War-Saxaafadeed

 

Date: 26/09/2010

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maa nta soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL.

Waxaanu Madaxweynuhu Yidhi :-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka,

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka,

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL.

Markaan Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markaan ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Waxaan go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado  Agaasim aha Guud ee Baanka Dhexe (Centeral Bank) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL