SHIR AY KA SOO QAYB GALEEN DAD AAD U BADAN KA SOO JEEDA BEEL WEYNTA  CIISE MUUSE OO LAGU QABTAY BIRMINGHAM, UK
 

Birmingham , UK (TNN)-Waxa maanta shir ugu qabsoomay magaalada Birmingham ee cariga Ingir iiska dad badan oo ka soo jeeda beelweynta Ciise Muuse(Subeer Awal).kaas oo ahaa mid si wey n loo soo agaasimay,ayna ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isaga yimi inta ba dan magaalooyinka beeshu degan tahay ee dalka Ingiriiska.

Shirkaas oo loo dhammaa Muxaafid, Mucaarid iyo Dhexdhexaadba,lagagana arrinsaday danaha beesha ee mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Waxa lagaga hadlay sidii beeshu u higsan lahayd horuumar la taaban karo iyo wax qabad dhab ah xag dhaqaale,dhaqan iyo siyaasadeedba,loona carbin lahaa da’yarta si ay u hantaan  hogaa nka beesha ee mustaqbalka haddii Illaahay idmo.

Wada hadal iyo dood dheer ka dib waxa la isla qaatay in beeshu shir dambe oo lagu sii ambo-qa ado afkaartii kan laga qaatay lagu qabto LONDON doorashada Somaliland markay dhacdo haddii Alle idmo.



Waxa guddi qabanqaabo loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran.

1.Maxamed Cabdiraxmaan 07939315568

2.Maxamed-daahir Axmed 07535790883

3.Axmedb Toodhe 07508265173

4.Cabdi Jaamac Yusuf 07554985316

5.Maxamed Ismaciil Dirays 07943349656

6. Maxamed Diiriye Nuur (FARIID) 07878 22 73 21


 


Allaa Mahad Leh,

Axmed Xaaji Cali CAYNABA
Birmingham/UK
email: somaliland1@hotmail.com