Prof. Ahmed Ismael Samatar Haduu Somaliland Neceb yahay.. Umadaa Sidaa Sharafta leh Usoo Dhawaysay Miyuu Ixtiraami Garan Wayay !

 


Asallamu Aleikum Wr Wb

Prof. Ahmed Ismael Samatar Haduu Somaliland Necebyahay.. Umadaa Sidaa Sharafta leh U soo Dhawaysay Miyuu Ixtiraami Garan Wayay ! Anigu Garan Maayo Ninkan Titelkuu Haysto Macalin yaroo Maraykan Wax ka dhiga Tamashiirtana Ku Xoogsada Miyuu ISTaahilaa Inu Calanka Sharafta leh Turo??? CaJiib !!

Bacda Salaam.. Mahadi DHamanteen Allah SWT Aayay u sugnaatay,, Waxxan Kaloon aad u gu Mahadnaqaya Bahda Timacade News, Maqaalkaygan Waxan Raba INaan Kaga Hadlo Fiki rkayga Saliimka Ah , Kuna Saabsab Soo Dhawayntii Ahmed Ismaail Samatar Iyo Waji Gabixii Dadwaynaha Reer Somaliland Ay kala Kulmeen.

Sida runta ah Waxaa qofkasta Ogyahay in Mr Samatar Uu Markii uu ka zoo dagay Madarka Berbera AirPort Dadwayne Xamasadaysan Oo Qiiraysan kala Horyimadeen Kuna Soo Dhaw eeyeen Jawi Farxadeed Dabaal dag Mashxarad ,Dadwaynaha SOo Dhaweeyey Oo iskugu Ji ray Madaxda Dawlada . Salaadiin ,Cuqaal, Arday & Ciyaartooy .

Ayaa intooda badan Waxay Siteen Calankeena Tawxiidku KU Xardhanyahay Eee Somaliland Kuna SHarfeen Mr Samatar oo Ay Damceen inay Huwiyaan, Laakin Masiibadu Waxay Dhacd ay Markuu Tiraba Laba Jeer Diiday inuu Calanka Huwado Ama Uu Qabsado, Dadkii Goobtaa Joogayna Yaab iyo Amakaag buu Arinkaasi ku noqday, Wuxuuna Isku Dhaafiyay Arinkaas Isagoo Dhunkaday Ciida..

Taasina ay Noqotay iyadoo Lagu Iloobay Waji gabaxa Hore, Arintaa Waxa ku Xigtay Maalin tii Shalay Ahayd Markuu Prof. Samatar uu U Huleelay Dhinaca Gabilay Dadwayne Lagu Qiya asay Boqolaal ay SOo Dhaweeyeen kuna soo Dhaweeyeen Jawi kii hore la mid ah. Fardo IY O Geeel iyo dhamaan Wixii Gobolka Gabiley laga istimcaali Jiray ee hido & Dhaqan ba u Ahaa iyadoo UU Garab socdo Calankeenii .

Ayaa mar kale dadwaynihii Araga Mr Samatar u boholyoobay ay damceen inay ku sooraan islamaarkaasna ay huwiyaan calankaa sharafta leh? Ahmed Sidii Markii horeba UU Madaar ka Berbera Ku Sameyey ayuu Calankii Tuuray.. Muwaadin kale oo isku dayay inuu koofiyad calanka Somaliland ah u galiyana uuba la dagaalami gaadhay.. oo uu yidhi iga fogee Koofiya da,,

Hadaba Muwaadin, Miyaanu Arinkaasi Ahayn Gaf & Meel kadhac Oo kula Kacay Qaranka Somaliland Waliba Isagoo Jooga Badhtamaha Wadanka..>?? Miyaanay Ahayn Ixtiraam Da ro Meshii Ugu Saraysay??

Dadwayanha Sidaa sharafta leh usoo dhaweeyey Miyay u Qalmaan IN Loola Dhaqmo Sidan Foosha Xun?? ? Muslimka daayoo Gaalka Ilaaaahay nacay ayaa Umada Ixtiraama?. Markaa Mr Samatar Hadii Nacaybshiyaha Somaliland Uu na Qarsanaynin. Miyuu Garaadkiisu Siin Wa yay inuu Umadaas intaa leeg ixtiraaamo???

Waxan Umada Reersomaliland Meel kastoo ay Joogto Kula Talinayaa.. Inay hada ku Kacaa an MUdahaaraad Salmi ah kana dhan ah Mr Samatar.. Islamarakasna La HOr Geeyo Sharcig a. Laguna soo Oogo Dhamaan Wuxu Danbiyo Ka Galay Qaranka Somaliland.. ,,

Somaliland Waa Qaran Jira Horena U Jiray. Cid uu ka haybadaysanaaayana Ma Jirto.. Qaran Nimada ayaana wax kasta ka saraysa.. Intaasina Ceeb ugu FIlan Qaranka Somaliland iyo Xukuumadaba Hadii inan yari uu ka Sharaf Roonaaday Jiritaanka Somaliland IY Qadiyada Umada Reer Somalilandba.

Anigu Garan Maayo ninkani Titile aan Macalin Ahayn oo uu Haysto..Umadii Reer somaliland ee u Hillinaysana Maanta Intaasi Niyad Jab Ugu FIlan..

 

 



Soo Diyaariye: Abdirahman Hussein Ahmed
cabshir1@hotmail.com