BANAAN BAX BALLAADHAN OO LAGU TAAGEERAYO QARANIMADA SOMALILAND ,OO LAGU QABTAY MAGAALADA DENHAAG EE WADANKA HOLLAND

 

 

Denhaag,Holland,22 February,2012 (TNN)-Banaanbax lagu taageerayo gooni isku taga iyo qadi ydda Soomaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Denhaag ee Dalka Holland.Banaabaxaasi oo ay ka soo qeyb galeen dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo qof,ayaan loo kala hadhin.


Dadweynihii tirada badnaa ee  banaanbaxaasi ka soo qeyb galay,ayaa  si weyn u muujiyey da reenkooda, sida ay uga go'an tahay  inaan wax kasta oo dhaca dib loogu noqon wixii hore loo odhan jiray Soomaliweyn,taasi oo wakhtigeedii dhamaaday.

Waxaa bannaan baxaasi  laga soo jeediyey khudbado aad u qiima badan,oo soo jiitay shucuu rtii dadweynaha ee  madasha ku sugnaa.Intaa waxaa waliba dheeraa, oo  qoraalo khuseeya dareenka dadka reer Soomaliland,la gaadhssiyey  Wasaarda Arimaha Dibeda ee Holland iyo Safaarad Ingiriiska
 

 


Timacade News Desk
Denhaag, Holland