“Beeshii ka baxda shuruudaha dalka waa in la mariyaa tii nala soo mariyay mid ka daran anaguna waanu eegaynaynaa uun” Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, ayaa ku beeqay in la adkeeyo nabadgelyada dalka, waxaanu sheegay in cidii ka hortimaada shuruucda Somaliland tallaabo adag laga qaadi doono.


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyay in ay ka noqdaan mawqifka ay ku daadifeeyeen go’aankii aqalka odayaashu ay 28-kii bishii hore March muddo lix bilood ah ugu kordhiyeen madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu yidhi “Wadanku xeer iyo shuruuc buu leeyahay shalayto intii aanu gaadhin go’aanka muddo kordhinta xisbi kastaa wuxuu lahaa waanu ku kalsoon nahay go’aanka ay gaadheen golaha guurtidu in haddana laga daba hadlo anigu waxaan u arkaa arrin fool xumo ah, waayo kee ayaanu rumaysanaa labadan hadal kan dambe ee ay ku deedifeynayaan iyo kii ay ku taageerayeenba.”


Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir wuxuu sheegay in beeshiisa ay sagaashameedyadii isugu tageen 11 beelood oo degan Somaliland, waxaanu yidhi “Anagana waad og-tihiin oo qaranka Somaliland mar baanu beel ahaan ka Turkiyoownay 11 beelood oo reer Somaliland ah ayaa naga soo horjeestay oo yidhi shuruucdii iyo dastuurkii beeshaasi way ka baxday. Waa kii dagaalkii sokeeye siddii ku dhacay anaga weli tii uur xumadeedii nagamuu bixin.”


Suldaan Maxamed wuxuu digniin u jeediyay cidii la timaada ficil ka dhan ah nabadgelyada iyo shuruucda dalka, waxaanu yidhi “Haddii ay tii oo kale timaadana oo la arko cid diidan shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla, anaga sidii la isugu keeyo tagay ayaanu ka filaynaa beelaha Somaliland beeshii ka baxda shuruucda dalka u taala, inaan la aamusine’e tii nala mariyay mid ka daran la soo mariyo, anaguna waanu eegaynaa uun.”


Suldaan ku wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland cidii ay doorteen uun baa go’aanka kama dambaysta ah yeelanaysa.

“Wixii nabad lagu waayo xabad lagu heli maayo, ummaddan meel ay ka qaxdo iyo meel ay u qaxdo midna ma jirto. Cidii isku dayda inay ummadda qixiso waxaan ugu dhaaranaynaa in aanaan ka gacan la’aanayn. Dadku way ka middeysan yihiin wixii nabadgalyada khalkhal iyo khatar ku keenaya,” ayuu intaasi raaciyay suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.


Dhinaca kale cuqaal iyo hoggaamiye dhaqameedyo kale oo ka soo jeeda gobolka Hargeysa, ayaa ku baaqay in nabadgelyada dalka wixii khatar gelinaya dhinac loogu soo wada jeesto.









Ramaasnews