La Taliyaha Sharci ee
Golaha Wakiillada oo Shee gay in Xukuumaddu
Xadhig la Maaggan Tahay
Hargeysa (Longlivesomaliland News)- La taliyaha sharci ee Golaha
Wakiilada Som aliland Axmed Cali Kaahin, ayaa sheegay in xukuumadu
xadhig la maagan tahay, kadib markii uu xalaaleeyey in mooshinka
maamuus ka xayuubinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay
mudanayaashu gudo gali karaan.
Axmed Cali Kaahin oo shalay saxaafadda
u waramay, waxa uu xusay in aanu xadhig ka baqanay oo uu gurigiisa
diyaar ugu yahay cidii doonaysa inay qabato, isaga oo sheegay in
indho laga baqaa Illaahay ku yaalaan.
“Way jirtaa in la I doon doonayo oo xadhig la ila maagan yahay,
waxaan leeyahay cidii i doonaysaa gurigayga ha iigu timaado waan ku
sugayaaye,” ayuu yidhi la taliyaha sharciga oo ka jawaabayey su’aal
ahayd waxa ka jira warar sheegaya in xukuumaddu xadhig la maagan
tahay, kadin markii ay ka cadhodeen shariyeynta mooshinka maamuus ka
xayuubinta ah.
Su’aal: Waxaad sheegtay in labada mooshin yihiin sharci, markaa
qoladii wadatay mooshinka wax-ka-beddelka xeer-hoosaadk inay meeshii
buuq ka bilaabeen, maxaa keenay ayaad isleedahay murankaas?
Jawaab: Iyaga ayey u taallaa taasi, waxa laga yaabaa inay go’aan ku
gaadheen oo ay ka sii tashadeen, laakiin wax wanaagsan ayaan waday
anigu, iminkadaas ayey ka hadlayeen xil-ka-qaadista shirguddoonka,
laakiin xeer-hoosaadka yaallaa wuxuu dhigayaa in 55 cod ayaa lagaga
qaadi karaa.
S: Waxay ka hadlayeen qolada muxaafidka
ahi arrinta loo gudbiyo guddiga joogta da ah, maxaa ku jaban
ayaad isleedahay arrintaas?
J: Aniga halkaas qodob ayaan
koodgareeyey, waxaanay kala ahaayeen qodobkiisa 3aad iyo 5aad ha
akhristo qofkii xaq doonaya, anigu kaas ayaan akhriyey wax kale oo
ay meesha keeneen ma jireen, aniguna siyaasi ma ahi, waxaan aniguna
shacabka reer Somaliland kula talinayaa inay isku tanaasuliyeen,
Goluhuna in uu innaga burburo, waanna waa golaha keliya ee la soo
doortay.
S: Waxa la leeyahay Golihii Guurtida
iyo Wakiilladii waa la xidhay, arrintaas sideed u aragtaa?
J:Wallaahay waa gardarro cad, cid xidhi
kartaana ma jirto golaha, shaqana kuma leh, goluhuna isaga ayaa is
xidhi kara, muddada uu is xidhi karaana waa toddoba casho oo keliya.
S:Weriyeyaasha qaar ayaa ag joogay
markii la bixinayey amar ah in la soo xidho, arrintaas sideed u
aragtaa?
J:Anigu mana arag mana maqal, laakiin
haddii sidaasi dhacday waa inqilaab cad oo sharcigii lagu inqilaabay,
mudanayaashuna ixtiraam bay leeyihiin.
S:Muddadii aad labadan mooshin haysay
wax culus ah oo xukuumaddu ku saartay ma jirtay?
J:Dad badan oo igaranayaa way isla soo
hadleen dhinac walba, laakiin anigu waxaan u sheegay cid walba in
sharciga lagu soconayo haddii Illaahay yidhaahdo.
S: Ilaa iminka cid kula soo xidhiidhay
ma jirtaa intii hawshani dhacday?
J: Maanta buuq bay ahaydo rabash baynu
ku jirnay, midna waan u sheegayaa shacabka indho laga baqaa Illaahay
ayey ku yaalaan, anigu madaxdayda shirguddoon, Madaxweyne iyo
Madaxweyne-ku-xigeen sharaf ayey naga mudan yihiin, wixii wanaag ka
talinayana waannu la shaqaynaynaa
Source:Jamhuuriya Online
|