Cabdalla oo ka hadlay Qalalaasaha Somaliland

Washnigton (Longlivesomaliland News)-Ergayga gaarka ee Qaramada  Mi doobay u qaabilsan Somalia, Axmedou Oulad Cabdallah ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dhamaan dhinacyada lugta ku leh qalalaasaha  Somali land ay xal u heli doonaan qilaafaadkooda.

Axmedou Cabdallah, ayuu wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in safarkiisii Somaliland uu ahaa mid uu ku doonayay inuu labada dhinac ee qilaafka ka dhaxeeya la kulmo, isla markaana uu ugu hambalyeeyo dadaalkii dhinaca nabada ee ay deegaankooda ka dhaliyeen, isagoo ku dhiiri galiyay in  qala laas aha haatan taagan ay soo afjaraan. Ergaygu wuxuu sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Golayaasha xisbiyada.

Ergayga Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay in Ma daxweyne Rayaale uu ku kalsoon yahay baahida lo qabo in qilaafaadka la soo afjaro, laakiin Axamadou wuxuu sheegay in looga baahan yahay  dha maan dhinacyadu inay la yimaadaan ficil muuqda oo soo afjara xaaladan cakiran. Axmadou wuxuu ku cel-celiyay inaan xaalada la buun-buunin, ba lse Somaliland laga caawiyo sidii ismarin-waagan xal waafa ah looga gaari lahaa.
 


Source:VOA