Bandhiga Buuga Nabaadiino Iyo Wacdarihii Naadiga Akhriska Timacadde
Gabiley ka Muujiyeen Madasha


 

 

Hargeysa (Timacade News)-Naadiga Akhriska Timacadde ee Timacadde Readers Club ayaa  Buug oodii Labaad Habeenkii Xallay ahaa ku soo Bandhigay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabile. Buugan labaad ee ay soo bandhigeen Naadigu ayaa ahaa Buuga Nabaadiino ee uu qoray Xasan Cabdi Madar. Waxana Buugaasi soo Akhriyay Mahdi Sheekh Cabdi Axmed oo ah  Guddoo miyaha Naadiga Timacadde Readers Club.

Xafladan ayaa ka qabsoontay Xarunta Dawlada Hoose ee Gabiley taasi oo ay ka soo qayb  gal een Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley C/rasaaq Sheekh Aaden Cali, Xoghayaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Udub Shucayb Maxamed Muuse, Xogahayaha Gobolka Gabiley Axmed  Cisma an, Xubnaha Naadiga iyo Dhallinyaro Wiilal iyo Gabdho leh oo aad u tiro badnaa.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley C/rasaaq Sheekh Aaden Cali oo halkaasi hadal ka  jeed iyay ka hor intii aanay bilaabin Akhrinta Buuga ayaa Naadiga uga Mahadnaqay Dedaalka ay Ummada ugu jiraan sidii ay u bari lahaayeen Habka wax loo akhriyo loona qoro. waxaanu sheegay in ay Maamul ahaan diyaar ula yihiin wixii kaga waajibay sida in ay Naadiga ka caawiyaan wixii karaankooda ah, in ay Dhiiri-galiyaan Dhallinyarada iyo wixii Waayo-aragnimo ah ee ay ku soo kordhinayaan Naadiga gaar ahaan Tilmaamida Waxyaabaha Naadiga Guusha u horseedi kara.

C/rasaaq Sheekh Aaden Cali, Ku Xigeenka Badhasaabka Gobolka Gabiley waxa uu xusay in la wada ogyahay Faa'iida uu leeyahay wax Akhriska iyo Wax Qoridu. Waxaanu u soo jeediyay Naadiga in ay Hawsha ay Ummada u hayaan ay halkaasi ka sii wadaan.

waxa isaguna halkaasi Hadal ka jeediyay Axmed Aw Nuur Ducaale oo ka mid ah Aas Aasayaasha Naadiga Kuna Hadlayay Magacooda oo ka war bixiyay Sababihii loo aas aasay Naadiga, waqtigii la aas aasay iyo guud ahaanba Waxqabadkii Naadigu Mudadii uu jiray.

Mr.Axmed waxa uu sheegay in ay Naadiga u sameeyeen sidii kor loogu qaadi lahaa Habka Wax Akhris/Qorid ee Dhallinyarada Reer Gabiley, Dadka Wax Akhriyaana ay Yihiin kuwa wax qori kara. waxaanu Tilmaamay in Buuga Ninkii Qoray uu Markii hore Wax badan soo Akhriyay.

waxa kale oo uu Axmed Tilmaamay in Waxyaabaha uu Naadigu u jiraa ay tahay sidii uu Tilmaan Wanaagsan oo ah Habka Wax Akhris ee Ugu Fudud uu u siin lahaa Dadka inta badan jecel in ay Wax Akhriyaan. Sidoo kale Axmed Aw Nuur waxa uu ku sheegay Waxyaabaha uu u jiro Naadigu in ay ka mid  ta hay Kor u qaadka Dhaqanka Reer Somaliland gaar ahaan sidii loo tayayn lahaa Luuqada Somaliga.

sida tan oo kale Axmed waxa uu Xusay in ay soo wadaan Buugaag kale oo aad u xiiso badan kaasi oo ay Bishiiba Mar soo bandhigi doonaan.
ugu danbayntii Axmed Aw Nuur Ducaale, waxa uu aad iyo aad ugu Mahadnaqay Badhasaabka Gobolka Gabiley, Guud ahaanba Madaxda Gobolka iyo Dhammaan ka soo qayb galayasha.
intaa ka dib waxa soo bandhigidii Buuga Bilaabay Mahdi Sheekh Cabdi Axmed oo ah Guddoomiyaha Naadiga Timacadde.

Mahdi Sheekh Cabdi Axmed waxa uu halkaasi ka akhriyay guud ahaanba Nuxurkii uu Buugaasi Xanbaarsanaa isaga oo raaciyay Faah faahin dheeraad ah si ay Dhallinyaradii halkaasi ka soo qayb gashay ay u fahmaan.

Waxa uu aad iyo aad ugu Nuux Nuuxsaday Maansooyinkii kala duwanaa ee uu Qoruhu ku soo diyaariyay Buuga kuwaasi oo iskugu jiray kuwo ka hadlayay Gabayo badan oo laga tiriyay Tacadiyada loo gaysto Dumarka, Caruurta, Xoolaha,. Dhirta iyo kuwo kale oo tiro badan. Gabayadaasi Buuga ku qornaa ee Arimahaasi ka hadlayay ayay kala lahaayeen Abwaano aad u tiro badan oo ka soo jeeda Bulshada Somalida kuwaasi oo ay ka mid yihiin Abwaanada kala ah: Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhammac (Gaariye), Cabdi Aaden Xaad(Cabdi Qays), Yuusuf Cusmaan Cabdille(Yuusuf Shaacir), Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad), Xasan Daahir(Weedh-same) iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Mahdi Sheekh Cabdi waxa halkaasi lagu waydiiyay Su’aalo Tiro badan oo ku saabsan Buugaasi iyo guud ahaanba arimo badan oo la xidhiidha, iyada oo uu dhammaantood ka jawaabay.

Xasan Cabdi Madar(Qoraha Buugan) oo uu qorshuhu markii hore ahaa in uu ka qayb galo Xaflada Bandhiga ayaanay suurto galin taasi markii uu ku Mashquulay Hawl lama filaan ah oo ku soo korodhay Isla habeenkii ay Xafladu qabsoomaysay. Waxana Shahaado Sharaf ay Naadigu ugu tallo galeen in ay siiyaan Qoraha, u Guddoomay Isku duwaha Naadiga Mustafe Cabdikariim Cali(Mustafe Future). Sidoo kale, Xasan Cabdi Madar oo ah Qoraha Buugan ayaa ka codsaday Masuuliyiinta Naadiga in Laba Buug oo ah Isla Buuga Nabaadiino ay Hadyad ahaan u guddoonsiiyaan Badhasaabka Gobolka Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib) iyo Ku Xigeenka Maayarka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh.

Waa Markii ugu horaysay ee Buugaasi(Nabaadiino) ay soo bandhigaan Naadiyada Wax Akhris ee Ka jira guud ahaanba Dalka Somaliland oo tiro ahaan gaadhaya ilaa Sagaal Naadi.


 


Siciid Khadar C/laahi

Timacadde Readers Clup (TRC)
ticamacaddereaders@hotmail.com