Madaxweynaha Somaliland oo xil u magacaabay Aqoonyahan Axmed Xasan Carwo

 


Hargeysa December 29,2010 (TNN)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo), Digreeto uu soo saaray waxa uu magacaabay Aqoonyahanka Axmed Xasan  Car wo, inuu noqdo la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga ee JSL .

Mudane Axmed Carwo , oo haysta shahaadada MSc, kana qaatay Jaamacadda London ee caanka ku ah culuumta dhaqaalaha ( London School of Economics- LSE), ayaa isla markaas ka mid ahaa tirarka ugu weyn ee loo aanayn karo inay qayb libaax ka qaateen guusha xisbiga Kulmiye, isagoo qoraalo iyo talooyin noqday hal-ku-dhigyada xisbiga lagu xusuusto.

Waxa tan loo arkaa inay waxtar weyn ku yeelan karto xoojinta dhinaca arrimaha maaliyadda iyo dha qaalha oo xagal daac ka muuqdo. Waxayna ku soo kordhinaysaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waayo-aragnimo siyaasadeed, biseel odaynimo iyo aqoon sare.


Waxay digreetadu u qornayd sidan:

“Digreeto Magacaabid:- No.084/2010 Taar 13/11/2010

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Markuu akhriyay : Qodobka 90-aad faqradiisa 3-aad ee dastuurka Qaranka Somaliland.

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyada ay la taliyeyaasha qaranku u leeyihiin dhismaha
qaranka.

Markuu arkay: in
baahi wayn loo qabo buuxinta jagadan.

markuu ka fiirsaday : kartida, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo.

markuu ku qancay: in uu hanan karo xilalkan loo magacaabay.

wuxuu go'aansaday:

In Mudane Axmed Xasan Carwo ahaado La-taliyaha Madaxweynha Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

ALLaa mahad leh.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud.”

 

 



M Haragwaafi
Wariye Madaxbanaan
haragwaafi4@yahoo.co.uk