“Beesha Galbeedka BurcoXaalkeedii Waa La Dhameeyay Markii Mansabyada Xukuumada La Eegayayna Anagaa Daalac Nalagu Yeeshay”C/Llaahi Dhugad

 

Hargeysa, July 10, 2011 (TNN)-Xildhibaan C/llaahi Ibraahin Xirsi Dhugad oo ka mid ah mudanayaasha golaah Guurtida Somaliland ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga digay inay is hortaagto shir arka ay beelaha Somaliland gaar gaarka u qabsanayaan, tilmaamayna in beel kastaa ay xaq u leedahay inay shir wada tashi yeelato, isagoo Madaxweyne Siilaanyo-na ugu baaqay inuu beel kasta la hadlo oo uu raali galiyto.

Waxa kale oo uu sheegay, in tabashadii hogaan dhaqameedka beeshooda galbeedka Burco ay ka soo jeediyeen masuuliyiinta hay’adaha dawlada ee gobollada bari laga heshiiyay.

Xildhibaan Dhugad, waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinka golayaasha deegaanku aanay qabso omaynin haddii aan loo hawlgalin diyaar-garowgooda, isagoo dhinaca kalena cadeeyay in goleyaal la soo doortaa ay badali karaan golayaasha deegaanada ee hada dhisan.

Md C/llaahi Dhugad oo xalay Haatuf khadka Telephone-ka xogwaraysi khaasa kala yeeshay, isagoo ugu horayn ka hadlaya aragtidiisa shir beeleedyada ay beelaha Somaliland gaar-gaarka u qabsanayaan, ay aa waxa uu yidhi “Wakhtigii aynu dawlada qaadanay ayaa sharci la gaadhay, maxaynu qabanaa baa la yidhi, oo waxa la dadka afka haloo faxaso, haddii afka la qabto dadka oo la cabudhiyo waa layna jiidha yaa, waar u faxasa ciddii iska shir shiraysa maxaa loogu diidayaa haddii aanay dhibaato wadin, si kast aba ha u tashatee beeshii shiraysaa waa macquul”

Xildhibaan Dhugad isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan imika socdaa waa waxa weeye qolo walba waa inuu madaxweynuhu dhabarka taabtaa, oo la la hadlaa, way is ogaysiinayaan dadku”

Xildhibaanka oo aanu waydiinay halka ay ku dambaysay tabashadii hogaan dhaqameedka galbeedka beeshooda galbeedka Burco ay kasoo jeediyeen mansabyada dawlada ee gobollada Togdheer iyo Sanaag, waxa uu yidhi “Habar Yoonis xaalkeedii waa la dhameeyay, markii mansabyada jagooyinka xuk uumadda laga xisaabtamayna anagaa-ba cid walba ka badanay oo daalac nalagu yeeshay, nin baa la eryay ninkiina nin kale oo beeshooda ah baa lagu badalay”

Xildhibaan Dhugad oo ka hadlaya aragtidiisa ku saabsan soo jeedintii ay guddigii ka soo talo bixinta ur uradu ku baaqeen, in la kala diro golayaasha deegaanada, waxa uu yidhi “Golaha deegaanka gole la so o doortay ayuun baa badali kara, haddii muddadoodu dhamaatayna siday doorasho u dhacaysaa had aan waxba la qaban, waa in shaqo la qabtaa inta ka horaysa lays hortaagnaan maayee”
 

 

Source: Haatuf