Adduunka ama Kownka
Qaybtii 15 aad

 


Doodwadaagga

Dooddu waa wada hadal dhex mara laba dhinac,ama marmarka qaarkoodna dhexmari karta naf qudha gudeheeda,dooddu waa baahi loo qabo in la ogaado ama lagu qanco,waxa dhinaca kale wato,ee ama fikrad ama dhacdo mucayan ah,waxana ay dooddu leedahay shuruudo iyo nidaam ay raacdo,taas oo ay ugu horreyso,in la is ixtiraamo oo degganaansho iyo baaraandeg jiro,qofna aan laga bakhsin fikraddiisa laakiin daliillo cad cad la hor dhigo,haddii la diiddan yahay fikradiisa,oo fikraddiisana loo caddeeyo meelaha iyo sida ay u khaldan tahay,dooddu ma aha dagaal iyo hujuun ee waa wadahal iyo xog baadh lugu sugayo arrin go'a,ama la rabo in la fahmo oo sharrax looga baahdo arrin aan dhinac u caddayn ama aqoon siyaado ah ka raba,metelan arrin isweydiinteedu tahay waayo oo maxay sidaa u noqotay?,ama waayo oo maxay sidan kale ugu dhici weydey ee ay u noqotay mid caynkan noqota.
Alle subxaana watacaalaa wuxu diinteenna xaniifka ah ee raxmadda ah,innagu baray oo inoogu sheegay doodda wanaagsan ee la ogol yahay:


ولا تجادلوا أهل الكتاب إلا بالتّي أحسن إلا الّذين ظلموا منهم وقولوا ءامنّا بالّذي ما أُنزل إلينا وأُنزل إليكم وإلاهنا وإلاهكم واحد ونحن له مسلمون (العنكبوت)

Aayadda:ha kula doodina dadka Ehlu kitaabka ah,dood wanaagsan mooyee,kuwa dulmiga sameeya marka laga reebo,oo ku dheha waannu rumaynay waxa naloo soo dejiyey iyo wixii laydiin soo dejiyeyba Alleheenne waa mid keliya,waxanuna nahay kuwa muslimiin ah oo Alle rumeeyey.

Illaahay wuxu nebigiisa u tilmaamayaa dariiqa uu ula doodayo oo xujooyinka cadcad ugu soo bandhigayo:

فمن حاجّك فيه من بعد ما جاءك من العلم فقل تعالوا ندعُ أبناءنا وأبناءكم ونساءنا ونساءكم وأنفسنا وأنفسكم ثمّ نبتهل فنجعل لّعنة الله على الكاذبين(العمران)


Aayadda:Qofka kula dooda ka dib marka cilmigu(Quraanku)kuu yimi,waxad ku tidhaahdaa kaalaya aan u yeedhno carruurtiinna iyo carruurtayada,dumarkiina iyo dumarkayaga iyo nafahayaga iyo nafihiinna dabadeed aynu ducayno oo ka yeelno oo ku ducayno in nacaladda Alle ku dhacdo kuweenna beenta sheegaya.


فإن حاجّوك فقل أسلمت وجهي لله ومن اتّبعني وقل للّذين أُوتوا الكتاب والأُمّين ءاسلمتم فإن أسلموا فقد اهتدوا وّإن تولّوا فإنّما عليك البلاغ والله بصير بالعباد(العمران)

Aayadda:hadday kula doodaan waxad tidhaahdaa Aniga iyo inta i raacdayba wejigayaga Alle ayaan u dhiibnay oo waannu  islaamn ay,ku dheh kuwa Ehlu kitaabka ah(Yuhuudda & Kiristanka) iyo  ku wa aan waxba garanayn ee cawaanka ah ma  islaamaysaan, hadd ay islaamaan way hadoobeen,hadday diidaanna,adiga dushadaa waxa saran inaad gaadhsiiso keliya,Allena isagaa Addoomadiisa arkaya oo og.

Waxay dood wada hadal ahi dhex maraysaa Alle iyo Ibliis oo  Illaah ay weydiinayaa waxa uu u diiday amarka ahaa inuu Aadan u sujuudo,dabadeed kibir iyo isweyneyni inay ku kelliftay buu caddaynayaa,oo amarkii Eebbe ka hor istaagtey:


قال ما منعك الا تسجد اذ امرتك قال انا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين قال فاهبط منها فما يكون لك ان تتكبر فيها فاخرج انك من الصاغرين قال انظرني الي يوم يبعثون قال انك من المنظرين قال فبما اغويتني لاقعدن لهم صراطك المستقيم ثم لآتينهم من بين ايديهم ومن خلفهم وعن ايمانهم وعن شمائلهم ولا تجد اكثرهم شاكرين قال أخرج منها مذءوماً مدحوراً لمن تبعك منهم لأملأنّ جهنّم منكم أجمعين(الاعراف)

Aayadda:waxa Alle ku yidhi maxaa kaa manciyey oo kuu  diiday, h addaan ku amray,wuxu shaydaankii yidhi anigaa ka khayr  badan, waxad iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo,waxa Alle ku yidhi ka deg Jannada oo ka bax kuuma sugnaan inaad  kibir to'e,ka bax Jannada kuwa xaqiran ayaad ka mid tahaye,wuxu yidhi Shaydaankii i daa oo ha i dilin ilaa maalinta la isa soo saarayo yacni qiyaamaha,waxa Alle yidhi waa lagu deynayaa,wuxu yidhi  Shayda a nkii kuwa aad dartood iigu eriday,haddaan u fadhiisan waayo  da riiq kasta,oo kaga iman waayo xagga hore,iyo xagga danbe iyo  mi dig iyo bidixba,mana heli doontid in intooda badani kuu shukri  naq do,waxa Alle ku yidhi ka bax Jannada adigoo ah mid xun oo la  fog eeyey,adiga iyo kuwa ku raacaba waxan ka buuxinayaa Jahanama dhamaantiin.

Waxa Quraanku inoo sheegay Asluubta wanaagsan ee doodda la isu weydaarsanayo oo loo wadaagayo,waxa ay doodo iyo wada hadallo dhex mareen Rususha qaarkood iyo Illaahay subxaana watacaataa,sidoo kale Rasushii iyo Qowmakii loo soo diray, sidoo kale,dad kale oo ama saaxiibtinimo ka dhexaysey ama kulan kale dhex maray, waxaynu sidoo kale arki doonnaa naftu siday isula doodayso,iyo dadka Ehlu Jannada ah iyo kuwa Ehlu naarka ahi siday u wada doodayaan,oo hadallo isu weydarsanayaan, waxa Ehlu naarka oo Aakhiro cabashadoodu aad u badan tahay,siday gudohooda u doodayan,isla waqtigaasna Malaa'igta u wada doodayan oo hadallo isu dhaafsanayan.
Alle iyo Nebi Nuux:


ونادى نوح ربّه فقال ربّ إنّ إبني من أهلي وإنّ وعدك الحقّ وأنت أحكم الحاكمين قال يا نوح إنّه ليس من أهلك إنّه عمل غير صالح فلا تسئلن ما ليس لك به علم إنّي أعظك أن تكون من الجاهلين قال ربّ إنّي أعوذ بك أن أسئلك ما ليئس لى به علم وإلا تغفر لي وترحمني أكن من الخاسرين(هود)

Aayadda:(Nebi) Nuux ayaa u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi ; Rabbi yow inankaygu ehelkayga ayuu ka mid yahay,wacadkaaga iyo  ball antaaduna waa xaq,adiga ayaana ah,cidda wax xukunta ka ugu xukun wanaagsan,Allaa yidhi Nuuxow kama mid aha  ehelkaa ga,waa camal aan wanaagsanayn,ha i waydiinin wax aanad cilmi u lahayn,waxan kaa waaninayaa,inaad jaahiliinta ka mid  noqot o,wuxu yidhi Nebi Nuux Rabbiyow waan kaa magan galay,in wax aanay cilmi u lahayn sameeyo,oo haddaanad ii denbi dhaafin oo ii naxariisan kuwa khasaaroobey baan ka mid noqonayaa.
Alle iyo Nebi Ibraahin:

وإذ قال إبراهيم ربّ أرني كيف تحي الموتى قال أولم تؤمن قال بلى ولكن ليطمئنّ قلبي قال فخذ أربعة من الطّير فصرهنّ إليك ثمّ اجعل على كلّ جبل منهنّ جزءاً ثمّ ادعهنّ يأْتينك سعياً واعلم أنّ الله عزيز حكيم(البقرة)

Aayadda:waqti uu yidhi (Nebi)Ibraahin Rabbiyow i tus sida aad mowdka dhintay u noolayso waxa Alle yidhi oo miyaanad i rumaynin,wuxu yidhi Ibrahin mayee waan ku rumeeyey,laakiin waxan rabaa in qalbigu iigu dego arrinkan,Alle ayaa ku yidhi qaad Afar shimbirood oo googoo,dabadeed qayb kasta buur gaar ah saar,markaa ka dib u yeedh,waxay kuu imanayaan iyagoo nool oo soconaya,oo ogow in Alle yahay casiis ah xakiim oo xikmad badan.
Alle iyo Nebi Muuse:

وإذ نادى ربّك موسى أن ائت القوم الظالمين قوم فرعون ألا يتّقون قال ربّ إنّي أخاف أن يكذّبون ويضيق صدرى ولا ينطلق لساني فأرسل إلى هارون ولهم عليّ ذنبٌ فأخاف أن يقتلون قال كلاّ فاذهبا بأياتنا إنّا معكم مستمعون(الشعراء)

Aayadda:waqti uu u yeedhay Rabbigaa (Nebi)Muuse oo ku yidhi u teg Qowka daalimiinta ah,Qowmka Fircoon,oo ku dheh miyaydaan Alle ka cabsanaynin,wuxu yidhi Muuse Rabbiyow waxan ka  baqa yaa inay i beeniyaan,oo sadrigaygu diiqad dareemo,carrabkayguna aanu furmin oo hadalkaygu caddaan noqonin,u dir Haaruun, oo waxay ii haystay denbi,waxanan ka baqayaa inay i dilaan,Alle ayaa yidhi maya taga labadiinuba oo Aayadahayaga qaada annagaa idinla jirna oo idin maqlaynaye.
Malaa'igta iyo Nebi Ibraahin:

قال فما خطبكم أيّها المرسلون قالوا إنّا أرسلنا إلى قوم مجرمين لنرسل عليهم حجارة من طين مسومة عند ربّك للمسرفين(الدّاريات)

Aayadda:wuxu yidhi(Ibraahin)waa maxay arrinka aad u socotaan,Rusulyahay,waxay yidhaahdeen waxa naloo soo diray Qowm mujriniin ah,si aannu halaagno dhagxaan dhoobo ah oo Alle u diyaariyey kuwa musrifiinta ah ee xadgudbay.
Malaa'igta(Malakul Jibriil) iyo Maryama

إذ قالت الملائكة يا مريم إنّ الله يبشرك بكلمة منه اسمه المسيح عيسى ابن مريم وجيهاً في الدّنيا والآخرة ومن المقرّبين ويكلم النّاس في المهد والكهلا ومن الصّالحين قالت ربّ أنّي يكون لي ولدٌ ولم يمسسني بشرٌ قال كذالك الله يخلق ما يشاء إذا قضى أمراً فإنّما يقول له كـن فيكـون(العمران)

Aayadda:waqti ay Malaa'igtu yidhaahdeen Maryamay waxa Alle kuugu bushaaraynayaa,kelmed xaggiisa ka sugnaatay,oo magaciisu yahay Masiix Ciise ina Maryan,oo qurux ku leh Adduunka iyo Aakhiroba,kana mid ah kuwa Alle u dhow,oo daldka kula hadli doona isagoo dhabta ku jira iyo isagoo weyn oo gadhmadoobe ahba,kana mid ah kuwa saalixiinta ah ee wanwanaagsan,Maryan waxay tidhi Rabbiyow sidee wiil u dhalayaa,iyadoo aan Bashar i taaban,waxay Malaa'igtii yidhaahdeen siduu doono ayuu Alle wax u abuuraa,oo hadduu arrin doono wuxu yidhaahdaa"ahow" dabadeed wuu ahaadaa,oo siduu rabay noqdaa.
Malaa'igta iyo Nebi Sekeriye:

فنادته الملائكة وهو قائم في المحراب أنّ الله يبشرك بيحيى مصدّقاً بكلمة من الله وسيّداً وحصوراً ونبياً من الصّالحين قال ربّي أنّى يكون لى غلام وقد بلغني الكبر وامرأتي عاقرٌ قال كذالك الله يفعل ما يشاء قال ربّ اجعل لى ءاية قال ءايتك ألاّ تكلم النّاس ثلاثة أيّام إلا رمزاً واذكر ربّك كثيراً وسبّح بكرة بالعشيّ والإبكار(ألأعراف)

Aayadda:waxa u yeedhay Malaa'igta,isagoo mixraabka ku  tukana ya,waxay ku yidhaahdeen:Illaahay wuxu kuugu bushaaraynayaa Yaxye,oo ah mid rumaynaya Aayadda iyo kelmedda Alle,oo ah  Sey id dhisan oo diyaarsan,waana nebi ka mid ah Saalixiinta  wanwa naagsan,Sekeriye wuxu yidhi:Rabbiyow sidee ayaan wiil u  dhalay aa,iyadoo aan gaadhay da',xaaskayguna tahay ma dhalays,waxay Malaa'igtii ku tidhi:Alle sida uu rabo ayuu yeelaa oo  sameeya a,wuxu Sekeriye yidhi:Rabbiyow ii yeel oo i sii,calaamad aan ku garto marka wiilku ii calool galo,waxa lagu yidhi:calaamadaadu waa inaanaad saddex maalmood dadka la hadlin,tilmaamid aad jidhka ka bixiso mooyee,Allena xus in fara badan,oo tasbiixso habeen iyo maalinba.

Rususha iyo Qowmamkii loo diray:

Dhamaan Rasuulladii Alle soo diray,waxay kala kulmeen, Qowmam kii loo soo diray,dhibaatooyin kala geddisan,oo fara badan,inyar  m ooyaane way beeneyeen, oo waxa dhex maray doodo kala geddisan:

فقالوا إنّا إليكم لمرسلون قالوا ما أنتم إلا بشرٌ مثلنا وما أنزل الرّحمن من شيء إن أنتم إلا تكذبون قالوا ربّنا يعلم إنّا إليكم لمرسلون وما علينا إلا البلاغ المبين قالوا إنّا تطيّرنا بكم لئن لم تنتهوا لنرجمنّكم وليمسّنّكم منّا عذاب أليم قالوا طائركم معكم أئن ذكرتم بل أنتم قوم مسرفون(يس)

Aayadda:waxa yidhaahdeen(Rusushii)waxannu nahay Rusul la idiin soo diray,waxay yidhaahdeen qowmkii ma tihidin dad bashar ah  si dayada mooyee, Raxmaankuna waxba sooma dirin,oo been ayaad sheegaysaan,waxay yidhahden ( Rusushii)Rabbigayo ayaa og in  aa nnu nahay Rusul laydiin soo diray,oo dushayada ma aha wax kale oo ahayn gaadhsiintaa cad,waxay yidhaahdeen qowmkii;waannu idin baasaysannay oo idin dhibsannay,haddii aydinaan  waantoo bin,oo joojin arrinkaas waannu idin arjumaynaa,oo waxa  xaggay aga idinka soo gaadhi doona,cadaab kulul,waxay Rusushii ku  tidh i,baasaysiga iyo dhibtu xaggiina weeye,in kastoo laydin  waaniy ey,waxad tihin qowm xadgudbaya.
Nebi Nuux iyo Qowmkiisii:


قال الملا من قومه انا لنراك في ضلال مبين قال يا قوم ليس بي ضلالة ولكني رسول من رب العالمين ابلغكم رسالاة ربي وانصح لكم واعلم من الله ما لا تعلمون(الاعراف)


Aayadda:waxay ku yidhaahdeen:waxannu kuu aragnaa mid lunsan oo ku sugan baadinimo cad,wuxu Nebi Nuux ku yidhi:Qowmyohow ma ahi baadi,laakiinse waxan ahay Rasuul uu soo diray uumiyahoo dhan rabbigoodu,waxan idiin soo gudbinayaa risaaladaha Eebbe oo mid idiin naseexaynaya ayaan ahay,waxyaalo aydinaan xagga Eebbe ka ogaynna waan ogahay.
Nebi Huud iyo Qowmkiisii:

قال الملا الذين كفروا من قومه انا لنراك في سفاهة وانا لنظنك من الكاذبين قال يا قوم ليس بي سفاهة ولكني رسول من رب العالمين ابلغكم رسالاة ربي وانا لكم ناصح أمين(الاعراف)

Aayadda:waxay Qowmkiisii gaalobey yidhaahdeen;waxanu kuu aragnaa mid macno darro ku dhaqmaya,waxanuna u malaynaynaa oo danniyaynaa inaad beenaale tahay oo kuwa beenta sheega ka mid tahay,markaasuu Nebi Huud ku odhanayaa,sidan: Qowmyohow macne darro ma wado,laakiinse waxan ahay rasuul Allaha  Uumiya ha abuuray uu soo diray,oo idin gaadhsiinaya risaaladaha  Alle,wa xanan idiin ahayn mid idiin naseexaynaya oo aamin ah.
Nebi Ibraahin iyo Qowmkiisii:

قالوا ءأنت فعلت هذا بآلهتنا يا إبراهيم قال بل فعله كبيرهم هذا فسئلوهم إن كانو ينطقون فرجعوا إلى أنفسهم فقالوا إنّكم أنتم الظالمون ثمّ نكسوا على رءوسهم لقد علمت ما هاولاء ينطقون قال أفتعبدون من دون الله ما لا ينفعكم شيئاً ولا يضركم أُف لكم ولما تعبدون من دون الله أفلا تعقلون (الأنبياء)

Aayadda:Qowmkii Ibraahin waxay yidhaahdeen;ma adigaa ayaa sidaa u galay Illaahyadayada oo burburiyey Ibraahiinow,wuxu yidhi Ibraahin;maya'e waxa sidaa sameeyey,Illaahyada kaa ugu  weyn ,waydiiya hadday hadlayaan,maraasaay dib isugu noqdeen,oo  yidha ahdeen waxaynu nahay kuwo daalimiin ah,haddana dib ayay khaladkoodii ugu noqdeen,oo ku yidhaahdeen Ibraahin;waad ogtahay in aanay hadlin,markaasuu Ibraahin ku yidhi oo ma waxad caabudaysaan,Alle sokadii wax aan idin anfacaynin idinna dhibayn,idinka iyo kuwaad caabudaysaanba waa uf oo hoog iyo ba' baa u sugnaaday,waar miyaydaan caqli lahayn oo wax garanayn.
Nebi Shucayb iyo Qowmkiisii:

قالوا يا شعيب ما نفقه كثيرا مما تقول وانا لنراك فينا ضعيفا ولو لا رهطك لرجمناك وما أنت علينا بعزيز قال ياقوم أرهطي أعز عليكم من الله واتخذتموه ورءاكم ظهرياان ربي بما تعملون محيط"(هود)

Aayadda:Waxay Qowmkii Shucayb ku yidhaahdeen:Shucaybow fahmi mayno wax badan ood leedahay,waxanuna kuu araganaa mid daciif dhexdayada ka ah,haddii aannaan eegayn Qabiilkaaga waannu ku arjumi lahayn,wax qiimo ahna agtayada kama lihid,wuxu yidhi Shucayb:Qowmkaygow ma Qabiilkayga ayaa idiinka qiima badan Illaahay oo waxad arrinka Eebbe ka soo qaadaysaan wax aan naf lahayn(oo aad dhabarkiina ka lalisaan),Alle waa mid koobaya waxa aad samaynaysaan.

قال موسي يا فرعون اني رسول من رب العالمين حقيق الا اقول علي الله الا الحق قد جئتكم ببينة من ربكم فأرسل معي بني اسرائيل قال ان كنت جئت بآية فات بها ان كنت من الصادقين فألقى عصاه فاذا هي ثعبان مبين ونزع يده فاذا هي بيضاء للناظرين(الاعراف)

Nebi Muuse iyoFircoon:
Aayadda:Muuse ayaa yidhi:Fircoonow waxan ahay Rasuul uu caalamiinta Rabbigoodu soo diray,xaqiiqa ahaanna,wax aan xaq ahayn ma lihi,waxanan idiinla imi xujo Rabbigiin ka sugnaatay,ee Reer Bani-israa'iil i raaci oo igu dar,wuxu Fircoon yidhi; haddaad Aayad la timi keen oo aad ka mid tahay kuwa run sheegayaasha ah,markaas ayuu Nebi Muuse ushiisii dhulka ku tuuray,waxaba ay isu bedeshey Mas,haddana gacantuu kilkilada geliyey oo ka soo saaray iyadoo midab cad leh.
Nebi Maxamed(scw) iyo Carabtii Quraysheed:
Quraysh intay kulmeen oo shir sameeyeen madaxdoodii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,ka soo horjeeday,bay u direen Abu daalib oo ku yidhaahdeen waxad ku tidhaahdaa haddaad maal doonay,waxanu kaa dshigaynaa, ka noogu taajirsan,haddaad xukun doonay waanu ku siinaynaa,waxad rabtoba na waydii,laakiin jooji arrinkaad waddo,dabadeed rasuulku wuxu ku yidhi:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم والذي نفسي بيده، لو وضعتم الشمس في يميني والقمر في يساري، على أن أترك هذا الأمر لا أتركه، أو أهلك دونه.


Hadalkii Rasuulka:Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartee,hadday qorraxda dhigaan midigtayda,dayaxana dhigaan bidixda,si aan uga tago arrinkan,kama tegayo,oo suurtagal ma aha,ama waa iyadoo aan haligmo.

Nebi Nuux iyo Inankiisa:


ونادى نوح ابنه وهو في معزل يا بنيّ اركب معنا ولا تكن مع الكافرين قال سئاوى إلى جبل يعصمني من الماء قال لا عاصم اليوم من أمر الله إلا من رحم وحال بينهما الموج فكان من المغرقين(هود)

Aayadda:wuu u dhawaaqay oo u yeedhay Nebi Nuux inankiisii,isagoo meel ka go'an jooga,wuxu yidhi;inankaygiiyow nala soo fuul doonta,oo gaalada ha ka mid noqon,wuxu wiilkiisii yidhi waxan korayaa buur,oo biyaha iga badbaadinay, waxa Nuux ku yidhi manta kama jirto amarka Alle badbaado,raxmadda Alle cid uu siiyo mooyee,dabadeed mawjaddii ayaa kala qarisay,oo halkaasuu ku qarqoomay.
Nebi Ibraahin iyo Inankiisa:

فلمّا بلغ معه السّعي قال يا بني إنّي أرى في المنام أني أذبحك فانظر ماذا ترى قال يا أبت افعل ما تؤمر ستجدني إن شاء الله من الصّابرين(الصّافات)


Aayadda:markuu gaadhay sacyigii ayuu yidhi Nebi Ibraahin wiilkaygiiyow waxa riyo ku arkay,anigoo ku gawracaya,ee maxay kula tahay,eeg arrinka,wuxu yidhi inankiisii(Ismaaciil);Aabbe samee waxa lagu amray,insha Alle waxad igala kulmi doontaa samir e.
Qofka iyo xubnihiisa:

حتّى إذا ما جاءوها شهد عليهم سمعهم وأبصارهم وجلودهم بما كانوا يعملون وقالوا لجلودهم لم شهدتّم علينا قالوا أنطقنا الله الذي أنطق كلّ شيء وهو خلقكم أوّل مرّة وإليه ترجعون(فصلت)

Aayadda:markii ay yimaadeen Qiyaamihii waxa ku marag furay  ma q alkoodii iyo araggoodii iyo jidhkoodii,oo waxay ahaayeen kuwo sameeya,sheegeen,markaasay ku yidhaahdeen jidhkoodii maxaad noogu marag furteen,jidhkii iyo xubnihii ayaa yidhi Alle ayaa naga hadliyey oo naga dhawaajiyey,Allaha shey kasta kaga  hadliya, wa ana kii idin abuuray markii horeba isagaana xaggiisa loo noqonayaa.


Ehlul Jannada iyo Ehlul naarka:

ونادى أصحاب الجنّة أصحاب النّار أن قد وجدنا ما وعدنا ربّنا حقّاً فهل وجدتم ما وعدكم ربّكم حقّاً قالوا نعم فأذن مؤذن بينهم أنّ لعنة الله على الظالمين(ألأعراف)

Aayadda:Asxaabta Jannada ayaa u yeedhaya Asxaabta Naarta oo odhanaya;waannu helnay waxa alle noo ballan qaaday si xaq ahe idinku ma hesheen,wixii Alle dhab ahaan idiinku ballan  qaaday,wa xay odhanayaan Ehlulnaarkii haa waannu helnay,markaasaa  mu'a din ka addimayaa dhexdooda oo odhanayaa nacaladda Alle kuwa daalimiinta ah korkooda ha ahaato.

ونادى أصحاب النّار أصحاب الجنّة أن أفيضوا علينا من الماء أو ممّا رزقكم الله قالوا إنّ الله حرّمهما على الكافرين(ألأعراف)

Aayadda:waxa dhawaaqaya Asxaabta naarta oo u dhawaaqaya asxaabta jannada oo ku odhanaya,wax naga siiya biyaha iyo waxa Alle idinku irsaaqay,waxay odhanayaan asxaabul jannadii;Alle ayaa ka xarrimay gaalada.

Waxad halkaa ka dheeganaysaa oo ka arkaysaa in diinteennu ku salaysan tahay dood iyo is shaafin iyo isqancin,oo si ixtiraam iyo qadderin leh doodda loo wadaago,oo la adeegsado daliillo  cadcad ,oo aan arrinka laga dhigin muran,cilmi baadhista ugu qiimaha  bad ani wuxu ka dhashaa dood lala sameeyo khuburada iyo ilaha  arr intu la halmaasho,waana in la raaco nidaam wanaagsan oo raalli gelin iyo tixgelini ka muuqato,taasoo dhaxalsiin karta dooddu inay midho dhasho,Soomaalida oo dhaqankoodu ku salaysan yaahay diinta Islaamka waxay yidhaahdaan:

Aan wada hadallo waa aan heshiinno,halka ay ka yidhaahdaan  ha dal waa mergi oo hadba meel u jiidma ama muruqa labasuul ninba si ku ah…iwm waxa la isugu keeni karaa fahan la isla ogolaado marka dood lagu qaadaa dhigo oo dhinac kasta rayigiisa la garto.
Alle ha ina waafajiyo dariiqa saxda ah,oo ha inoo iftiimiyo,doo ddeen ana ha ka dhigo mid uu raalli ka yahay.

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein