Axkaamta Soonka Bisha Ramadaan
 



Soonka Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Hordhac waxaanu ka codsanaynaa akhristeyaashayada shafarta leh inay la socdaan casharadaasi aanu ugu talo galnay inay ka faa,iidaystaan bisha barakaysan ee ramadaan.

Ilaahay Korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Kuwa xaqa rumeeyayow wax aa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay si aad u dhawrsataan" Suuradda Al-Baqara Aayadda 183

Walaalkayow Soonkii Sharafta lahaa ayaa innagu soo fool leh, markaa inta laga gaadhayo waxa aynu si googoos ah u soo qaadan doonaa casharo ka hadlaya Soonka ,innagoo ka bilaabayna xukunkiisa,fadligiisa ilaa aynu  bilaw giisa la bilaabi doono waxyaalaha qofka Muslinka ah la gudboon inuu  samee yo iyo waxyaalaha ay mudan tahay in qofku sameeyo iyo waxyaalaha qofka looga baahan yahay inuu ka digtoonaado si Soonkiisa Inshaa Allaah uu u noqdo Soon ajarkiisu buuro u noqdo ee sidaa ula soco.

Fadlan haddii aad wax nagu dhaanto noogu soo gudbi email:- mccfuture@hotmail.com si aynu khayrka dadka u wada gaadhsiino ugana wada faa,iidaysano Bisha barakaysan ee Rmadaan.

Xukunka Soonka Bisha Ramadaan

Soonku waa waajib ku soo arooray Kitaabka Quraanka Kariimka ah, Sunnada Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo isku raaca Umadda Muslimiintu ay isku raaceen. Eebbe korree oo nasah-naaye wuxuu yidhi:-"Kuwa Iimaanka laga helayow waxaa lagu farad yeelay dushiinna  Soo nka sidii loogu farad yeelay kuwii hortiin ahaa waxaad mudan tihiin inaad cabsataane ", waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-"Bisha Ramadaan ee la soo dejiyay dhexdiisa Quraanka, hanuun si uu ugu noqdo dadka iyo   cadd ay mo hanuunkaasa iyo Furqaan, kii arka ee idinka mida bisha (Soon) ha soomo".

Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Islaamka waxaa lagu dhisay shan:- Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, Muxamadna yahay Rasuulkii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye),oogista Salaadda,bixinta Sakada,Soomista Ramadaan iyo u Xajinta Guriga (Kacbada)".

Waxaa kale oo jiray Xadiis uu soo wariyay Dalxa Binu Cubaydullaahi oo uu yidhi:-Nin baa waydiiyay Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo yidhi:-Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkisa ahaatye) iiga waran Soonka igu waajibka ah?, markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatye):-"Bisha Ramadaan"  Markaasuu yidhi (ninkii):-Wax kale oo la igu leeyahay miyaa jira?. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatye):-"Maya, inaad dheeri samayso mooyaane".

Ummaduna waxay isku raacday waajibnimadiisa, inuuna yahay tiir ka mid ah tiirarka Islaamka , qofkii beeniyana uu noqonayo gaal diinta ka baxay. Waxa ana la farad yeelay maalin Isniin ah oo ay Shacbaan 2 ahayd sanadkii labaad ee Hijriyada.

Fadliga Soonka Bisha Ramadaan

-Abuu Hurayra waxaa laga wariyay Ilaahay ha ka raalli ahaadee , in Rasuu lkii Ilaahay naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"

Ilaahay sharf lahaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-"Camal kasta oo Ina Aadan leeyahay isagaa iska leh Soonka mooyaane,aniga ayaa iska leh aniga  ayaan a ka abaal marinaya"(*) Soonkuna waa gaashaan, markaa haddii maalin Soon ay u tahay midkiin yaanu hadal xun ku hadlin, yaanuna qaylyin yaanu na caytamin, haddii mid caayana ama la dagaalamabaha yidhaahdo:- Anigu waan Soomanahay, laba jeer, Ilaah nafta Muxamad gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee xayaabada afka qofka Sooman ku taala ayaa kala udgoon Ilaahay agtiisa maalinta Qiyaamo urta Miskiga, ka Soomanna laba farxadood ayuu farxaa:-Marka uu Afuro wuu ku farxaa afurkiisa, marka uu la kumo  Rabbigi ina wuu ku farxaa Soonkiisa" Waxaa wariyay Axmed, Muslim iyo Annisaa'i

-Warin kale oo ay Bukhaari iyo Abii Daa'uud u soo wariyeen ayaa ah in  Nabi geennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Soonku waa gaashaan , markaa haddii midkiin sooman yahay yaanu hadal xun ku hadlin yaanuna caytamin, haddii qof la dagaalamo ama uu la caytamo ha yidhaahdo:-"Anigu waan soomanahay laba jeer, Ilaaha nafta Maxamed (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, xayaabada afka soomanaha ku taala ayaa uga udgoon badan Ilaahay agtiisa carafta Miskiga,(Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi) wuxuu uga tagay cuntadiisii, cabitaankiisii iyo hawadiisiiba dartay. Soonka aniga ayaa iska leh, aniga ayaana ka abaal marinaya isaga, wanaaguna waa toban laab" .

-Waxaa kale oo laga soo wariyay Cabdillaahi Ina Camar in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Soonka iyo Quraanku waxay u shafeeca qaadaan addoonka maalinta Qiyaame, Soonku wuxuu yidhaahdaa Rabbiyow waxaan u diiday cunto iyo shahwooyinkii maalinimo e iiga shafeeco yeel, Quraankuna wuxuu yidhaahdaa:-"Waxaan u diiday  hurd adii habeenimo e iiga shafeeco yeel, markaasay u shafeeco qaadaan (oo Ilaahay ka aqbalaa shafeeco qaadka ay Ilaahay u waydiinayaan)" Waxaa ku wariyay Sanad saxiix ah Axmed.

-Waxaa Abii Saciid Al-Khudriyyi Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Uma  soo mo addoon maalin Ilaahay jidkii, haddii uu soomana wuxuu Ilaahay kaga  fog eeyaa maalintaas wajigiisa naarta toddobaayan Dayrood" Kooxdaa warisay Abii Daa'uud mooyaane.

-Waxaa kale oo Sahal Binu Sacad laga wariyay, in Nabigu naxariis iyo  nabad galyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Jannadu waxay leedahay albaab la yidhaahdo Arrayaan, maalinta Qiyaamana la yidhaahdo:-" Aaway  Sooman ayaashii? marka kooda u dambeeya galo ayaa la xidhaa albaabkaas" Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay



Qaybta labaad la soco…………………..
 


Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland