Baroordiiq loo sameeyey Alle Ha u Naxariistee Marxuun Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe)

 

 

Kulan loogu Baroordiiqayey Alle Ha u Naxariistee Marxuun Maxamuud Saalax Nuur, oo  da bayaaqaddii bishii December ku geeriyooday magaalada Paris ee wadanka Faransiiska, a yaa 15-kii January 2010 lagu qabtay xaafada Hayes ee Galbeedka magaalada London.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Urur jaaliyadeedka West London Somaliland  Comm unity, waxa ka soo qaybgalay koox wasiiro ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadahii kala  d anbeeyey ee Somaliland, wakiilada Somalaliland ee dalalka Engiriiska iyo Ireland,  mushar axa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID, masuuliyiin ka kala socday xisbiyada Qaran-ka ee Somaliland , madax dhaqameedyo, iyo dadwaynaha reer Somaliland ee dagan London.

Kulankan oo uu daadihinayey qoraaga caanka ah ee Maxamed Baashe X. Xasan, waxa  la gu furay Aayado Quraanka Kariimka ah iyo duco loo duceeyey marxuunka , oo uu  akhriy ey sheikh Shaafici Shaakir Cabdillahi.

Intaas kadib waxa Codbaahiyaha lagu wareejiyey Iid Xasan Aw Muse oo ah agaasimaha urur Jaaliyadeed-ka West London Somaliland Community,oo u mahad naqay madaxdii  kul anka ka soo qayb galay iyo muwaadiniintii qaybta libaax ka gaystay qabsoomida kulanka. Waxa kale oo uu Iid si faah faahsan uga waramay sababihii ku kelifay inay kulanka soo  ab aabulaan isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: ‘Abaabulka kulankan waxa saldhig u ah ujeedooyinka urur jaaliyadeedka ee ay ka mid yihiin faafinta iyo adkaynta ahaan-sh aha Somaliland-nimo(Somaliland Identity) iyo kobcinta dhaqanka reer Somaliland.

Marxuun Fagadhe, ilaahay naxariistiisii jano haka waraabiye, astaan ayuu u ahaa  Somalil and identity-ga iyo ka korida dhaqanka xun ee umadeena afeeyey ee qabyaalada’. Agaasimaha urur Jaaliyadeedku wuxuu cadeeyey inay Jaaliyad ahaan taageerayaan baaqii abwaan Gaariye ee ahaa in wadooyinka caasimada mid ka mid ah loogu magac daro Maxamuud Saalax Nuur, waxana uu hadalkiisa ku soo xidhay tacsi uu u diray eheladii iyo qaraabadii iyo waliba qaranka Somaliland geeridii ku timid Marxuun Maxamuud Saalax. Waxa kaloo uu agaasimuhu halkaa ka tacsiyadeeyay ehelkii, qaraabadii iyo umadda reer Somaliland geeridii ku timid marxuun Dr Saleeban Cabdillahi (ina Guri Barwaaqo) awgeed oo uu ilaahay uga baryay innuu naxariistii jano ka waraabiyo marxuunka.

Wakiilka Somaliland ee UK Aden Muse Jibriil ayaa isna si faahfaahsan uga sheekeeyey  so oyaalkii taariikheed ee Marxuunka wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay gabaygii Cali Jaamac  H aabiil. ‘Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille, Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e,Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi,’

Wakiilku wuxuu carabka ku dhuftay inuu halgankii qadhadhaa ee loo soo galay Somaliland, horayso iyo danbaysoba, qayb libaax ka soo qaatay marxuunku, wuxuuna tilmaamay inuu Alle ha u naxariistee isaga dabqaaday Cadan ilaa Hargeysa iyo weliba Muqdisho saldhigii dawladii keligii taliska ahaa iyo Balligubadle xaruntii ururka SNM.

Sidoo kale waxa isna Sooyaalkii taariikhda ereyo kooban ka yidhi Garaad Abdi-aziz Garaad Saleebaan Af-garshe, oo sheegay inuu marxuunku ku dhashay Tuulada Jiidali ee gobolka Sanaag mudo lagu qiyaaso 1932-35, waxna ku bartay magaalada Cadan oo Abaahii ka  sh aqayn jiray. Markii danbana uu kaba shaqeeyey.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID, Maxamed Rashiid Sheekh Xasan  a yaa isna ku tilmaamay murxuunka inuu ka mid ahaa aqoonyahanka siyaasiyiinta ah ee  far a kutiriska ah ee Somalailand. Maxamed Rashiid, wuxuu sheegay in ay marxuunka is  yaq aaneen 30 meeyo sano, xasuusto mar uu waraaq ugu diray marxuunka oo ku sugan  haw dka Somaliland xiligii halganka, oo aan ka codsaday ayuu yidhi inuu SNM ta u sheego in Beela dacalada ay tirada ku daraan, Alle ha u naxariistuu wuxuu iigu soo jawaabay buu yidhi Dhakayaga waxwaliba waa sax e xagiina ayaa hawl u baahan.Maxamed Rashiid  wu xuu sheegay inuu Alle ha u naxriistee ka duubay taariikh badan isla markaan reer  Somali land u soo gudbin doono.

Abdifataax Saciid Axmed, wakiilka Somaliland ee Ireland, ayaa isna madasha uga  duceey ay oo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuun Fagadhe, wuxuu na halka ka sheegay inuu samaynayo sanduuq markii hore uu magac kale la rabay caawa laga bilaabo se loo bixiyey Fagadhe Foundation oo abaal marino siin doona muwaadiniinta Somaliland ee wax fiican dalka u qabta amma ku soo kordhiya.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay oo dadwaynaha la wadaagay intii ay marxuun Fagadhe ka yaqaaneen Maxamed Cali Caateeye (wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland), Duale Casayr (wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaarsiinta ee Somaliland) iyo Wasiir ku  xi geenka wasaarada caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, Dhamaantoodna waxay qireen in Halyey hal adag oo cadaalada u hiiliyaa Somaliland ka baxay.

Sidoo kale wakiilo seddexda xisbi qaran ka socday ayaa si gooni gooni ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan bulshada reer Somaliland ee ay ka geeriyoodeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta Maxamuud saalax Nuur Fagadhe iyo Dr Sulayman  Cabdilla a hi (Guri-barwaaqo)

Waxa kaloo munaasibadda hadal ku saabsan taarikkh nololeedkii marxuun Dr Suleeman  C abdillahi Faarax(Guri Barwaaqo) ka jeediyay Dr Abdiraxman Xirsi oo dadka la wadaagay sooyaalkii iyo wax qabadkii marxuunku umaddiisa uu u qabtay intuu noola.

Gebo gebadii Gudoomiyaha Urur Jaaliyadeedka West London Somaliland Community, Moha med Muse ayaa ereyo mahadnaq ah oo uu u jeediyey marti sharaftii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay kusoo khatimay kulankii baroordiiqda ahaa.



Maamulka West London Somaliland Community



Waxaad kala xidhiidhi kartaa urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community numbarka ah: 0208 848 1180 amma emailka ah: wlondonsomalilanders@gmail.com