Bandhigii Buugga Garta Dhaqanka,Agaasimkii Halkaraan Readers Club iyo Wacdarihii Madasha ee caawa
 



Burco (TNN)- Waxaa caawa lagu soo bandhigay Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco, Buug la yidhaa Garta Dhaqanka oo uu Qorey Abwaan-Macalin C/salaan Maxmed Xirsi (Ina Caara dhuub), Buugan oo gebi ahaantiisba uu abwaanku ku soo bandhigay erayo aad u tir badan oo dhaqankii ah, iyo weliba suugaan, wuxuu abwaanku buugan kaga hadlay garta iyo sida loo naqo oo dhaqanka soomaaliyeed ku salaysan kuna salaysnaan jirtay.

Munaasibadan uu abwaanku ku soo bandhigayay Buugga oo agaasimkeeda uu lahaa Naadiga Akhristayaasha EE HALKARAAN READERS CLUB , waxa ka soo qaybgalay Abwaan Cisman  Ib rahin Warsame (Hurre Walanwal) Maxamed Jamac Cabdi oo ahaa Masuul ka socday  Ciidam ada Qaranka,C/raxman Cali X.xasan oo isna ahaa Masuul Ka socday Shirkadda Xawaaladda Ee Dahabshiil Iyo Shirkadda Isgaadhsinta ee SOMTEL, Abokor Cumar aadan oo isna Ka  socd ay Xisbiga Kulmiye,Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya Hormuud) awbaanad ,Qoraa ahna fannaanad.

Hadaba waxa ugu horayn munaasibadda ka hadlay Maxamed Maxmud Haybe (M.Tajir) oo ka mid ah Xubnaha Naadiga Akhristayaasha ee Halkaaran Readers Club, wuxuuna sharaxaad kooban ka bixiyey Naadiga iyo waxyaabihii loo aasaasay iyowaxyaabaha uu soo qabtay, wux uuna dadka ku booriyey inay wax akhriska badsadaan,aqoonta u badanna laga helo wax akhris.

Kadib waxa ka hadlay munaasibadda Abwaan Hurre walanwal oo munaasibadda ka jeediyey Khudbad Kaftan u badnayd oo dhammaan dadkii madasha fadhiyey ay mar qudha afka isku dari waayeen, wuxuuna dadka u sheegay faaidada uu leeyahay Buugan uu soo bandhigay Caawa Abwan ina caaradhuub, Qosol badan kadib waxa madasha ka hadlay Abwaan  C/sala an Caaradhuub oo ah Qoraaga Buuga GARTA DHAQANKA wuxuuna halkaas ku soo bandhigay Buuggii, wuxuuna dhammaan dadka u macneeyey erreyo aad u tiro badan oo buugga ku  qo ran.

Waxa iyaguna madasha ka hadlay Dhamman ba masuuliyiintii ka soo qaybgashay  munaasiba dda Bandhiggan Buugga uu qoray abwaanka,macalinka ahna qoraaga C/salaam Maxamed Xirsi (C/salan Caaradhuub), waxayna Dhammantood soo dhoweyeen Naadiga  Akhristayaa sha Halkaaran Readers Club iyo Buuugan uu qoray Abwaanku, waxay sheegen in akhriska iyo qoraalku faaido badan leeyahay lana dhiiri geliyo wax akhriska, Masuulka ka socday  xisbi ga Kulmiye Mr.Abokor Cumar adan aya isagu ballanqaaday in Geed iyo dheer iyo mid gaaban ba uu u fuuli dono sidii loo samayn lahaa qaamus ay dadku ka faiidaystaan, oo dhaqankii iyo soomaligii asalka ahaa ku qoran.

Ugu danbayntii Buuggan Gaarta dhaqanka ay dhowaan lagu so bandhigay Magaalada  Harga ysa, waxana gebogabadii xafladda shahaado sharaf la Guddonsiiyey Abwaan C/salaan  Caa ro-dhuub, isagoo abwaankuna Buugga uu qoray nuqullo ka mid ah Guddonsiiyey Naadiga Akhristaayasha ee Halkaraan Readers Club.



Hibo Jamac Cali
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland
hibo008@hotmail.com