WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013 ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 




Md. Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland