Berbera :isha dhaqaalaha Somaliland iyo Horumarka bala adhan ee
Dhinacyadda kalla duwan ee bulshada Q:1aad
Berbera (TNN)-Waxaan safar shaqo oo aan kutagey Magaalada Berbera oo ah isha
dhaqaalaha Somaliland kalla kulmey dhacdooyin aad ii qiiro galiyey
waxaana ugu muhiimsan horumarka laga gaadhey Dhisida iyo dib
uhabeynta jidka isku xidha hargeysa ilaa Berbera oo dib u habeyn
balaa dhan ay kusameysay Hayada wadooyinka Somaliland {SRA}.
Waxay aheyd subax sabti ah abaaro 9:30 aroornimo ayaano ka
dhaqaaqney hotel shiraaqle oo kuyaala dhinaca bari ee magaalada
hargeysa .anagoo u kicitiney jidka dhinaca bari ka xiga Mag aalada
Hargeysa .waaa aniga iyo Agaasimaha Ururka wadaniga ah ee YOVENCO .oo
ah kan uu balaadhan ururada Bulshada ee kajira gobolka saaxil. Md
Mubaarig Masuul iyo Mohamed Suudh .oo ahmid kamid ah dhallinyarada
reer Berbera.waxaan ujeedada socdaalkeygani ahaa Ka qayb galka
bandhiga Abwaad Mohamed Ibraahim Warsame Hadraawi uu Bulshada reer
Berbera ugu soo bandhigaayey Maansadiisii Cusbeyd ee Kalla Guran.
Sidoo kale kama uu madheyn ukuura gelida xaalada gobolka saaxil oo
ah isha Dhaqaalaha Somaliland .
Hadaba intii aan ku jirey safarka hargeysa ilaa Berbera waxaan isoo
jiitey dib udhiska balaadh an ee Hayada wadooyinka Somaliland ay
kusameysay jidka isku xidha hargeysa ilaa Berbera si doo kale waxaa
wax lagu farxo aheyd caalamado kalla duwan oo lagu sameeyey jidka
isku xidhi Caa simada Somaliland iyo isha dhaqaalaha ee
Somaliland.waxaa kamid ahaa waxyabihii sida gaarka ah isoo jiitey in
hayada wadooyinka somaliladn ay markii ugu horeysay ay ku
guulaysat ey iney dayactir balaadhan kusameyso jidkaasi oo ahaa mid
dhibaatooyin kalla duwan ay kalla kulmi jireen bulshada
Somaliland.waxaa sidoo kale intii aan safarkeyga ku jirey aaan arkey
dhac dooyin kalla duwan oo aan kaxusi karo ,Mid kamid ah dadka ka
qanacsada iibinta geedka{Cadey ga}looyaqaano oo isaga oo tunka ku
sida xidhmo cadayo ah oo uu la lugeynaayo dhinaca midiee jidka isku
xidha hergeysa iyo Berbera iyadoo ay taasi kudeersiineyso muhiimada
ay leedahey inaad xoog ama xeelad isticmaasho oo aad shaqeysato si
aanad noqon mid waxbarya.waxaa hubaal ah in nolasha aduunku ay isku
jirto macaan iyo qadhaadh lakiinse waxay ina tusineysaa sida ninkaa
odeyga ahi uu ugu fikirey inuu shaqeysto oo uu isticmalao xoogiisa.
Markaan ka imaado jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxaa kadib
kulankii aan laqaatey dhallinyarada reer Berbera ee aan kalla qayb
galley bandhigii ay igu magacdareen Berbera iyo habeenkii abwaan
Hadraawi.waxaa ii suura gashey inaan booqdo shirkadaha kalla duwan
ee Kaluumeysiga ee magaalada Berbera anigoo maanta oo ay taariikhdu
aheyd 23/10/2011 in dhaheyga kusoo arkey shaqo badan oo kasocota
gooba ay kuyaalaan shirkada kaluumeysiga.
Waxaa iisuura gashey inaan booqoshao kutago xarunta Shirkada
kaluumeysiga ee NEC FISHING CO.waxaanan ku soo arkey in khayraadka
dalkeenu uu aad u sareeyo bulshaduna ay soo fahmeyso sida looga
faaideysto.
Kaluunku waa mid kamid ah khayraadka ilaahey ku maneystey badaheena
waxaana aad arkeys aa iney kaluumaysatadu hada garteen qiimaha
uuleeyahey kaluunka.
Waxaan kula kulmey goobta ay ku xidhnaayeen ilaa 10 doonyood oo bada
dhinaceeda ah oo si isdaba jooga loogu guraayey kaluun lasoo dabey
ayaa waxaaksocotey goobtaasi shaqo badan waxay idhahaagu qabanayeen
dabinada kaluunka lagusoo dabo oo doonyaha hareerahooda
dabayaaal.iyadoo kaluumeysato kalla duwan oo kaluunka si xawli ah
usoo dabanaaya aad ark eysay.waxaa sidoo kalla isla madasha aan kula
kulmey dalxiise kamid yimid Wadanka Bulgium isagoo iisheegey inuu
doorbidey in sanadkan fasixiisii shaqada uu kusoo qaato Somaliland
.waxaa uu dalxiisahani sheegey inuu mudadii uu dalka joogey soo
arkey hargeysa,laasgeel iyo Berbera waxaanu xusey inuu aad ugu
faraxsan yahey nabada iyo horumarka Somaliland gaadhey dhinacyada
amniga,waxsoosaarka iyo dimuqraadiyadaba.
Waxaan sidoo kale isla goobtaasi kula kulemey qaar kamid ah
kaluumeysatada oo sida raxan k aluuna ah oo ay kasood abeen
wakhtigaasi badan waxaaney iisheegen inay aad ugu faraxasan yihiin
hada ..horumarka balaadhan ee kasocda gobolka ,igaoo xusey iney
hadda ay ku raaxeyst aan shaqadan ay hayaan oo ah kaluumeysiga bada.
Hotelka xeebsoor ee kuyaala magaalada Berbera oo aan sidoo mar aan
fadhiyey waxay idhah eygu qabanyeen kaluun kalla duwan oo bada
lagasood abaayey oo si isdaba jooga usoo gaad hey hotelka.waxaa
muuqata in hadda waxsoosaarka dalka siiba ka faaideysiga khayraadka
bada ee kaluunka kamid yahey lafahmey sida looga faaideysto.
Lasoco qaybo kale oo xiiso leh oo aan idinaksoo diyaarin doono
horumarka Balaadhan ee ka socda magaalada Berbera.
Ahmed Mohamed Shaqalle
Freelance Journalist
Shaqalle02@Gmail.com
Berbera Somaliland
|