Axmed Silaanyo iyo Dr.Maxamed Cabdillahi oo haw lg alladooda dibaddu daahfureen xigmadda olalaha KULMIYE

 

Gudoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, Mujaahid Axmed Maxamed Maxam uud Silaanyo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa beryahan kulammo iyo safarro is dabajoog ah ku dhex  ma raya dalal Yurub ah oo ay ka mid yihiin Britain, Sweden iyo Norway. Kulamada ay la yeesheen masuuliyiinta reer galbeedka ee ay la kulmeen iyo qaabka ay ula  shir een jaaliyaddaha reer Somaliland ee dalalkaasi iyo nuxurka wadahadalada dhex maray waxay ifka u soo sareen qorshaha dahsoon ee siyaasadeed ee hagi doona olalaha doorashada madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE.

Waxay kulamada madaxda KULMIYE ee maraya wadamada dibadu lahaayeen qaab ku cusub sida madaxda xisbiyadu ula kulmaan dadka. Waa ta koobaad, waxay si aan kala sooc lahayn ula kulmeen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadamadan oo aan u kale soocnayn xisbiyo, waxayna aad u dhiiri galiyeen in kulmada ay  dad ka kula hadlayaan laga soo qaybgaliyo dadka aan xisbiyada kale taageersanayn iyo kuwa taageersan xisbiyada kale.

Ta labaad, waxay khudbadooha u badnaayeen ka hadalka hidiyaasha xisbooga KU LMIYE ee ku jahaysan baylah-tiridda baahida shacabka Somaliland ee kale duwan, oo ay ku muujinyaan qaab qorshaysan. Waxayna xoogga saareeyeen inay  iftiim iyaan meelaha uu xagal daacada wayn ka leeyahay maamulka Daahir Rayaale iyo khatarta ka iman karta haddii aan maamulkaasi si deg deg ah loo soo afjarin. Khudbadahoodu waxay siinayeen codbixiyayaasha iyo qurba joogaba qorsho hawleed iyo siyaasado cad oo la barbardhigo karo waxa ay ugu yeesheen dib u dhaca uu dalka u keenay maamulka Rayaale.

Ta seddexaad, intii ay marayeen qaar ka mid ah wadamada waxaa soo dhaween ayay madaxda ururada Jaaliyaddaha dibadda iyo wakiilada dawladda Somaliland u fadhiyay wadamadan. Matalan wakiilaka dawladda Somaliland u fadhiya dalka  Sw eden Cayadaruus Sheikh wuxuu kaga hortagay waftiga KULMIYE garoonka  diyaar adda ee Arlanda, wuxuuna gurigiisa ugu samayeeyay waftiga casho sharaf,  waxa anu ka soo qaybgalay dhamman kulamada uu waftigu wada jirka ula yeeshay  jaa liyadda iyo xisbiga KULMIYE. Waxaa sidoo kale waftiga garoonka ku soo  dhawee yay madaxda jaaliyaddaha, madaxda xisbiga UDUB iyo UCID ee dadwayne aad u fara badan.

Dhinaca kale, kulamada waftigu la yeeshay masuuliyiinta dawladda Sweden iyo dawladda Ingiriisku waxay salka ku hayeen arrimo la xidhiidha sii balaadhinta cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeyay Somaliland iyo dalalkooda iyo doorka ay Somalioland ka qadan karto arrimaha ka socda mandaqadda geeska Afrika. Waxay kaloo soo bandhigeen siyaasadda ay Somaliland kula dhaqmi doonta wadamada gobolka iyo caalamkaba, iyo dariiqyada cusub ee ay u mari doonaan baadigoobka aqoonsi siyaasadeed oo Somaliland hesho. Waxayna taalooyin ka dhagaysteen diplomaasiyiin reer galbeed ah oo siiyaya xoho cusub oo miisaan siyaasadeed u yeeli kara Somaliland.

Haddaba marka la dib loo eego hawlagalada Guddoomiye Axmed Silaanyo iyo  Xog haye Maxamed Cabdillahi waxaa ku soo baxaya sawir muujinaya in ay madaxda KULMIYE ay ku hawlgalayaa olalaha doorashada ee soo socda figrada ah in loo baahan yahay in dhammab codbixiyayaasha Somaliland iyo jaaliyadaha qurba jooga ah la abaaro oo la gaadhsiiyo halka uu maanta dalka marayao iyo figradaha qaran badbaadinta ah ee xisbiga KULMIYE ku hagi doono dalka. In KULMIYE si gaar ah u abaaro taageerayasha xisbiyada kale ee qaranka iyo dadka aan wali xibina taageersanayn si loo helo taageradooda. In qurba jog badani lagu dhiirigaliyo inaya yimaada dalka marka doorashadu dhacayso, si ay deegamadooda uga abaabulaan taageero KULMIYE.

In la badiyo tirade goobjoogayaasha caalamiga ah ee imanaya Somalioland marka ay doorashadu dhacayso. In dawladaha reer galbeedka ee ugu dhawdhaw arrimaha Somaliland sida Ingiriiska iyo Sweden ay u diyaargaroobaan is dalka yeelan doono dawladda uu hogaaminayo xisbiga KULMIYE laguna soo dhawayn doona ka qaybgalka xisbiga UCID.

 

 

 

Axmed Maxamed Sh. Barkhad
Wariye madax banaan