Marwo Amina Aw Jaamac Muumin,oo shahaado sharaf Wa daninimo lagu guddonsiyey xafladdii dabaal dega ee G olaha Degaanka magaalada  Cardiff ku aqoonsadeen Jamhuuriyada Somaliland

 

 

Cardiff  (TNN ) : -  Jaaliyada Somaliland ee degan magaalada Cardiff,dalka Ingiriiska,ayaa dad aal iyo tacab badan oo ay ku bixiyeen ku guuleystay in Golaha Degaanka ee magaalada Cardif f,ay maalintii  Khamiista,26 March ,2015, cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Jamhuuriyada So maliland.Maalintani waxay noqotay , maalin ku suntan geediga loogu jiro sidii Jamhuuriyada S omaliland ay Aqoonsi buuxa uga heli lahayd wadamada Caalamka .

Wefti culus oo ka socoday Jamhuuriyada Somaliland,ayaa Jaaliyada Somaliland ee magaalada Cardiff, kala qayb galay munaasibadan iyo xafladii dabaal dega, ee maalintan qadarinta iyo ta ariikhigaba ahayd loo sameeyey.Masuuliyiinta xukummada,ayaa waxay u hambalyeeyeen Jaa liyada Somaliland dhammaantood , waxaanay xubno jaaliyada ka tirsan  guddoonsiiyeen Shah aado Sharaf Wadanimo.

Marwo Amina Aw Jaamac Muumin,ayaa noqotay Haweyneyda keliya ee Shahaado Sharaf Wa danimo lagu maamusay,waxaana guddoonsiiyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somalila nd,mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hambalyo,Hambalyo,dhammaan jaaliyada Somaliland ee degan magaalada Cardiff,UK

 


Timacade News Desk
Cardiff, UK