Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ax med Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
OO HAMBALYO U DIRAY DAWLADA IMARADKA CARABTA
 


Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dawladda iyo shacabka dalka Imaaraadka carabka ku bogaa diyay munaasibadda 44-guurrada ka soo wareegtay xornimadii wadanka Imaaraadka Ca rabta oo loo dabaal degayo 2-da Bisha December 2015-ka.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah ugu diray madaxweynaha dawladda Im aaraadka carabta Sheekh Khaliifa Binu Saa’id Al-nahyaan, waxaana dhambaalkaasi gaad h siiyay danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabka Baashe Cawil Xaaji Cumar.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa tahniyadda ah kaga waramay xidhiidhka saaxiib tinimo iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Somaliland iyo Imaaraadka cara bta oo uu ku sifeeyay mid soo jireen ah oo taariikhiya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay in dawladda iyo shacbiga Somaliland ay la qeybsanayaan farxadda dabaal dega munaasibadda 44 guuradda ka soo wareegta y xornimadii dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta taageeradda ay ka geystaan jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in iskaashiga labada dal uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.