Ahmed Ismail: The visionless Professor, uma qalmo soo dhoweyn iyo maamuustoona!!

 


Dadka kuwa ugu aqoonta, cilmiga iyo garaadka badan ayaan ku jiraa hadana imi kuunbaan wax oga aday mid laga yeelayo professor ka maaha ee waa in uu laba mid uun soo galaa?.

1) Waan badheedhayey oo waan ugu talo galay in xasuuqii, burkii iyo balaayadii dhacday ee ku ha bsatay ummadda reer Somaliland aanan ka hadal oo ka damqan.

2) Garaad iyo aqoon liŽ ayaa halkaa I dhigay, oo tacliintii iyo aqoontii aan sheeganjireyna waa khasaare oo waa waxba kama jiraan.



Kalmadda VISION ayaa halheys uu ku celceliyo u noqotay Pr. Ahmed Ismail Samatar kolka uu sharx ayo sifaha hogaamiyaha wanaagsan. Sidaa daraadeed waxan maanta laga bilaabo anigu u hibeyna yaa Professor magaca ah Pr. Vision/less. sobobta aan magacaa ugu doortayna hoos ayaan ku sharaxayaa.

Sideedaba aqoonta la barto oo ay ku jirto ta theoretical ka ah ee laga barto jaamacaduhu waa tuul(tool) aadamahu adeegsado si uu wax uga badalo ama ugu horumariyo noloshiisa. Laakiin waxa nas iib daro ah hadii aadamihii adeegsan lahaa uu garan waayo ama hareer maro habkii iyo hanaankii l oo adeegsan lahaa.

Si kale hadii aan u dhigo tacliinta hadii maskaxdii adeegsan laheyd garaadkeedu hooseeyo waxay no qoneysaa waxba kuma taal. Tacliinta waxa ka mudan maskaxda Eebaheen ku maneystay adoonkiisa. Tacliintu kaligeed waxba qaban mayso, laakiin waxa dhici karta qof heerka tacliintiisu kooban yahay in uu ummad dhan hogaamiyo oo uu badbaadiyo. Tusaale waxa inoogu fillan odayaashii reer Somalila nd ka badbaadiyey burburka iyo qaska ka taagan Somalia iyo meelo kale oo ka mid ah mandaqada Geeska Africa, may laheyn tacliin jaamacadeed oo lagu dhererin karo ta ay sheegtaan Ilma Ismaaciil Samatar. Mr. Visonless , Pr.Axmed, waxan xasuusinayaa in kheyr qabayaashii dhidibada u taagay la soo noqoshada xorriyadii Somaliland badankoodu heerka tacliintoodu aanay gaadhsiisneyn ta isaga iyo qeyrkii gaadhsiisanyihiin. Odayaashaasu waxa aragtidoodu (vision) tustay  in haddii aanay sidaa yeellin ay halaag ummaddu ku dhici doonto.

Mr. Visionless ,Ahmed, kolka uu ka sheekeynayo hogaamiye aragti fog lahii isagaa si dadban isku til maamaya oo isku boqraya darajadaas. Laakiin aragtidaa (vision) wuxu ku akhri kari waayey waaqici ga jira, iyo mabdaŽii Somliweyn in uu ahaa khayaali, gabalkiisiina dhacay. Wuxu imikuun ogaaday oo hambabaray kolkii loo sheegay in aanu gayin madaxnimada Somalia. Ina Samatar kolkii uu soo taab aty gidaar ayuu muslaxaad iyo xodxodasho kulasoo noqday wadankiisii hooyo ee aanu teelo u dhig an burburiskiisa. Ina Samatar kolkii uu hororkii Af-weyne iyo xukuumadiisii ummadda xasuuqayeen lagama maqal isagoo ka damqaday dulmigaa iyo dhibaatada shacabka lagu hayey. Tolow miyaanu arkeyn mise waabu ku faraxsanaa in ummadda sidaa loo dhigo?Jawaabta isagaa la weydiin.

Pr. Ahmed iyo walaakii shalay may dhallan. Haddii ay aragti iyo garaadbuuran leeyihiin sida ay ku faanaan ee ku andacoodaan maxay u arki kari waayeen waxa ay dadka intiisa badani waayo hore arkeen. Mise ma laga yaabaa in ay arkayeen, laakiin ay badheedhayeen iyagoo ujeedadoodu aheyd ku xumeyn ummaddii ay ka dhasheen ee Somaliland? Jawaabta iyagaa la weydiin.

Ina Ismaaciil Samatar wuxu ku faanaa, inkasta oo ay iyada lafteedu dhowaan uun la yimid , Gabiley iyo Somaliland oo uu ku dhashay laakiin inta la ogyahay lagama hayo wax tar uu u qabtay. Waxa ta a ka marag kacaya isaga laftiisa ayaa sheegaya in aanu galabsan in si mug leh Somaliland usoo dho weeyaan.


Waxan qabaa in soo dhoweynta Ina Samatar Lagu deg degay. Mr. Visionless uma qalmo maamuuska heerka sare ah ee lagu qaabilay.


Imaatinka Mr. Visionless waxa ka sii darran isagoo aan wali si rasmiya oo cad u cadeyn waxa uu ka aaminsanyahay qadiyadda Soamliland iyo mabdaŽii aan la mahadin ee Somaliweyn. "Anigu Somalila nd waxa aan taro mooyee wax u dhimi mayo" "Somalialnd waxan qirayaa in ay wax qabsadeen" "Ca daalada ha xoojiyo""wax ha lawada yeesho" Vision iyo aragti fog ha lala yimaado""Dadbaa odhana ya malaha Axmed mabdaŽii Soamliweyn uu kasoo noqday,maya aniga wali halkii ayey iga taagantah ay laakiin?."

Hadalada caynkaas ah iyo kuwo kale oo badanba waxa laga hayaa professor ka imika lagu mash quulsan yahay soo dhoweyntiisa. Ninka ku sujuuday ciida Somaliland sida muuqata wali kama hadhin xaalufinteeda oo wuxu aaminsanyahay mabdaŽii mandaqadu, gaar ahaan reer Somaliland, eedeen. Haddii ninka mabdaŽiisu sida mugdiga ugu jiro aynu imaatinkiisa u raxleynay, maxeynu ka yeeli doon aa kuwii kale ee wali iyagu kusoo dhiirran kaari laŽ in ay soo caga dhigtaan ciida xalaasha ah ee Soa mliland? Ilma Samatar burburka Somaliland waxaba ulamey hadhin laakiin tii Eebbe ayaanay noqon.



G u n a a n a d

Pr. Visionless iyo inta kale ee sidiisa aan ku qanacsaneyn la soo noqoshada xorriyadda Somaliland in ay wadankooda hooyo ku soo noqdaan waa la soo dhoweynayaa. LAAKIIN, iska soo gal uun noqon maysee waxa ka horeeya shuruudo:

1. Professor ku ha la yimaado geesinimo oo kolka ugu horeysa ha qirto in uu u gafay oo dambi ka ga lay reer Somaliland. Ha qirto oo ha ka sheekeeyo godadkii uu la damacsanaa in qadiyadda Somalila nd lagu aaso ee xag Eebbe ugasuurta galiwaayey. Kolkaa dabadeed reer Somaliland cafis ha waydi isto.

2. Professorku ha qirto runta oo ha sheego in waxa soo celiyey aanay aheyn hilow uu usoo hiloobay wadankiisii ee ay tahay gidaarka uu soo taabatay awgeed.

 

 



Allaa Mahad leh.

Ali Omer
omeralihs@gmail.com