“Beesha Caalamku jawaab wanaagsan ayey ka bixisay sida Dimuquraadiyadda leh ee Doorashadu Dalka uga dhacdday”

 



Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ,ayaa sheegay in ......


Hargeysa (TNN) - Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheeg ay in doorashadii dawladaha hoose ee toddobaadkan dalka ka dhacday ay qaabayn doonto ni daamka siyaasadeed ee wadanka.

Wasiirka oo mAanta la hadlay saxaafada ayaa sheegay in doorashadu ahayd mid kor u qaada y heerka Dimuqraadiyada oo dalka jirtay tobankii saanno ee la soo dhaafay.

Waxana hadalaiisii ka mid ahaa “Doorashaddan oo ah tii labaad ee dalka ka dhacdda muddo 10 sanadood ah waxa ay kordhisay Dimuquraadiyadda, dawlada-wanaaga iyo nabad-geliyadda Somaliland ay ku leedahay Caalamka, marka labaad waxay keentay in dalku uu fursad u helo inuu mar labaad uu dib u habeeyo nidaamka siyaasiga ah ee xaga deegaanadda goboladda iyo degmooyinka inay dalkan u keento dawlad-wanaag, la xisaabtan wanaagsan iyo shacabka oo hela awood la xisaabtanka masuuliyiinta Deegaanadda ay ku nool-yihiin maamula. “ ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waa uu yidhi “Beesha caalamku waxay ka bixisay ilaa hadda ja waab aad iyo aad u wanaagsan guddidii caalamiga ah ee kormeerayey doorashooyinka waxay soo saareen war-bixin hor dhac ah oo runtii muujinaysay in doorashadduu guud ahaan si xor ah oo xalaa ah uga dhacdday dalka, ciiddamada amaanka ee dalka iyo guddida doorashaddu waxay muujiyeen hawl aad u wanaagsan oo ay xasiliyeen nabad-gelyadda iyo habsaami u soc odka doorashadda waana arrinta keentay in ilaa xalay waddamo badan oo ka mid ah saaxiiba dda Somaliland iyo qaadhaan-bixiyayaashu-ba ay hambalyooyin is daba-jooga ah u soo diray een hadday Madaxweynaha tahay iyo hadday masuuliyiinta kale-ba tahay oo loogu hambaly aynayo sida wanaagsan ee Dimuquraadiyadda ah ee doorashadii Golaha deegaanku dalkan ug a dhacdday”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland