Tacsida: Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad
La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynha Mudane Axmed Xasan Carwo, waxa
uu t acsi u dirayaa Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Ehelkii,
Qaraabadii iyo Asxabtii uu ka baxay Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad,
(Sanyare) oo ku geeriyooday Hargeysa 19.05.2014
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayasha ugu magaca weyn Hargeysa iyo
Dalka ba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo
Muruqoodaba u huray si dii u dalku u dhismilahaa ilaa xiligii
isticmaarka, halgankii SNM iyo nabadeynti iyo dib u dhiskii
Somaliland.
La-taliyahu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii
Janno ka wara abiyo, Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna
Samir iyo Imaan iyo ducada marxuumka uu waaf ajiyo
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga
Eci.advisor@gmail.com
|