kale magaca Xaliim oo dulqaadka Alle sheegaya,raxmadda Illaahay way ballaadhan tahay oo shey kasta way gaadhaa:


"ورحمتي وسعت كل شيء" ( الأعراف)

Aayadda:raxmaddaydu waa mid shey kasta gaadha oo  ballaadha n,oo waasic ah, Diinteenna xaniifka ihi waa raxmad Alle inoo soo dejiyey oo Nebigiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee innoogu soo dhiibey:

"وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ تِبْيَانًا لِكُلِّ شَيْءٍ وَّ هُدىً وَّ رَحْمَةً وَّبُشْرىٰ لِلْمُسْلِمِيْنَ" (النحل)

Aayadda:waannu kugu soo dejinney(Nebi Allow)kitaabka isagoo shey kasta caddayn iyo sharrax ka bixinaya,oo hanuun iyo raxmad iyo bushaaro u ah Muslimiinta.

Sidoo kale Illaahay Rasuulka uu inoo soo diray wuxu inoo yahay Raxmad,oo xaqii ayuu inoo caddaynayaa oo ina tusayaa waddadii toosnayd ee aynu ka helaynay naxariista Eebbe:

(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلاَّ رَحْمَةً لِّلْعَالَمِيْنَ) سورة الأنبياء

Aayadda:kuuma aannu soo dirin waxkale raxmad aad u tahay  caa lamiinta(dadka) mooyee.

Rasuulkuna wuxu yidhi waxan u ahay dadka raxmad iyo hanuun:

قال صلى الله عليه وسلم (إنّما أنا رحمة مهداه)

Xadiiska:waxa Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi: waxkale ma ahee,waxan ahay raxmad lagu hanuunayo oo lagu hadoobayo.

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu ahaa mid jecel oo u naxariis badan Muuminiinta:

لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُوْلٌ مِّنْ أَنْفُسِكُمْ غَزِيْزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيْصٌ عَلَيْكُمْ بِالْمُؤْمِنِيْنَ رَؤُوْفٌ رَّحِيْمٌ) سورة التوبة)

Aayadda:waxa xaqiiqo ahaan la idiin soo diray Rasuul idinka mid ah,oo ah mid ka xanuunsanaya hadday dhib idin taabato,oo idiin dadaalaya,oo u ah Muuminiinta mid dhibirsan oo u naxariis badan.
Naxariista Rasuulka iyo raxmaddiisa darteed waxay sababtay inay dadku jeclaadaan oo ku soo ururaan,oo ka faa'iidaystaan  cilmigii sa iyo khayrkiisa:

فَبـِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيْظَ الْقَلْبِ لاَنْفَضُّوْا مِنْ حَوْلِكَ( سورة آل عمران)

Aayadda:Raxmadda Eebbe darteed ayaad u noqotay dadka mid u debecsan oo haddii aad noqon lahay mid adadag oo qalbi  qallaf san way ka yaaci lahaayeen hareerahaaga.

Dadka Muslimiinta ahi waa kuwo isu naxariis badan oo isku tiirsan :
(مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ…)(الفتح

Aayadda:Maxamed waa Rasuulkii Alle,kuwa weheliyaana waa kuwo ku adadag Gaalada oo isu naxariista iyagu.

Sidoo kale wuxu Illaahay inoo soo dejiyey Quraan inoo ah shifo ay nu isku dawayno,oo inoo ah raxmad iyo naxariis:

(ونُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَّ رَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِيْنَ) سورة الإسراء

Aayadda:waxannu Quraanka soo dejinnay isagoo u ah shifo iyo raxmad Muuminiinta.

Illaahay naxariistiisa iyo raxmaddiisa wuxu qof kasta eegaa  itaal kiisa iyo wuxu awoodo ee karayo,oo wax aanu itaal u hayn kuma ciqaabo:

(لاَ يُكَلِّفُ اللّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا) البقرة

Aayadda:Alle nafna kuma kellifo itaalkeeda mooyee wax kale(Awooddeeda).

Illaahay aad buu Addomihiisa ugu naxariistaa iyagoo denbiyo  sa maynaya ayuu illaahay,u dhaafaa,oo u kaadiyaa waa intaas oo ay toobad keenaane:

Alle wuxu Addomadiisa u sheegayaa inaanay marna ka quusan  ra xmadda iyo naxariista Eebbe,ee ay Alle ku xidhnaadaan oo denbi dhaaf weydistan:

قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِيْنَ أَسْرَفُوْا عَلـٰـى أَنْفُسِهِمْ لاَ تَقْنَطُوْا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ ( سورة الزمر)

Aayadda:waxad(Nebi Allow)tidhaahdaa Addomayohow naftooda ku tagri falay ee israafay ha ka quusannina raxmadda Alle.

Waxa Muuminiinta wanwanaagsan ee khayrka isfara Alle ugu  ball an qaaday inuu u naxariisto oo ay raxmaddiisa helaan:

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)

Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin oo isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan  xumah a,oo Salaadda oogayaan Sakadana bixinayaan,Alle iyo  Rasulkiisa na adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka  cas iiska(qaaliga)ah ee xakiimka ah.

Waalidku waa kuwo mar kasta u naxariista oo jecel  ubadkooda waxa qofka muslinka ah la gudboon inuu u duceeyo oo u gudbiyo adeeg wanaagsan oo raalli geliya waalidka una dhibirsanaado:

(وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيراً) (الإسراء)

Aayadda:u debci dhaqanka oo naxariis u samee,oo dheh Rabbiyow ugu naxariiso (waalidkay) siday ii soo rabbeeyen markaan yaraa.

Qofka muslinka ah waxa laga rabaa inuu lahaado oo ku sifoobo  d hamaan sifooyinka wanaagsan ee diinteenna xaniifka ahi ina  fart ay oo ay ka mid tahay naxariistu,qofku waa inuu u naxariistaa cid kastoo u baahan taageero iyo taakulo,oo itaalkiisa aanu waxba  k a hagran ee u huro wuxuu awoodo,waxana qaali ah in qofku uu  c afis iyo saamaxaad u sameeyo dadka isagoo kara inuu ka aarsado ama ka goosto wuxuu ku sameeyey,qofka sidaa sameeya Alle  ab aalgud iyo ajar fiican ayuu siinayaa,qofkii uu saamaxayna waxu  x umihii u bedelayaa wanaag oo wuxu ku deyanayaa inuu  sifada asoo kale isna kasbado oo naftiisa baro:

"والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين" ( آل عمران)

Aayadda:kuwa laqaya cadhada(cadha burburaya)ee cafiya  dad ka,Alle waa jecel yahay kuwa muxsiniinta ah ee ixsaanka iyo wanaagga sameeya.

Dadka Muslimiinta ah Alle wuxu farayaa inay isu dhibirsanaadaan oo is caawiyaan iskuna taageersadaan khayrka iyo wanaagga:

وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(المائدة)

Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku  ca awinina,denbiga iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle  ciqaabkii su waa mid daran oo adage.

Qofka dadka iyo noolaha kaleba u naxariista Illaahay ayaa u  nax ariista oo taageera:

وعن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن رسول الله قال: ((الراحمون يرحمهم الرحمن، ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء)) [رواه أبو داود والترمذي]

Xadiiska:Cabdillaahi Ibnu Camro Alle ha raalli noqdee wuxu  shee gay in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee  yid hi:kuwa naxariista Raxmaanka ayaa u naxariista.

Qofka aan dadka u naxariisan isagana Alle uma naxariisto:

وعن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال: قال رسول الله : ((من لا يرحم الناس لا يرحمه الله)) [رواه البخاري ومسلم] ، ورواه أحمد

Xadiiska:Jariir Ibnu Cabdillaahi Alle ha ka raalli noqdee wuxu  yid hi Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:kaan dadka u naxariisan Alle uma naxariisto.

Waxa Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalame kala kulmay  M aka iyo dadkii Quraysheed dhib fara badan,dabadeed wuxu qabtay magaalo Daa'if la yidhaahdo,bal inay taageeraan oo Risaaladda qaataan,nasiib darrose carruurtii iyo dumarkii ayay ku  yidhaahde en dhagxiya oo erya,dhib badan ayaa ka soo gaadhey oo lugihiisa dhiiggii ayaa ka daatay,siday u dhagxinayeen,wuu iskaga  tegey isagoo aan dareenkiisu dhibtii darteed caadi ahayn,markuu  mara yey meel Sacaalib la yidhaahdo ayuu wax kala gartay,dabadeed wuxu arkay daruur dushiisa ah,markuu eegay wuxu arkay Malaku Jibriil,wuxu Malaku Jibriil ku yidhi:Alle waa maqlay waxay ku  yid haahdeen Qowmkaagu,iyo siday kuula dhaqmeen,waxanu Alle kuu soo diray,Malaga Buuraha,si aad ugu amarto waxaad  rabto, daba deed Rasuulku wuxu yidhi Malagii Buuraha ayaa ii dhawaaqay,oo i salaamay,wuxu igu yidhi Maxamedow waa adigu sidaad  doonay so,haddaad doonto labadaa buurood ayaan iyagoo ku dhex jira  is ku dhirbaaxayaa,Rasuulku waa naxariis miidhane,wuxu yidhi  ma yee waxan rajeynayaa in Alle dhabarradooda ka soo saaro(ay dhalaan) kuwo Alle keligii caabuda oo aan u shariig yeelin.

..فناداني ملك الجبال فسلم علي ثم قال: يا محمد، فقال: ذلك فيما شئت، إن شئت أن أطبق عليهم الأخشبين))، فقال النبي صلى الله عليه وسلم: ((بل أرجو أن يخرج الله من أصلابهم من يعبد الله وحده لا يشرك به شيئا))

Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa inuu naxriis u yeesho wax  ka sta oo naf leh,waxa jirta in haweeney Jannada ku gashay Eey ay waraabisay isagoo harraadan,halka haweeney kale ay cadaabka ku gashay Bisad ay ku dishay,gaajo markay meel ku xidhay,oo  iy aduna wax siin waydey,una ogolaan weydey inay quudkeeda  raa dsato,markaa waa inaynu u naxariisanaa noolohoo dhan,oo  kuwa ynu ka xoog badan nahay aan ilaalino,sida qudhaanjada aynaan  k u tuman ee ka leexanno,xayawaanka kalena u wada  naxariisa nno.

Mar kasta ogow kuna seexo oo ku soo toos naxariis oo dadka  Mus limiinta ah la wada jeclow wanaag iyo horumar,markaas ayaa  da dkuna ku jeclaanayaa,Allihii abuurayna ku jeclaanayaa,oo wanaag kuugu abaalgudayaa,insha Allah.

Dulqaadku waa shey qaali ah,Alle subxaana watacaalaa waa  xal iim waana dulqaad badane,iyadoo Alle awood u leeyahay  Addoo mada uu isagu abuuray hadday caasiyan inuu isla markiiba  halaa go ama abaalkooda mariyo,laakiin Alle wuu u dulqaataa, waxanu siiyaa fursad ay ku fekeri karaan oo ku bedeli karaan dariiqoodii khaldanaa, haddii ay ku sii dhega adaygaanna Alle wuu u  dulqa ataa ilaa ajashii uu ugu talogalay dhamaato:

"وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللهُ النَّاسَ بِمَا كَسَبُوْا مَا تَرَكَ عَلـٰـى ظَهْرِهَا مِنْ دَابَّةٍ وَّلـٰـكِنْ يُؤَخِّرُهُمْ إلـٰـى أَجَلٍ مُسَمًّى فإِذَاجَاءَ أَجَلُهُمْ فَإنَّ اللهَ كَانَ بِعَبَادِه بَصِيْرًا" (فاطر)
 

Aayadda:haddii Alle u qabanayo dadka waxay kasbadaan ee ay  s ameeyaan, kuma hadheen adduunkan korkiisa wax daabbad(san k neefle)ahi,laakiin dib ayuu Alle ugu dhigaa,ilaa ajal go'an,hadday timaaddo Ajashoodu Alle Addoomadiisa waa kii arkaya ee og.

Alle subxaana watacaala wuxu dadka u soo diray Rusul tusta oo u sheegta xaqa,kii shugri naqa iyo kii gaaloba Alle wuxu la sugaa xisaabtiisa:

فذرهم يخوضوا ويلعبوا حتّى يلاقوا يومهم الذي يوعدون(الزخرف)

Aayadda:ii daaya oo iiga taga hayska galeen hawadooda oo  hays ka cayaareen ilaa uu ka haleelayo oo u imanayo maalinkoodu  (aj ashoodu)ee ballanta u ahaa.

Dulqaadka iyo qowlka ama hadalka wanaagsan ee aad dadka kula dhaqanto,ayaa markasta laga door bidaa manno sheegashada xataa haddaad wax bixiso:

(قول معروف و مغفرة خير من صدقة تتبعها اذى و الله غني حليم )

Aayadda:hadal wanaagsan iyo denbi dhaaf ayaa ka khayr badan sadaqo aad raaciso dhibaato ama manno sheegasho,Alle waa qani dulqaate ah.

Tusaale Fircoon oo Alle caasiyey oo Illaahnimo sheegtay,haddana illaahay dulqaadkiisa markuu Nebi Muuse iyo Nebi Haaruun u  dir ay,wuxu ku yidhi u tega Fircoon oo hadal debecsan oo wanaagsan ku dhaha waa intaas oo uu waano qaato ama cabsado'e:

قال تعالى): اذهبا إلى فرعون إنه طغى فقولا له قولا لينا لعله يتذكر أو يخشى)(طه)

Aayadda:u tega Fircoon wuu xadgudbeye oo ku dhaha hadal  de becsan waxa la arkaa inuu waano qaato oo cabsado'e.Iyadoo Alle og yahay Fircoon iyo camalkiisa gaalnimada ah haddana Nebigii  E ebbe waxa la farayaa inuu adeegsado hadal wanaagsan oo  debe csan,halkaa waxad ka garan kartaa oo arkaysaa dulqaadka  Al le,iyo sida Alle u siinayo qof kasta waqti dheeraad ah oo uu ku fekero xaqa oo ku soo laabto oo toobad keeno.

Alle subxaana watacaalaa waa dulqaad miidhan dadka amarkiisa diida wuxu siiyaa,fursad oo wuu u dulqaataa xumaha ay  samayn ayaan,oo markiiba kama jasaa'i siiyo,ee wuu u kaadiyaa waa  int aasoo ay soo noqdaane:

ذرهم يأكلوا ويتمتّعوا ويلهيهم ألأمل فسوف يعلمون(الحجر)

Aayadda:iska daa ha iska cuneen oo ha iska raaxaysteen,oo ha  k axaysato rajada iyo amalku,way garan doonaan waxa ay  samayn ayaane.

Waxa la innaga rabaa dulqaad iyo inaynu badiyaa ama mar kasta dadka cafino oo saamaxno,innagoo ka aargoosan karna,haddana u dulqaadanno,taasi waxay dhalinay in dadku iskaga daydaan  wa naagga iyo dulqaadka iyo naxariista,oo ay sharaf iyo dhaqan wanaagsan Ummadda u noqoto.

 

Naxariiso weligaa
Ha nebcaysan ruux qudha
Noloshu waa wadaagiyo
Niyadsamida khayrkiyo
Naawilaadda wacan ee
Nabaddiyo barwaaqadu
Nefis ay u baahdoo
Naf kastiba illaahay
Nimcadiisa garatoo
Naruurada cibaadada
Nalka ay u shidatoo

*********

Nasashada khushuuca leh
Naxariista Eebbiyo
Negaanshaha wanaagga ah
Nadiiftaa Quluubtiyo
Nuxurkaa iftiimaya
Noogid li'i dadaalkiyo
Nidaamkaa Illaahay
Nuurkiisa raacoo
Nafaxaadka bogashada
Noloshaada taageer

*********

Neeftaadu cibaadiyo
Niyadoo khushuuc liyo
Nimco yaanay moogaan
Naxariista Eebbiyo
Noolow ado mudan
Ninna baahitiridiyo
Naallayn ha waydiin
Nafta Alle ku bxidho oo
Nabarrada begsiiyoo
Noolee cibaadada

*********
Nuug barakadeedoo
Naasku yaanu kaa gudhin
Naxariista Eebbiyo
Nimcadiisa galabsoo
Nabadgelyada dooroo
Nafta dooji weligaa
Nafta dooji weligaa.


Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga yeelo kuwo isu naxariista oo isu dulqaata.

 

Saeed Ibrahim Hussein