Xiisad Ka Dhalatay Koox La Sheegay Inuu Soo Abaabulay Badha saabka Gabiley Oo Budhadh Ku Weeraray Mid Ka Mid Ah Cuqaasha Deegaankaasi

 

 


“Koox uu soo Abaabulay
Badhasaabku oo Ka Soo Jeeda Qoyskiisa Ilma Sheekh Muxumed Yare Ayaa Weerar Igu Soo Qaaday” Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan



Hargeysa, May 1, 2011 (TNN) - Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah Cuqaasha waaweyn ee Gobolka Gabiley ayaa sheegay in koox uu soo abaabulay Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Sh.  C umar Sheekh Muxumed (Rashiid-Xaraaro) weerar garaacis ah ugu geysteen Shalay isagoo fadhiya Maqaaxi ku taala badhtamaha Gabiley, sheegayna in Budhadh uu la dhacay Ninka hogaaminayay Ko oxdaasi oo uu sheegay in Magaciisa la yidhaahdo Ciise Sheekh Muxumed Warsame, isagoo intaa ku daray in kooxdaasi weerarka ku soo qaaday ay Ciidanka Bilaysku aanay waxba ka qaban.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo Xalay Wargeyska Haatuf u waramayay isagoo ku sugan Magaal ada Gabiley, ayaa sidoo kale sheegay in haddii Xukuumaddu si dhakhso ah wax uga qaban weydo Kooxdaasi weerarka ku soo qaaday, in Beeshiisu-na go’aan ka qaadan doonto.



Caaqil Qawdhan oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Koox Badhasaabka Gabiley uu soo abaab ulay Rashiid Sheekh Cumar ayaa igu soo weeraray aniga oo fadhiya Maqaaxi ku taala Faras-magaa laha Gabiley, waxaanay ilaa dhaceen Budhadh iyo Laad waxaana Gacanta ii qaaday Ciise Sheekh Mu xumed Warsame oo ay la socdeen Walaaladiisa kala ah Shuuro Sheekh iyo Guuleed Sheekh, kuwaas oo Badhasaabka Adeer u ah, hadda-na Gurigayga ayaan Jiifaa oo aan ku suganahay”.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan mar aanu weydiinay sababaha Kooxda soo weerartay uu ugu soo diray inay isaga weeraraan waxyaabaha ka dhexeeya, waxa uu yidhi “Cuqaal iyo Odayaal baanu d hawaan Madaxweynaha u tagnay, ka dibna waxaanu ku nidhi Ninkan Badhasaabka ah iyo ummaddii isma afgaranayaan ee meesha ka kexee, dabeeto Odayaashii kale ee aanu israacnay lama weerarin e aniguunbaa weerar Dagaal laygu soo qaaday oo Bakoorad layla dhacay.

Mar aanu weydiinay in Kooxdii soo weerartay Bilayska ay la Dagaalameen oo Ninkii wax ku dhuftay-na ay Bilayska ka rideen wax ka jira arrimahaasi, waxa uu yidhi “Markii hore ee weerarka uu igu soo qaaday Ninkaasi Ciise Sheekh Muxumed yare oo layga qabtay intaan Saldhiga Bilayska tagay ayaan Ribuudh-gareeyay, ka dib-na markii aan soo laabtay ayaa isagoo wata koox dhawr iyo tobana ayuun-baa weerar labaad laygu soo qaaday oo Bakoorad iyo Laad ay ila dhaceen, Bilaysku-na markii ay Ninkaasi qabteen Kooxdii ayaa la dagaalamay oo ka riday, ilaa hadda-na cid la qabtay ma jirto”.

Caaqilka mar aanu weydiinay in weerarkaasi lagu soo qaaday Xiisad laba Beelood ay ka dhalatay oo Beesha Badhasaabka iyo Beeshiisu ay qarka u saran yihiin inay isku dhacaan, waxa uu yidhi “Dhina ca Beeshayda ayuun-bay ka fadhidaa, laakiin dhinaca kale waxay la dhaceen ma jirto, haddii Xukuu maddu wax talaabo ah ka qaadi weydo Kooxdaasi reeraa la noqon doonaa, bal reerka gumaysto ha la arko”.

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Gabilay Rashiid Sh Cumar oo aanu Xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino Falkaasi lagu eedaynayo ee Qoyskiisu geysteen ayaanay noo suurto galin inaanu ku helno Mobile-kiisa ka dib markii uu naga qaban waayay.

Falkan lagu weeraray Caaqilkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii Cuqaal iyo Odayaal ka soo jeeda Gabiley oo uu ka mid yahay Madaxweyne Siillaanyo horaantii Bishii April 2011-ka kulan ay kula yeesheen Madaxtooyada ay ugu gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Badhasaabka oo ay ugu soo jeediye en inuu Bulshada ku dhaqan Gobolka Gabiley dhexdooda isku diray, isla markaana ay kaga codsadee n inuu Xilka ka qaado, taasina ay keentay in Kooxdaasi soo weerartay ay ka daba joogeen Dacwad aasi ay Madaxweynaha u gubiyeen.

Ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay Xalay Magaalada Gabiley ayaa noo sheegay in Xaalad Cakiran oo ka dhalatay Caaqilka la faro saaray ay ka dhex taagan tahay Jifooyinka ay ka soo kala jeedaan Bad hasaabka iyo Caaqil Qawdhan , lagana cabsi qabo in Xaalada Nabad galyadu faraha ka baxdo, iyad oo tibaaxuhu-na sheegayaan in Ninkii falkaasi hormoodka ka ahaa Mr Ciise Sheekh Muxumed yare la sheegay in culays lagu saarayay inuu isagu isa soo xidho, hase yeeshee ilaa hadda si rasmiya looma oga inuu is xidhay iyo in kale.

 

Source:Haatuf