Afhayeenka Madaxtooyada Iyo Guddoomiyaha Dawan Oo Lagu E edeeyey Inay Sheegteen Samaynta Hees Laga Qaaday Xafladii Furitaanka Idaacada Cusub Oo Uu Hal-Abuuray M. Dhako

 


Hargeysa (TNN)-Maxamed Mawliid Camuud (Maxamed Dhako) oo ah Abwaan da'yar ayaa sheegay in Hees uu sameeyey oo ka soo maaxatay maskaxdiisa, isla markaana uu u dhiibay fanaanada Ubax Fah mo ay ka fadhataysteen Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Guddoomiyaha War geyska Dawladda ee Dawan ,Mr Sayid.

Maxamed Dhako ayaa waxa uu intaasi ku daray in amakaag iyo layaab ay ku noqotay in midhihii Mask axdiisa ka soo maaxday ay sheegtaan niman masuuliyiin ah oo damacsanaa inay Madaxweynaha ugu guulwadeeyaan Hees aanay lahayn, heestaas oo Ubax-Fahmo ay ka qaaday Xafladii Furitaanka Baahiya ha Idaacada Radio Hargeysa ee 18-kii bishan Madaxweynuhu xadhiga ka jaray ayaa Fanaanka weyn ee Busi oo markii Riwaayad halkaasi lagu soo bandhigay ay dhamaatay uu shaaciyey in Heestaas wadani ga ah ay sameeyeen Afhayeen Dhuxul iyo Guddoomiye Sayid. Maxamed Dhako oo Xalay Wargeyska Ha atuf nagu soo booqday ayaa isaga oo ka haldaya amuurtan ka yaabisay ee lagu sheegtay Heesta uu sheegay inuu sameeyey ee laga dhacay waxa uu yidhi ?Magacaygu waa Mawliid Camuud (Maxamed Dhako), Heestan ay sheegteen maalintii xafladii furitaanka Idaacada cusub, Afhayeenka Madaxtooya da iyo Gudoomiyaha Dawan ee ay lahaayeen anagaa samaynay oo leh wax ka jiraa ma jirto, Aniga aya a sameeyey bishii 5aad 2011-kii, dabeeto Ubax-fahmo ayaan u dhiibay, waxaan ku soo noqday Say id waxaan ku idhi waxoogaa kharash ah maad ka bixin inanta, waayahay ayuu igu yidhi wuu bixiyey sidii baanay ku soo baxday Heestii oo Music-ga lagu saaray, maalintii dhaweyd ee Idaacada ayaa furitaank eedii looga yeedhay Inanta (Ubax) heestii qaad dabeetana Busi oo watay fanaaniinta ayaa waxa u yeedhay Axmed Saleebaan Dhuxul oo waxa uu ku yidhi Heesta ay Ubax qaadi doonto anaga ayaa samaynay oo waxa aad adigu tidhaahdaa Dhuxul iyo Saydi baa sameeyey, taas oo dadku ay u arkeen inuu dhagaha Madaxweynaha ku ridanayey inuu yahay muxaafid weynoo aan gabasho lahayn oo ay ka gaadhay heer uu sameeyo ilaa heeso, laakiin wax ka jiraa ma jiro ee aniga ayaa iska leh heesta cid kalena ma leh Sayidna ma leh, Dhuxulna ma leh cid kalena ma leh.


In Heestii aan sameeyey qof kale lagu sheego ama uu sheegto waa Jariimad ayaan u arkaa, macnihii Budhcad Badeed ayaa la yaqaanay markaa Budhcad Faneed ayaa ka dilaacday halkana, waayo Dhuxul oo kale waxa uu ahaa waxan oo kale nin looga hanweynaa oo Afhayeenkii dhamaa ee Madaxweynaha weeyaan?.

Abwaan dhako oo mar la waydiiyey Baydad ka mid ah Heesta uu sheegay in laga sheegtay ayaa waxa uu yidhi


Hayaankii dadweynuhu

Hayin bay ku doorteen

Hufnaan ugu shaqeeyoo

Bulshadii haraadnayd

Hogol baa u curatoo

Haakah buu dadkii yidhi

Hilinkii barwaaqada

Hadaan cagaha saarnoo

Waxkastaba hagaageen

Hantidii dalkeenuna

Halambayn ka nabadtahay

Habka amaanka loo sugay

Habsani ka dheeroo

Ciidamaa u heegana

Habeen iyo dharaar

Hurdaa nabad la seexdaa

Halyeeyada la doortoow

Hawlaha aad haysaana

Halkaa ka sii wada

Anaguna hareeraha

Waanu idinla haynaa

Hagran mayno xooggee

Ha ahaado hadafkeen

Inaan horumar gaadhnee

Hogaansamida khayrka leh

Hore noogu sii wada

Si kastaba ha ahaatee Heestan oo wadani ah ayaa martidii ka soo qaybgashay xaflada furitaanka baah iyaha Idaacada Radio Hargeysa ay aad uga heleen kadib markii xaflada laga iclaamiyey inay sameeyee n heestaasi Afhayeenka Madaxtooyada Mr Dhuxul iyo Saaxiibkii Sayid, kuwaas oo dadkii madasha joog ay ay isku waydaarsadeen hadalo muujinayey halka Masuuliyiintaasi ay ka gaadhay Guulwadayntu.


Dhinaca Sayid ayaa Haatuf u sheegay in aanay Samayn heestaasi lagu magacaabay inay iyagu hal-ab uureen oo uu Sameeyey Dhako oo iyaga xaflada gudaheeda lagaga dacaayadaynayey, isla markaana ay iyagu sidii heestaasi ku soo bixi lahayd ay ka caawiyeen kharashkeeda ninkaasi.



Source; Haatuf