WAR-SAXAAFDEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caa wa casho sharaf u sameeyey weftigii soomaaliya ee ka soo qaybgalay gurmadka abaar aha ka jira dalkeena Somaliland.


Weftigaas oo ka koobna 12 xubnood oo isugu jira salaadiin, culimo awdiin, ganacsato, ha ween iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa waxay dalka keenen deeq lacageed oo dhan hal milyan oo doolar, kaga qaybgelayaan xaalada abaaraha ee dalku ku sugan yahay.


Cashada ka hor, waxa lays waydaarsaday khudbado lagu tilmaamayo ujeedooyinka ay dal ka u yimaadeen weftiga soomaaliya, iyadoo dhinaca Somalilandna hadalku ahaa, mahadn aq looga mahadnaqayo gurmadkay ka soo qaybgaleen, soo dhawayn madaxweynuhu dal ka ku soo dhawaynayey weftigaa iyo sagootis lagu macasalaamaynaayey weftiga Soom aaliya.

Weftiga soomaaliya oo hadalka ku horeeyey, una hadleen Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha weftiga, ayaa ugu horaynba si weyn uga mahadnaqay soo dhawayntii bilaw ilaa dhamaad intii ay dalka joogeen loo yeeshay, taas oo ay u arkeen inay tahay soo dhawayn walaalnimo, tixgelinta loo yeeshayna ay tahay mid aanay weligood illaawayn.
Gudoomiyaha weftigu wuxu ku dheeraaday nabadgelyada 100% ah ee Somaliland ka jirta, isagoo intaa raaciyey erayo kaftan ah, oo ay ka mid ahayd in lagu soo dardaaray markuu Somaliland tago inuu kaftanka badiyo, taas oo uu uga jeeday in marka aanay arrintu ras mi ahayn ay reer Somaliland kaftanka ku fiican yihiin, sidaa awgeedna uu badiyo kaft anka marka aanay shaqo rasmiyi jirin, waxa uu intaas ku daray in aanay siyaasad u iman Somaliland, balse dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee oonka iyo baahidu la soo deristay inay wax ku darsadaan u yimaadeen.


Wuxuu ammaanay amniga iyo wada jirka bulshada kala duwan ee reer Somaliland iyo da wladooda ay ku midaysan yihiin sidii ay dhinac uga soo wada jeedi lahaayeen dhismaha horumarinta qarannimadooda.


Waxa isna halkaa ka hadlay sheekh Nuur Baaruud oo ka tirsan cullimada weftiga ka tirsanayd, waxaanu sheegay in laysu gurmadaa inay tahay islaamnimo iyo walaalnimo iyo soomaalinimo, reer somalilandna ay u gurmadeen markii ay soomaaliya abaaruhu ka dheceen 2011 kii, iyaguna ay muujinayaan inay markooda soo gurmadaan, abaalkiina celinayaan.
waxa isna haddal uu ugu mahadnaqayo soo dhawaynta Somaliland, iyo casuumada uu madaxweynuhu u sameeyey ka mahadnaqay Maxamuud Cabdikariin Gabayrre oo ka mid ahaa ganacsatadii weftiga la socotay.


Dhinaca Somaliland waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane M axamuud Xaashi Cabdi, wasiirka diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyo Sheekh Xasan Cabdisalaan, kuwaas oo iskala afnoqday mahadnaqii ay u celiyeen weftiga soomaaliya ee gurmadka abaaraha ka soo qaybgalay, waxaanay intaa ku dareen inay la soo noqoshada Somaliland, aanay ahayn cuqdad iyo cadaawad ay u qabaan walaaloh ood a Soomaaliya, ogsoon yihiin inay soomaalinimadu tahay magac qoomiyadeed, oo ay wad aagan dhamaan dadka afsoomaaliga ku hadlaa ee Geeska Afrika, sida Jabuuti, Soomaalida ismaamulka Itoobiya, iyo Waqooyi bariga Kiiniya, dhaqan iyo dhalashona la wadaago balse siyaasad ahaan hadda loo kala duwan yahay, laba dal oo walaalo ahna la yahay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay weftiga Soomaaliya ee ka soo qaybgalay gurmadka loo sameeyey dadka abaartu halakaysay ee Somaliland, waxaanu madaxweynuhu tilmaamay in isu gurmashada noocaasi ay tahay mid ay iska kaashadaan labada ummadood ee labada dal, layskagana gurmado wax ka qabashada masiibooyinka dabeeciga ah, dhibaato kasta oo culus oo dhinac ka jirtana, dhinaca gacan ka geysto.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.