Bayaan Waxgaradka Beesha Muse Cabdalle
ee Habar Yonis


 



Axmed Adan Ismaciil (Keyse)
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland


 


Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka waxgaradka iyo qurba joogta beesha Muuse  Ca bdalle, Habar Yonis, ee uu ka dhashay ninka wasiir ku xigeenka ah, ee ku hadlay  had allada laga naxo, ee foolxumadu ku jirto, waxa aanu xaal marinaynaa dhamaan  shac abka reer Somaliland.

Gaar ahaana Gudoomiyaha xisbiga kulmiye, Mudane Ahamed Mahamud Siilaayo iyo Xisbiga Kulmiye, oo aan leenahay walaalayaal xaal reer gob ah,. idinka yimi naga  gu dooma.

Walaalayaal waxa aan shacabka Somaliland iyo Guddoomiye Ahamed Silaayo, u  she egaynaa in hadalkaas meelkadhaca ahi, uu u gaar yahay, ninka afkiisa laga hayo, oo ah wasiir ku xigeenka.

Waxana aan cadaynaynaa in sida umadda reer Somaliland, uga xuntahay aan  anag una uga xunahay.

Walaalayaal marlabaad xaal qaata, oo mujaahid Ahmedow guddoon.

Waxa aan si wadajir ah ugu raacsanahay jawaabta ay odayada beeshu ka bixiyeen arintan magaalada Hargaysa.

Waxa aan ku raacsanahay oo kale jawaabta uu ka bixiyay arintan Wasiirka Arimaha Debedda, Cabdillahi Ducaale oo arintan mowqif sharaf leh iska taagay.

Guddoomiye Ahmedow, wadankan waxa aad u soo martay ku dheeraanmayno, bees hani way ku taqaan, waa tii kula dagaal gashay markii Somaliland la soo dhicinaayay, maantana kugula jirta, waxase ayaan daro ah, kuwa aynu ku aaminay wadankan, ee sidan aan fiicnayn u dhaqmaya.

Walaalayaal Waxa aan leenahay Muuse Cabdalle waa SNM, ninkii Ahmed Siilaayo  sha raftiisa wax u dhimana waa nin Muuse Cabdalle iyo SNM wax u dhimay.

Waa nin Mohamed Hashi Cilmi, iyo Mujaahidiintii reer Sheikh Isxaaq wax u dhimay. Waa nin Saleebaan -Nuur(Guddomiyaha Gurtida), iyo birmagaydayadii wax u dhimay.

Waxa aan Madaxwaynaha Daahir Riyaale, leenahay waa in uu arintan ka  hadlaa, ha ddii aanu ka hadal waxa ay u ekaanaysaa in uu ku raacsanyahay ama ka  danbeey ay.Waxana aan Madaxwaynaha leenahay ninkaas adaa doortay, reerku kuuma  doo rin.

Wixii ka yimaada inta uu inta uu xilka kuu hayo adigaa ka masuul ah,maaha arin u  ta al Beeshayada, iminkana waxa nageliyay in aan ummadda reer somaliland tusno in aanu na matalin oo uu adiga ku metelo.
 


Wabilaahi towfiiq


 


Mohamed Yassin Hassan
(ina Deyr), PhD
London, UK