Mujaahid Axmed Siillaanyo Oo Ka Warbixiyey Qaabkii Urur ka SNM 1988-Kii Dalka Ku Soo Galay Iyo Go’aankii Ay Ka Qaateen Heshiiskii Siyaad Barre Iyo Mingeste

 

Arinta Galitaanka Aniga Ayaa Gacantayda Ku Saxeexay, Ragbaa Lahaa Is Maqiiqani Waa Khatar Oo Dareenkoodu Waa Nagu Jiray, Sheekada Ciidamadu Iyagaa Iska Soo Galay Oo Madaxdu Lama Ogayna” Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)

Hargeysa, March 31, 2010 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ururka SNM, ayaa sheegay in dagaalkii ururka SNM ay ku soo qaadeen ciidamadii rajiimkii Siyaad Barre 1988-kii markii ay  he shiis ku kala saxeexdeen dalka Jabuuti dawladii rajiimkii Siyaad Barre iyo dawladii Ethiopia  Me ngeste Xayle Maryam uu sheegay in go’aankii dalka lagu soo galay uu gacantiisa ku saxeexay, isagoo intaa ku daray in shir ay golaha dhexe iyo hogaankoodu SNM ay ku galeen wakhtigaas magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ay isku kala qaybiyeen qolo Mingeste la soo xaajoota iyo qolo ciidamada mujaahidiintii SNM u diyaarisa weerarkii ay ku soo qaadeen ciidamadii  faqa shta ku 1988-kii ee lagu soo galay 27 May magaalada burco iyo 31 May 1988-kii magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay laga  warayst ay barnaamijka raad raaca taariikhda somalida ee idaacada BBC-da ay ka sii daayaan Aadan Nuux Dhuule iyo Axmed Xasan Cawke oo isaga iyo Mujaahid Axmed Mire ay kaga warameyeen qaabkii ay SNM u soo gashay iyo dareemadii ay ka qaateen heshiiskii xiligaasi dhexmaray  Siya ad Barre iyo Mingeste mujaahid Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlayaana waxa uu yidhi “  “Qola dayadii joogtay Diri-dhaba waanu isu nimid ama gole dhexe aanu noqono ama guddi fulin aanu noqono’e ama waxgarad kale aanu noqone halgankeenii miyaynu joojinaynaa, maxaa dhacaya ayaanu isweydiinay, arrintani siday inoo saamaynaysaa, waxaanu aragnay inay tahay arrin aad iyo aad u qalafsan in aanay sinaba u suurtoobayn oo aynaan wajiga siin karayn in  halgan keenu halkaa isku taago, in aynu is-miidaamino anaga oo kalsooni badana isku qabnay, waayo anaga oo hubna in shacabkayagu meel kasta ha jooge uu na taageersan yahay oo aanu  gur mad xoogleh ka helayno in aan wax kale inoo banaanayn inaanu dagaal galno ayaanu horta arrinkii ku goosanay oo ku arrinsanay, halkaa markaanu ku arrinsanay arrintu qadhaadh  kas ta ha lahaatee ayaanu is qaybinay qayb anigu aan hogaminayaana waxanu nidhi aan u tagno Dawladii Itoobiya aan la soo hadalno, qayb kalena waxa la yidhi hore u sii socda oo ciidamadii iyo dadkii diyaariya, ninkii odayga ahaa ee (Mangest) markii aanu u tagnay waxaan sii filaynay uun buu na yidhi, wuxu yidhi waad ogtihiin halgankiina waanu taageersan nahay, waanu  aam insanahay faan buu noola dhaqaaqay aad iyo aad buu noo saameeyay dabadeedna waxa u yidhi, hase yeeshee maanta aniga dhibaato I haysataa hawsha caynkaas ah baa igu dhacday oo waxaan u baahday ciidamadii xagan markaa waxaanu doonaynaa inaad yar qaboojisaaan oo ciidamadiina soo celisaan oo muddo yar hakisaan tababaro iyo arimahaasi u yara wadaan ilaa wakhtigu si kale noqonayo aad xeryihiina ku eekaataan” “waxanu nidhi garanay laakiin halka xaalku marayo ciidankayagii iyo dadkayagii gudaha ayuu ku jiraa maalin walba waa la laynayaa wax danbe oo imika loo reebayaa oo loo hambaynayaana ma jirto waa la  gumaa daya.

Ka dib maalintii ugu horaysay ee aanu is aragnay waxaanu ku idhi, madaxweynow erayadaadii aan qoray waa kuwan, waxa tidhi waxaanu nahay dad qawl leh, anaguna qawlka kama baxno qawlkayaga, sharaftayada iyo qiimahayguna taasu ku fadhiyaa taa ma wax baa iska bedelay, maya buu yidhi, halgankayagii aad balanka ku qaaday ma waxbaa iska bedelay, maya buu  yid hi hadaba anagana dhibaatada na haysataa waa sidaase maxaynu yeelaynaa, muddo ka bacdi bal aynu eegno waxaynu yeelayno buu yidhi ee ciidamada soo yara cesha, ilayn rag soo  tash aday baanu nahaye waxanu nidhi waanu yeelaynaa waayo in ciidamada la soo cesho oo  ciida madan afweyne ee dhufaysyada ku soo jira si dhulkan miinadu ku waageersan yahay oo ay is dhigtaan oo banaan cidlo ah iyagoo u baxay aanu ka helo dan baa noogu jirta oo waxan  xudu uda ku teedsani ay ka baxaan, markaa waxa khasab ah in 15KM la soo noqdo heshiiskooda ayay ka mid ahayd. Haddii ciidamada Siyaad Barre 15km xuduuda ka durkaan, SNM-na ay ka durkaan iyo kuwa Itoobiya oo markaa dayuurad lagu soo jeegaraynayay, waxa weeye aanu markaa ku dhufano iyagoo wali kala daadsan, ka dib waxaanu nidhi waxaanu doonaynaa inaanu 2000 qof oo dhar cad ah oo ilaaliya dadka reer miyiga inaad ii siiso raashin iyo shidaal aanu gudaha gelino oo tuulooyinka dadka iyo maatada la laynayo ilaaliya, waa hagaag buu yidhi, waxogay dhaqaale ah lacag markaa ahayd ilaa 300, 000 Bir wuu noo ogolaaday, qadar shidaala oo aanu nidhi ciidamada ayaanu ku soo raraynaana wuu na siiyey, anaguna markaa khiyaamaanu damacsanahay sidii baanu yeelnay waxayagii baanu qaadanay, sidaas ayay ahayd sida markaa lagu galay gudaha, aniguna waanigii dibada u baxay ee u baneeyay  waxa as oo dhamina khidad aanu dhiganay ayay ahayd sababtuna waxay ahayd iyagaanu  khiyaa maynaynay haddii kale-se wuxu nooma socdeen.

Waxa dhacday marmarka qaarkood sheekada, ciidamadu iyagaa iska soo galaye madaxda iyo hogaanka ururku lama ogayn, waar arinta galitaanka aniga ayaa gacantayda ku sexeexay saacada la dhaqaaqayo ilaa guddigii dagaal gelinta, horta sida lagu baxay sidaas bay ahayd.

Waxa weeye markaaba ragbaa u arkayay oo lahaa waar is-maqiiqani waa mid khatar ah  mar kaa dareenkeedu waa nagu jiray inaanu Itoobiya u baahan doono markaa si aanu hadhowto u dafiri karno oo aan idhaahdo ciidanku iyagaa iska galay, waa sidaanu markii danbe samaynay bay ahayd markaa farsamada lagu galay sidaas ayay ahayd.

Markii danbe wasiirkii amiga ayaa yimi Jigjiga ee uu yidhi aaway madaxdii SNM, waxa lagu yidhi madaxdii way maqan tahay oo ciidamadii xagay joogaan, ciidamadii iyagaa iska galay, oo yaa geliyey, iyagaa iska galay arrintu lagu khaldayay bay ahayde arrintu way noo shaqaysay, guu shiina sidaas ayaanu ku gaadhnay Itoobiyana aanu isugu soo noqonay”.

Dhinaca kale Mujaahid Axmed Mire oo ahaa taliyihii hogaaminayay ciidamada SNM ee 27 May 1988 ee galay magaalada Buco, ayaa isaga oo ka waramaya xaaladii dhacday iyo siday ku galeen waxa uu yidhi “Qorshahayagaasi wuxuu ahaa mid ku wajahan xoogiisu inaani si  degd ega gacanta ugu dhigno magaalada Berbera, taas oo ahayd xaga bada xidhiidhka aduunka ee taakulaynta diyaaradoodaha isticmaalkoda oo waxyaabo badan aanu kaga hor tagayney  ubu cdii dalkana ahaa, Hargeysa iyo Burcana in markaa dagaal laxaadlihi ka dhaco, laakiin halkaanu beegsanaynay si aanu markiiba ummadayada u dagaal gelin karno oo markiiba aanu u heli karno awood taakulayna.

Qorshahaasi waxa uu ku salaysnaa markaa Berbera, markaa anagu waxaan u baxnay goobihii, runtii waxa aniga wali aad iigu dheer markii aanu ciidamada runta u sheegnay, ee aanu  xaal adayada taakulayneed ee runta ah uga waranay, dhaqaaqa siyaasiga ah uga waranay, in maanta nafteenu tahay biime uga waranay, waxa naga hor yimid dareen aad u xoog badan oo mooral aad u sareeya ah, runtii ilaa maanta ma ilaabi karo saraakiil iyo ciidan-ba dadkii aanu la hadlaynay sida dhiiranida leh iyo sida kalsoonida leh ee ay u aaminsanaayeen hogaankooda iyo dagaalkooda, markaanu dhamaan ciidamadii wada marnay ee soo dhamaynay socdaalkii waxanu shir u qabanay oo isugu yeedhnay madaxdii ciidamada Kaam Abokor, halkaas ayaanu qorshihii dagaalka madaxdii ku siinay”

Mujaahid Axmed Mire isaga oo taariikhda wali ka hadalaya waxa uu intaa ku daray “ xilligaa markaan dib u eego wax taakulayn ah oo aanu gacan ku haynay ma jirto, qoryaha inta noogu jirtay ayaanu gacanta ku haynay xataa shidaal markaa gacan kumaanu hayn isla-goobtaasi ayaanu ku qabanay ragii shidaalka dooni lahaa wixii hanti ah ee aanu markaa haysanayna  iya gaanu gacanta u galinay, ka dib waxay u ambabaxeen Jigjiga si ay shidaal noogu soo iibiyaan, kolkaa shidaal dadka gudaha uun gaadhsiin kara ayaa laga filayay inay keenaan oo waliba ururisa oo khiyaamo, gabasho iyo baryo ah oo wakhti qaadanaysa, waxa markaa na soo  gaa dhay in Itoobiya ay nagu amrayso inaanu ka nimaadno halkaa oo waddadii qaaxo-na dib u  dh aafno oo meel iyaga ciidamadooda ubucdooda ah aanu degno, markaa arrinkaasi wuxuu nagu sii dhaliyay dareen labaad, ka dib waxaanu goosanay markaas si adag inaanu uga  warwaree gno amarkaa si toosana aanan isugu dhicin, markaa taliskayagii wuxuu galay inuu ka yara meeraysto inaanu amarkaa fulino. Waxaanu weydiisanay si toosa inay na siiyaan shidaal aanu ku soo guurno anagoo markaa ku talo jirna shidaalkaa laftiisa inaanu gudaha ku galo, way noo diideen shidaalkii waxay ku balan-qaadeen inay bixinayaan gaadiid ay iyagu leeyihiin oo na soo qaada oo meelihii naloogu talo galay ay na geeyaan, markaa waxaanu nidhi si aan arrintu inooga kala dhicin oo aanay dhibaato inoogu iman inaanu la hadalo Itoobiya intii la wada  hadl ayay ayaa diyaar-garowgayagii aanu wadnay ku dhamaystiray.

Ka dib waxaanu goosanay inaanu ka gadhsiino waayo wakhtigii wuxuu nagu noqday mid aad iyo aad u cidhiidhi ah, markii aanu ogaanay in taakulayn noo soo kordhaysa inaanay jirin iyo dareenyar oo ka jira gudahayaga aan loo geli karayn dalka ama aan isku maalin loo wada gali Karin, waxaanu goosanay in ciidamadii anigu markaa aan hogaaminayay ee dhinaca bariga waxaanu halkaa ku gaadhnay go’aan, go’aankaasi wuxuu bedelay qorshihii hore ee ciidameed ee Diridhaba aanu ku gaadhnay, waxanu markaa goosanay in Burco la galo, in laba maalmood ka dib Cadaadley la galo in islamarkaa lagu dayo hakis oo ciidamo loo qaybiyo gurmadyada Burco ku soo gurmanaya ee Laamiga bariga kaga imanaya ama dhinaca waddada Oodweyne qorshahaas ayaanu markaa gaadhnay ka dib waxaanu urursanay tuulo walba iyo meeshii baabuur yaala-ba wixii aanu ka heli karaynay ee shidaala, shidaalkii aanu helay wuxuu noqday mid Burco na gadhsiiya oo aan naga soo celin karayn, baabuurtii anu wadanay inta qoryuhu saaran yihiin mooyee inta kale waxa leh dadweynaha oo rag baa baabuurtooda u huray inay goobtaa ku gubtaan ama aanay dib ugu soo noqon, markaa gaadiidkii dadweynaha iyo  gaadi idkayagii oo tiraba ilaa dhawr iyo sodon baabuur isku noqonaya ayaanu isku ururinay,  ciida mada si cad baanu ugu sheegnay , in la tagayo dalkii oo aynu ku dagaalamayno  taakulayn teenu waxay taala Burco, sidaa aawadeedna inaynu ku furano rasaas iyo shidaal mid inooga dhawina ma jirto.

Markaa qorsahayaga dagaal waxa uu ahaa maadama labada dawladood heshiis wada galeen inaanu ka dheerayno wada hadalkooda iyo isu imaatinkoodu intaanu dhicin inaanu meesha ganlo, waxaanu markaa naawilaynaa haddii ay taasi noo suuro gasho in Itoobiya noo ogolaan karto taakulaynta, markaa sidaas ayaanu kaga soo ambabaxnay Samatar Axmed, waxaanu markaa xuduuda ka soo galnay meel Balli-dhiig galbeed ka xigta waxaanu markaa filaynay inaanu dhexda oo ay ilaaliyaan had iyo jeer inaanu ciidamo iskaga hor nimaadno nasiib  wana ag iyagana ciidamadayadii sahanka iyo ciidamadoodu waxay iskaga hor yimaadeen Xaydh-ducato oo halkaas waxa ka bilaabmay dagaal yar oo dheg umaanu dhigin ee ciidamayadii umaanu joojine socdaalkayagii baanu qaadanay waagu markuu beryayey waxaanu ku  qaybs anay ciidamadii dhaqaaqii u danbeeyay amarkii aaxanu ku kala siinay Burco dusheeda bartii ciidamada dusheeda, markaan sidaa magaalada u eegnay dhaqaaqii ugu horeeyay waxa magaaladii ka baxay ka hor inta aanan soo gelin badhasaabkii Sanaag baabuurkii ugu  horee yay buu ahaa ee meesha ka baxay, markaa ciidamadayadii dhinaca Laamiga joogay waxaanu u sheegnay inay sii daayaan si aanu noo fashilin haday rasaasi dhacdo, sidaas ayaanu ku sii daynay badhsaabkii wuxuu ahaa Af-Gaab, waxaanu markaa magaalooyinka ku soo fasaxnay Jaad aad u faro- badan. Waxa kale oo isna na taageerayey ciidamo badan oo iyaguna Burco joogay oo u diyaar ahaa inay markiiba nagu biiraan oo ciidamdii dawlada ka mid ahaa sida ciidamadii madaafiicda goobta, waxa kale oo iyana na taageeraysay maalintaas oo maalin Jimce ahayd, waxa kale oo na taageeraysay iyadoo ay ciidamadu isku halaynayeen   dawlado oda heshiiska ay ka wado Itoobiya oo aanay filayn in loo iman karo wakhtigan oo mark aa kalsooni buuxda siisay dawlada itoobiya inay gacanta nagu hayso. Waxa kale oo iyana na taageerayay xog-laga helay Itoobiya oo ay soo siisay ciidamada Soomaaliya, waxay soo siiyeen ciidamadii Itoobiya SNM inay gacanta ku qabatay marka laga reebo waxaanay gacanta ku hayn nin la yidhaado Axmed Mire iyo inyar oo ciidan ah oo uu nagala goostay markaa taliyihii joogay Herer Janaraal Abare ayaa bixiyay xogtaa oo qoraala usoo diray qaybta 26aad ee Hargeysa, markaa Janaraal Abare waxa uu hadana ahaa hogaamiyihii inqilaabka qoladii doonaysay inay ka samayso Itoobiya gudaheeda, markaa waxa loo qaatay warkaasi inuu yahay wax aan saamayn karayn xasiloonida dalka oo uu markaa Axmed Mire inyar oo ciidan ah buuraha Ceerigaabo la tagay ayay u qaateen, waxa kale oo iyada na taageeraysay  madax dii qaybta 26aad iyaguna waxay markaa wadeen heshiiska Itoobiya lala galayo oo xagan ayay ku soo maqnaayeen kolkaa sababahaas oo badan waxay noo ahaayeen anaga taageero, waxaanu si toosa u abaarnay taliska ciidamada gaaskii 3aad ee Burco, waxa kale oo aanu si toosa u abaarnay ciidamada lidka diyaardaha si aanu uga hor tago isticmaalka diyaaradaha anaga oo qiyaasaynay inay isticmali doonaan diyaaradaha. Waxa kale oo aanu markii-ba iyaga sidii heshiiskayagu ahaa wadahadalkii loo sii dhamaystiray oo gacanta ku dhignay ciidamadii madaafiicda goobta, markaa qorshuhu sidaanu filaynay ayuu runtii noogu dhacay, waxay isu bedeshay markii ciidamada SNM soo galeen Hargeysa waxay markii-ba la soo xidhiidheen ciidankii Mandheera joogay, ciidankii mandheera markaa waxa uu u gudbay inuu Hargeysa gurmad u noqdo oo ciidamadaas laxaadka ku dhacaya ama galbeedka isugu gurman kara uu ka qaado. Ciidamada maalintaa aan watay waxa tiradooda lagu qiyaasa 1000” .



Source:Haatuf