Beesha Cabdalle Sacad oo ku biirtay
Xisbiga mucaaridka ee  Kulmiye

 


Hargeysa (Longlivesomaliland news)-Taageerayaal tiradoodu ay gaadhayso ilaa todoba Boqol oo taageerayaal ah ayaa caawa si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.

Taagerayaashan ayaa uu watay Mujaahidka caanka ah ee Axmed Muxumed Maddar,oo ah Beeshiisa Cabdalle Sacad isla markaana isagu ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kumiye. taageerayaashan caawa xaflad balaadhan oo ay iyagu soo abaabuleen waxa ay ku qabsadeen Huteelka Maansoor ee  Caasim ada Hargeysa. Waxa xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ka soo qayb Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Saylici, qaar ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye kaga jira Golaha Baarlamaanka Somaliland, Masuuliyiinta Kulmiye ee Gobolka Hargeysa ( heer Gobol iyo  Degm o), Marti sharaf aad u tiro badan iyo Taageerayaasha kusoo biiray.

Taageerayaashan oo tiradoodu ay aad u dheerayd waxa ay sheegeen in ay xoogooda iyo  cududoo da iyo taageeradoodaba ay ku biiriyeen Xisbiga Kulmiye.

Mujaahid Axmed Muxumed Madar oo taageerayaashan beeshiisa ah ku soo biiriyay Xisbiga Kulmiye, ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ayaa ka waramay xaalada Wadanka “ xaalada uu  wa danku marayo waa aynu ka wada dheregsanahay halka ay marayso oo dhacdooyinkii ugu  danbee yay ay ka socdaan Golaha Wakiilada dhexdiisa, oo aynu arkayno waxa lagula kacay isaga oo  waaji bkiisa Dastuuriga ahaa gudanaya cabudhin iyo cago-juglayn qaawan. Golihii Baarlamaanka ee ay soo dooranay ee aynu codkeena siinay ee aynu u igmanay in ay sharciga inoo sameeyaan inoona  ilaaliy aan waxa aynu arkaynaa in loo diidan yahay sharcigoodii in ay si wanaagsan u gutaan, runtu waxa ay tahayna waa aynu garanaynaa” ayuu yidhi, Mujaahid Madar. Waxa uu intaasi ku daray “ waxa aan jeclahay in aan caawa halkan ka cadeeyo in aanu hiil iyo hooba la garab taaganahay Golaha  Wa kiilada, Hawsha Distooriga ah ee ay leeyihiin ee ay wataan.waxa aynu ognahay in dhawaan Golaha Wakiilada la soo hordhigay Mooshin markii ay Madaxwaynaha ku cadaatay, xil gudasho la’aan, khiy aamo Qaran iyo ku tumasho Distoor in Xilka laga qaado Madaxwaynaha,” Axmed Muxumed Madar, markii uu intaa yidhi, waxa uu sii raaciyay “ arintaasi in aynu taageersanahay oo aynu si buuxda u taageersanahay oo aynu cudud buuxda la garab taaganahay in aynu caawa halkan ka cadayno diyaar ma u nahay” ayuu yidhi, waxana dadkii madasha fadhiyay oo aad iyo aad u badnaa ay mar kaliya ku qayliyay “ HAAA” waxana isla oogsaday sacabka iyo mishxarada iyaga oo muujinayay sida ay arinkaasi u soo dhawaynayaan.

Mujaahid Axmed Muxumed Madar oo ka tirasnaan jiray Ururkii SNM, kana mid ahaa Dhallinyaradii Ufo, waxa uu intaasi sii raaciyay “ waxa aan idinku guubaabinayaa, maanta Dalkeenu wuxuu marayaa runtii, meel halis ah, waxa aynu nahay kuwii Beebayga, Madfaca iyo Diyaaradaha lagu garaacay, maanta ma nihin kuwo lagu cabsiin karo Askar yar oo iyaguba gaajoonaysa oo qoriga ay sitaana Beeshoodu laadahay.” Sababta ay kulmiye ahaan tallaabo u qaadi la’yihiin, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxa aynu ilaalinaynaa waa Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland. Xukuumaduna waxa ay duulaan ku tahay waxa weeyi degenida iyo Gooni u istaaga Somaliland. Waxa aynu balan qaadaynaa in aynu xukuumada in aynu ka ilaalino isla markaana aynaan u ogalaanin in wixii inagu qaatay  sodd onka Sanno, toban sanno oo Halgan ah iyo labaatan Sanno ku dhawaad aynu dalkeena dhisanaynay in ay ku baabiiso Dan shaqsi, iyo dan kooxeed oo ay iyadu gaar u leedahay ayaynu doonaynaa in ay naan u ogolaan oo aynu is hortaagno ayaan doonayaa in aan caawa halkan ka muujino, beeshuna sidaasay diyaar ugu tahay dadka kale ee Somaliland daawanayana iyana sidaa diyaar ha ugu  noq daan oo ha ka ilaaliyaan Xukuumadan doonaysa in ay baabiiso.” Ayuu yidhi Axmed Muxumed.

Mr. Madar, mar uu sharaxaad ka bixinayay khilaafka siyaasadeed ee wadanka ka jira gaar ahaan khilaafka dhawaan soo kala dhex galay Xukuumada iyo Baaralamaanka Somaliland waxa uu yidhi “ Run ahaantii arintu ma aha Baarlamaanka iyo Xukuumada ee waxa weeyi Jiritaankii Somaliland oo khatar ku jirta, qolodii iga horaysay waxa ay tidhi, halkan laga qixi maayo waa runtoodoo, kooxadan yar ee faro ku tiriska ah ee ku mabtay Hantidii Ummada in aynu iska qabano oo aynu Awood shacbi ku qabano oo aynu ciidamadeenana kasbano weeyaan.” Isaga oo ka hadlaya doorashada inagu soo food leh, waxa uu xusay in aanay xukuumada imika jirtaa aanay diyaar u ahayn doorasho in ay dalka ka qabato “ xukuumada imika jirtaa In ay dalka doorasho ka qabato ma ogola, waxa yidhaahdaan Madaxwayne la doortay Madaxwayne la doortay ayaa bedelaya, oo hadii aanu Madaxwaynuhu  diy aar u ahayn in uu Dalka Doorasho ka qabto ka madaxwayne noqonayaa halkuu ka imanayaa, Inagga ayaa bedelayna, isagu ma doonayo doorashada inagaa bedelayna. Sifo sharci ahna waa aynu ku bedelaynaa. Awood dadwaynena waa aynu ku bedelaynaa” ayuu hadalkiisii ku soo  gabaga beeyay.

Xafaladan waxa sidoo kale ka hadlay Injineer Maxamed Xaashi Cilmi oo ku dheeraaday  tallaabooyi nka ay baryahan danbe xukuumada Madaxwayne Rayaale ku dhaqaaqdo waxaanu sheegay in  arint aasi ay ku tusayso in ay ku jirto marxaladii ugu danbaysay ee geerida “ wan og in la gawracayaa is dhigi maayo” ayuu Maxamed Xaashi ugu maah maahay Xukuumada Madaxwayne Rayaale. Waxa uu Injineerku u soo jeediyay Dhallinyaradu in ay isku xidhmaan oo ay iska war hayaa intooda kalena wax u sheegaan oo ay si wanaagsan isku tusaan ficilada Xukuumadu ku kacdo. Waxa sidoo kale uu xusay Inj. Maxamed Xaashi in waxa la rabo in lagu cayaaraa ay tahay Mustaqbalka Dhallinyarada. Waxa uu sheegay in wixii dhib loo soo maray gooni u istaaga Somaliland aynu ku bedelaynay wax madaxtooyo la yidhaa, imikana loo baahan yahay in aynu Madaxtooyadaasi ka gaadhno in aanay Dalka burburin. Waxa uu shacabwaynaha Reer Somaliland uu soo jeediyay in ay garab istaagaan Baarlamaanka Somaliland. Waxaanu hadalkiisu ku soo xidhay “ Qoxooti danbe ma hadhine iyagaa mid mid u bixi” isaga oo hadalkaana xukuumada ula jeeday.

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Masuuliyiin sar sare oo aad u tiro badan, oo ay ka mid yihiin Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ah Ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Murash axa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaanay dhammaantood xuseen sida ay uga xun yihiin tallaabada ay dhawaan ku kacdo Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan dhacdadii ugu danbaysay ee ay Xukuumadu Ciidamada soo dul dhigtay Baarlamaanka Somaliland. Iyo sida loogu baahan yahay in ay dadku gacmaha is qabsadaan si dhibtan looga baxo, iyaga oo sidoo kale aad ugu mahad naqay Taageerayaashan cusub ku soo biirida Xisbiga.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, Md, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu danbayntii halkaasi ka hadlay ayaa ku macneeyay sababta ay sheegeen in ay xukuumadu u diidan tahay  door asho dalka ka dhacda ayaa uu sheegay in ay sababteedu tahay markii ay xukuumadu ogaatay in aanay doorashadaasi ka helaynin wax taageero ah. Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqay  taagee ryaasha ku soo biiray Xisbiga. Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Beesha Cabdalle Sacad ay tahay beel taariikh wayn ku leh dalka gaar ahaan Halgankii Hubaysnaa ee dalka dib loogu xorreeyay. Waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo in shacabka aanay laaluush iyo Askar toona hor istaagi karaynin hadii ay isku dayaan in ay muujiyaan rabitaankooda. Axmed Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, waxa uu sheegay in ay dad u badan qurbo joogu had iyo jeer la soo hadlaan oo ay ku dhiiri galiyaan in Isaga iyo Faysal Cali Waraabe aanay Xukuumada mar danbe u iilan oo aanay is  dhii bin isla markaana mar danbe ogolaan wax wada hadal ah oo lala galo Xukuumada. Waxaanu  Gudoom iyuhu dhammaan taageerayaashii halkaasi isku timid u balan qaaday in aanay mar danbe qaadan do onin wax aan ahayn rabitaanka Shacbigooda, “ ee taa ha nalagu ogaado” ayuu Axmed Siilaanyo hadalkiisa ku soo koobay.
 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeysa Somaliland