Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Bangi Cusub Oo Laga Dhisayo Degmada Togwajaale

 



"Baanka somaliland waxaa la dhisay 1994kii. Waxaana dhisay madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada Somaliladn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isagaa....." Gudoomiyaha Baanka S/L



Tog-Wajaale (TNN):- Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib iyo  Gudo omiyaha Bangiga Somaliland C/raxmaan Ducaale ayaa si wadajir ah uga qaybqaatay  Xa flad balaadhan oo saaka lagu dhagax dhigayay bangi cusub oo laga dhisi doono  dagmad a Tog-wajaale, oo lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee Wajaale.

Xafladaasi balaadhan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa  ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukumaada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka qorshaynta, wasiir ku xigeenka isgaadhsiinta, wasiir ku xigeenka dalxiiska, gudoomiyaha baanka Somaliland, gudoomiyaha haayada shaqaalaha, agaasimaha guud ee baanka Somaliland, ganacsato, aqoonyahan, dhalinyar, Marti  shar af aad u tiro badan iyo dadwaynaha reer Tog-wajaale.


Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan FilFil oo Xafladaasi ka hadlay ayaa dadkii  ka soo qayb galay xafladaasi uga waramay muhiimada ay leedahay munaasibadani maanta la iskugu yimid oo uu ku sheegay ay tahay mid dadka reer wajaale loogu gurmanayo oo lagu fahamsiinayo inay ku xidhmaan maamulka xukuumada jamhuuriyada Somaliland ee dadaalka wada ee guud ahaan somaliland iyo gaar ahaan dagmada Tog-wajaale u  dadaalaya.


Abiib Xasan Filfil wuxuu dadwaynaha reer wajaale kula dardaarmay in looga baahan  ya hay oo maanta dunidu xidigaha ayay ku tartamaysaaye ay dawlada dhinacooda  qabta an oo ay horumarka ka fakaraan,
Balanqaadyada faraha badan ee ay xukuumadu usoo wado magaalada wajaale ee ay ka midka yihiin Dhakhtarka, Biyaha iyo Waxbarashada ayuu wasiirku waydiiyay inay diyaar u yihiin inay dadka reer wajaale ka qaybqaadan doonaan, iyadoo dadwaynaha xaflada kasoo qayb galayna ugu jawaabeen inay dhinacooda qaban doonaan.

Wasiirka Ganacsigu sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay taariikhdii kala duwanayd ee  mag aalada Ganacsiga Somaliland ee Togwajaale iyo sidoo kale nidaamka dawladnimada iyo islaamku waxa uu ka yidhi.

Abiib Xasan wuxuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay dardaaran dheer oo uu u soo  jeedi yay dadwaynaha reer wajaale iyo sidoo kale mahadnaq gaar ah oo uu usoo jeediyay Gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee bangiga Somaliland oo uu ilaahay uga baryay  in uu ka abaal mariyo dadaalkooda wadaninimo ee ay xambaarsan yihiin.


Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ayaa xafladaasi hadal dheer oo uu kasoo jeediyay kaga waramay muhiimada uu leeyahay baanku isagoo sidoo kalena mahadnaq gaar ah usoo jeediyay gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee baanka oo iyagu lahaa qorshaha lagu dhisay baankan ay maanta dhagax dhigayaan.


Badhasaabku wuxuu halkasi ka xusay in ay wajaale u baahnayd Baan, waayobuu yidhi wajaale waa xarunta ganacsiga Somaliland. Dhinaca kale wuxuu badhasaabku sheegay in magaalada walaae oo ah magaalo xuduud ku taala ay u kala qaybsan tahay laba daamood oo ay daanta itoobiya ku yalaan afar bangi oo ay sadex ka mid ah shicibka reer itoobiya leeyihiin, midna dawlada itoobiya leedahay kan maanta ay dhagax dhigayaana uu yahay kii somalilandta ee ugu horeeyay

Mr. Xabiib waxaa kale oo uu dadwaynaha reer wajaale ugu bushaareeyay in baahiyaha ka jira magaalada wajaale ay dadka reer wajaale iyo masuuliyiinta gobolkuba si wada jir ah wax uga qaban doonaan, baahida ugu horaysa ee maanta la doonayo in laga  gudba ana ay noqon doonto dhakhtarkii, biyiina ay soo dhaw yihiin oo wajaale lasoo gaadhsiin doono mustaqbalka dhaw sidoo kalena dadka reer wajaale looga baahan yahay


Gudoomiayaha Bangiga Somaliland C/raxmaan Ducaale Maxamed oo kasoo qayb galay munaasibadaasi lagu dhagax dhigayay baanka cusub ee laga furayo dagmada ganacsiga somalialnd ee Tog-wajaale ayaa isaguna halkaasi kaga markhaati kacay inay qaybwayn ka yihiin masuuliyiinta xukuumada ee ka kooban wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo maamulka gobolkuba qaybwayn ka ahaayeen hirgalinta baankan, markastana ay u tagi jireen gudoomiyaha baanka iyagoo waydiin jiray waxa ay uga furi waayeen bangiga somaliland laantiisii wajaale oo aad ugu baahan.

Gudoomiyaha Baanka Somaliland isagoo ka waramaya taariikhdii kala duwanayd ee uu soo maray baanka jamhuuriyada Somaliland. Isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Baanka somaliland waxaa la dhisay 1994kii. Waxaana dhisay madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada Somaliladn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isagaa aasaasay sharcigiisana sameeyay, Wuxuuna yahay baanka somalialnd kii dawlada iyo kii gaarka loolahaa  labad aba isagaa isku ah”.


Gudoomiyaha Baanka Somaliland isagoo ka waramaya taariikhdii kala duwanayd ee uu soo maray baanka jamhuuriyada Somaliland. Isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Baanka somaliland waxaa la dhisay 1994kii. Waxaana dhisay madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada Somaliladn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isagaa aasaasay sharcigiisana sameeyay, Wuxuuna yahay baanka somalialnd kii dawlada iyo kii gaarka loolahaa  labad aba isagaa isku ah”.

Waxaa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Cadami oo isaguna aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay amaanka iyo iskaashigu masuuliyiinta gobolka gabileyna ku hambalyeeyay inay horseed ka yihiin hourmarka balaadhan ee ay ku talaabsadeen mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen, ayna kaw ka tahay ta maanta loo fadhiyo ee la dhagax dhigayo laantii wajaale ee Baanka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Jaamac Cali Cilmi oo isaguna xafladaasi ka  hadl ay ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay isaga iyo waftigaasi balaadhan ee maanta diyaarka u ah inay dhigaan dhagaxii u horeeyay ee bangi cusub oo laga hirgalin doono magaadaasi ganacsiga ee Togwajaale.

Dagmada Tog-wajaale waa dagmo ganacsi, waana dhulka ehelka u ah ganacsiga  Somalil and, ganacsiguna waxa koowaad ee uu u baahan yahay waa amniga, amniga iyo  isku duubnaantuna waa jiritaanka koowaad ee dhaqaalaha. Hadii amni iyo isku duubnaan la waayana dhaqaaluhu ma jirayo. Markaanu eegnay amnigiina iyo iskuduubnaantiina  wax aanu go,aansanay inaanu maanta dhagax dhigno Baankii Somaliland laantiisii wajaale.

 Waxaananu aad ugu rajo waynahay inaanu idiin dhisno bangi idiin fidiya adeeg hufan, adeegsana doona qalab casri ah oo idinku filaada oo aad kaga maarantaan bangiyada kale ee sida gudoomiyaha gobolku sheegay tartanka inagula jira. Idin kabta  dhaqaalihi in ana. Waa sanadkan qorshaha noogu jiray inaanu furno afar laamood oo ay tani ka kaw tahay waxaananu idiinkasoo horumarinay kuwii kale maadaama ay tahay xaruntii ganacsiga Somaliland.”

Agaasimuhu wuxuu kusoo gabgabeeyay hadalkiisa dardaaran uu dadwaynaha reer  som aliland ee wajaale ka ganacsada in baanku marka loo furo uu u baahan yahay in dadkiisu aaminaan oo ka shaqaysiiyaan.


Gudoomiyaha Degmada Togwajaale Qawrax Muuse Xuseen ayaa halkaasi ka sheegay in mashruucan lagu dhisayo bangigu aad ugu muhiim yahay guud ahaan reer somalialnd iyo ree wajaalaba, sidoo kalena uu aad ugu faraxsan yahay isaga iyo dadwaynaha reer wajaalana ay soo dhawaynayaan.



Bangiga Cusub ee maanta la dhagax dhigay ayaa ka dhigaya Laba, bangiyada ka dhisan gobolka Gabiley islamarkaana noqonaya kii ugu horeeyay ee laga dhiso magaalada xaru nta u ah ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland.



Weriye C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
ilkacasenews@hotmail.com
Timacade News Network TNN
Gabiley Office ,Somaliland