Beesha Awal-Bari (Ciise-Muuse) oo Beeniyey Shir Lagu Sheeg ay Inay UDUB Galeen, KULMIYE-na Isku Shubay Maanta

 


Hargeysa (TNN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa xaflado kala duwan ku qaabbilay Siyaasiyiin Miisaan leh iyo Boqollaal teegarayaal cusub ah oo ku soo biiray,kuwaasoo lagu kala dhigay Hoolka P anaroma iyo Xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa.


Xaflad ay ka soo qaybgalleen madaxada xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan ugu  same eyey boqollaal dadweyne isugu jira dhallinyaro., haween,madaxdhaqameed, iyo siyaasiyiin ah oo  sh eegay inay taageeradooda ku wareejiyeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa waxa lagu  qab ay Hoolka Panarama, iyadoo madaxda xisbigu si diiran u soo dhaweeyeen, una mahadceliyeen.

Odayaasha iyo madaxdhaqameedkii munaasibaddaas ka hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku  tilmaam ay shir dhawaan la sheegay in beelaha Gobolka Saaxil ku yeesheen magaalada Dacar-budhuc, kaa  s oo uu ka qayb galaya madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, kaasoo lagaga ar rinsanayay sidii loo taageeri lahaa xisbiga UDUB, ayaa taa bedelkeeda xubnihii saaka ka hadlay halk aasi ku sifeeyeen waxba kama jiraan, islamarkaana ay taageersayihiin xisbiga KULMIYE oo aanay sh aqo ku lahayn UDUB.

Guddoomiyaha Beesha Awal-Bari Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan (Awal-Bari), oomunaasibadda a ka hadlay ayaa sheegay inay Beesha Awal Bari isugu jirto dad hore Xisbiga KULMIYE u  taageersa naa iyo kuwo maanta ku soo biiray labadaba, isla markaana, waxa uu meesha ka saaray Shir  maga alada Dacar-budhuq ka dhacay toddobaadkan oo lagu sheegay in Beesha Ciise-Muuse ku  go'aansa tay inay Xisbiga UDUB u codayso. Cabdillaahi Awal-Bari oo arrimahaa ka hadlayaa, waxa uu yidhi; "Halkan dadka maanta isugu yimi maha dad maata xisibgia soo galay ee waa dadkii xisbiga kuwa soo galaynay way ku mahadsan yihiin. waxaynu ku soo dhawaynaynaa oo taageeradeea ku uujinaynaa mid hore iyo mid dambe Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed siilaanyo iyo Madaxdii Xisbiga oo dha n oo la socda."

Guddoomiyaha Beesha Awal-Bari oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray; "Waxaan doonayaa inaan ka hadlo, War habeen dhawayd ka soo baxay, waxa la yidhi Ciise Muuse oo dhan baa shiray oo waxay yidhaahdeen aynu UDUB taageerno,, saddex burco ka yimi, afar berbera laga soo qaaday iyo waxooga uu Madaxweyne ku-xigeenku soo ururiyey ayaa isugu yimi..Markaa waxaannu leenahay Ciisa Muuse wayne,  maaha afarta nin ee Dacar-budhuq isugu yimi ee waakaa maanta halkaa isugu yimi ee aakhiru licibkii tusay Xisbigiisii, inuu diyaar u yahay, waxna la qabanayo."

Prof. Xasan Cali Cago, oo ka mid ahaa xubnaha hormuudka ah Beeshan maanta kulmiye soo  dhawee yey oo halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; "Inaynu dadka wax la qaybsano,hoggaanka hore innagu  qa bsanno weeye, ninkii ka habsaamaa waa nasiibkii.. Waxa Xisbi la yidhaahdaa qabiil maaha, Madaxwe yne qabiil maaha ee waa umad, yaan lagu nisbaynin Madaxweynaha soo socda ee Siilaanyo inuu re er yahay, waa nin ummadda ah, haddii lagu nisbeeyo waa meel ka dhac, haddii magaalo lagu nisbee yo waa meel kadhac. Waxba innagama xigaan doorashadii maalmo ayaa innaga xiga, insha allaah waxa dhawaan la arki doonaa dawlad kulmiye ah."

Cabdi Raygal Beegsi, oo dhawaan iska casilay Xisbiga UCID oo uu xil ka hayay, ayaa sheegay inuu isagu yahay dadka maanta ku soo biiray Xisbiga KULMIYE, oo uu ku tilmamay halkii guushu taallay. "Anigu dadka Xisbiga KULMIYE imika ku soo biiray ayaan ahay, dadkaygii oo KULMIYE isugu yimi aya an ka daba imi, waanannu isku ogayn inaannu xaggan u soo wareegno, kana baqan mayno dad wax arkaya, ishana saaray oo soo qiyaastay, una soo wareegno halka ay guushu taallo ku soo  dhiirran no ayaannu ku soo tashannay. Waxaanan leeyahay Annagu reerka iyo Xisbinimada la kala kexeeyo annagu waannu is-qabad-siin karnaa..." Sidaa ayuu yidhi Cabdi Raygal.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheeg ay inuu is-waydiinayo waxa is-waydaariyey magaalooyinka Berbera, Boosaaso iyo Jabuuti oo uu  sh eegay inay labaatankii sano ee u dambeeyey xukumayeen saddexda dadkii u dhashay deegaan ahaan. "Waxaynu is waydiinaynaa maxay Berbera maanta ku sugan tahay? markaan meel gaaban ka soo qaado waxaynu marag ka nahay 20-kii sano ee u dambeeyey saddex magaalo oo daris ah, waxa xukumayay dadkii u dhashay Boosaaso waxa xukumayay deegaankeeda, Berbera  deegaan keeda, Jabuutina deegaankeeda. Waxaan is waydiinayaa maxay labadii kalena horumar xawliya ku gaadheen, Berberana dib ugu dhacday, maamulka Berbera joogaa 20-kaa sano isagaa xukumayay, ma dadkaynu ka caqli liidanaa, ma garasho ayaynaan lahayn maxaa Berberana reebay labadii kalena kor u socdaan. waxay taasi innoo taallaa innaga iyo dadka berbera ku abtirsada ee Somaliland ka sheegta waa su'aal innagu maqan." sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gebagabadii Xafladdaas Beesha Ciise Muuse lagu soo dhaweeyey waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xi sbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna musharraxa u taagan jagada  Madax weynaha , ayaa kalmado mahadnaq ah ugu horreyn ku qaabbilay Beesha Ciise Muuse, waxaanu yidhi Siilaanyo; "Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga kulmiye, madaxdiisa iyo taageerayaashiisa meel kas ta oo ay joogaan, waxaan idin leeyahay hambalyo, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa, taageer addiina aad ku muujiseen xafladdan ballaadhan awgeed. Waynu ognahay maanta waxaynu u  daree raynaa doorashadii Madaxtooyada oo muddo badan innaga raagtay oo aynu sugaynay oo aynu  xo og iyo xoolaba u hornay. waxaynu doonaynaa inaynu maanta kaga dhabayno dimuquraadiyadda  ay nu muddada badan u soo samraynay. markaa walaallayaal waxaan idin leeyahay waa inaynu si  nab adgalyo ah u codayno doorashada oo ilaalinno nabadgalyada iyo hannaanka dimuquraadiyadda."

Axmed-Siilaanyo, waxa uu ka hadlay Dekadda Berbera iyo sida ay dakhligeeda u maamuli doonaan haddii KULMIYE doorashada madaxtooyada ku guulaysto. waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; "Dekadda berbera ayaa laga hadlaa, waa deked qaran, waa dekad aannu doonayno inay la tartanto dekada geeska afrika, ama noqota ta u mudan Afrika, Berbera noqoto magaalo camiran oo socota oo nool, dadweynaha berbera iyo magaaladoodu waxay xaq u leeyihiin waxa dekadda ka soo baxa in lagu hormariyo magaalada lafteeda, taana dhawr jeer oo hore ayaannu ballan-qaadnay, ma antana waannu ballan-qaadaynaa."

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu dhalliilay maamulka Daahir Rayaale, oo uu sheegay inaanu waxba soo kordhin siddeed sano oo uu dalka ka talinayay. Waxa uu mar labaad beeniyey, warar sh eegayay in Xisbiga KULMIYE ku hanjabay in haddii uu talada ku guulaysto shaqada ka eryi doono dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda.

Hase ahaatee, waxa uu arrintaa ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo been UDUB iyo Xukuumaddu w adan. Waxaanu sheegay inay kala laba yihiin shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbigee du.
 

Source:Berberanews