Anagaa Ka Xaal siinay Saleebaan Nuur iyo C/laahi Dhu gad iyo dhamaanba Reer Togdheer wixii Badhasaabka Hargeysa Ka soo Yeedhay !!!!!

 


Salaanta Muslinka ayaan ku salaamayaa ( SCWB ) dhamaan umada Muslimiinta ah gaar ahaan Shacbiga reer Somaliland, Mahad waxaa iska leh Alaha inoo sahlay in aynu waxa wanaagsan isu sheegno waxa xuna aynu ka fogaano, waxaa iyana amaan mudan kuwa ka dheeraaday aflagaadada iyo xumaanta ay kula dul kufayaan muwaadiniinta xalaasha ah ee wanaaga jecel iyagoo u adeegaya Cadow aan Dalka iyo dadka Somaliland wax  nast eexa ah u hayn in ay kiishadaha madhan ka buuxsadaan mooyee, sidoo kale waxaa in la iska fogeeyo oo farta lagu fiiqo ay tahay xuma wadayaasha fuliya fariimaha loo soo  dhii bo ee aan ku hadlin garaadkooda !!!!.

Hadaan u gudbo ujeedada aan maanta qalinka u qaatay waxaanu anaga oo ah  Dhalinyar ada Qurba jooga Reer Hargeysa aanu xalay warbaahinta qaarkood ka dhegeysanaya Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex ( Hargeysa) oo si anshaxa iyo asluubta ka baxsan u af lagaadeeyey odayaal sharaf ka mudan Shacbiga Reer Somalilanad ee wanaaga jecel oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Golah guurtida Mudane Saleebaan Nuur iyo Gudomiyaha Gudida joogtada ah Mudane C/laahi Dhugad inagoo ka dheregsan ujeedada ka danbaysa iyo cida ninka odayga ah Fariinta Soo fartay oo aynaan waqti badan iskaga luminayn  waxaanu garanay in aanu anaga oo ah Hablaha wax ka barta Birmingham Univercity ee reer Hargeysa aanu arinkaa xaal ka bixino kana raali gelino dhamaanba cidii ay arintaasi saamaysay.

Adeerayaal iyo walaalayaal waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay hadalkaa aan  macn aha ku fadgiyin ee uu idinka dul kufay Badhasaabka Hargeysa oo ku hadlaya magaca  Xu kuumada Fadhiidka ah ee Riyaale Horjoogaha ka yahay isagoo weliba ku celcelinayey  had aanu nahay Reer Hargeysa anagu cid xun ma keeno.

Waxaanu leenahay waa hadal aan qof damiir lihi ku hadal ee ka raali ahaada waxna ha ka soo qaadina dhamaantiinba  walaa lahayaga reer Togdheeroow, waanu idiin ognahay in dalkani aanu Reer Togdheer  la,aanti is Xoroobeen waxna noqdeen ee noo dulqaata inta aanu idinka hor leexinayno  qolooyinkan aan u qalmin magacyada ay wataan.

Walaayaal waxaa is weydiin leh oo aan marna maskaxdeena ka baxayn xanuunkii aynu u soo marnay Dowladnimada aynu maanta haysano ee u gacan gashay kuwa aan ehelka u ahayn taasina waxay inagu kelifaysaa in aynu u dulqaadano hadalada wax ma garatadu ku hadaaqaan si aynu u dhamaystirno riyadeenii ahayd qaran aduunka ka tirsan.

* Meeday Cadaaladii iyo Musuqmaasuqii aynu ka dagaalanay ?

* Maxay u dhinteen Kumanaankii mujaahid, kumanaan kalena u naafoobeen, kumanaana u agoomoobeen ?


* Maxaa mujaahidiintii Dalka Xoreeyey Dariiqyada u wareegaan Guulwadayaashii Siyaad Barena Hogaanka inoogu hayaan ?


Walaalayaal waxaas iyo wax ka daran ayaa maanta ina haysta ee aan dul qaadano oo u samiro inta aynu mar labaad si hawl yar dulmiga isga hor dhaqaajinayno, kuwa  damiirkoo du maanta siiyey inay sidan u dhaqmaana waxaan leeyahay Mujaahidiintii Dhulka la simay Dowladii afrika ugu xooga weynayd ayaa Hargeysa Idinla jooga manay garan waayin in ay Bakoorad idinla dhacaan laakiin damiirkooda ayaa shaqaynaya oo umada ayay  woxoo da u ilaalinayaan.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay Badhasaabka Hargeysa uma qalmo in aanu anaga oo Aqoonyahayn ah u jawaabno ee qoraalkayagu waa xaal aanu siinayno Muwaadiniinta lagu gefay, isgana waxaan odhan lahaa af xumo Ismaciil Yare iyo Cali Asad ayaa kuugu tusaale ah, aam jeclayn in aan labadaa muwaadin ku gafo maanta ee ha iga raali  noqda an 100%.
 

 


Ilaahay ayaa mahad leh
Ifraax Jamaal Keyse
Mirmingham Univercity Uk