“Murashaxii Taageereyaashiisu Mudaharaadeen Waxaan Leeyahay Dariiqa Sharciga Ah U mar Tabashadaada”

 

 


Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ahna Ku simaha Badhasaabka Rashiid Axmed Maxamed, ayaa......



Hargeysa(TNN)- Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ahna Ku simaha Badhasaabka Ra shiid Axmed Maxamed, ayaa maanta ka warbixiyay xaaladda nabad-gelyo ee caasimadda Harge ysa ka dib markii uu maanta kormeer ku soo maray shanta degmo ee caasimadda.

Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Xaaladeedu way dagan tahay wax dhibaato ah oo ka jirtaana ma jirto saaka kormeerbaan ku soo sameeyey oo magaaladu siday u dhantahay waan soo wada maray wado aanan soo marini ma jirto iyo xaafad aanan tigin toona markaa saaka nabad iyo caa no weeyi waxna way dhacaan oo maxay u dhaceen hadaynu nidhaahno dee qadarkeedii baynu diidan nahay waxa shalay dhacayna wax dhibaato badan leh ma ahayn,”ayuu yidhi Badhasaab Ku xigeenku.

Mr. Rashiid oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Inkastoo aynaan jeclaysanayn in maanta gudaha la marmariyo magaca, qiimaha iyo wax qabadaka aynyu qabsanay ee caalamka oo dhani maanta inagu amaanayo inaguna aynu ku naaloonayno in la marmariyo wax haba yaraatee inkasta oo aanay qurux badnayn, hadana nin dhalin yaro ah wax way ka suurto galaan oo dhalinyaradu way qaldantaa nin intuu geed ka boodayo tallo wuu ka boodaa baa la yidhi laakiin nin wayni inuu tallada ka boodo horta garawshiiyo ku heli maayo waxna way dhacaane’ waxaad diidan tahay iyo waxaad ka yeelayso wadada aad u marayso iyo wadaada maraysaa waxay keenayso intaba inaad dhinacyo badan wax ka eegto ayaa loo baahan yahay.

Ku simaha Badhasaabku waxa uu baaq u jeediyay dadweynaha waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dantiina nabad galyada gobolkiina ilaalinta noloshiina ilaashada tallada idinkaa gacanta ku haya nabad galyadana idinkaa gacanta ku haya dawladu waa dawladiinii oo idinkaa doortay Boolisku waa kiinii Hay’adah nabad galyaduna waa shaqaalihiinii dalka ininkaa leh oo magaalada idinkaa leh waxaad ka cadhooteen ama cid aad ka cadhooteen dalkayga iyo nabadaydaan u bur buri na yaa caqliga ma gasho, ninka wax tabanayaa wax ka maqan buu tabanayaa waxii aan hayey had aan u bur-buriyo wixii aan tabanayey caqli gal maaha, waxaan reer Hargaysa leeyahay nabad galyada inagaa ku nool nin waliba gurigiisa, meheradiisa iyo ubadkiisa waxbarashadooda ha ilaas hado nin wax ka cadhoodayna waa inaanu ta raasamaalka ah u bur-burin wixii tabashada ah haloo maro wadadeeda sharciga ah laakiin waxaynu tabanayno yaynaan u bur burin nabad gal yadeena.”

“Hay’adaha nabad gal yaduna uumada uun bay kaalmaynayaan oo ay taageerayaan laakiin nab ada aynu hayno dawladi ma keenin dibadna laynoogama keenin ee ummadanaa kasbatay oo ila ashatay iyaga uun baa maantana ilaashanaya haday ilaashan waayaana cid kale oo u ilaalinays aa ma jirto oo u ilaalinkartaa waayo nin doonaya inuu gurigiisa dumiyo cidna kama qaban karto garsoor baynu u leenahay “cida wax tabanaysaana inay garsoorka tagto ayay leedaha,”ayuu yidhi Badhasaab Ku xigeenku.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland