Xafladan Xadhiga lagaga jaray Maanta Dhismaha Biriijka lab aad ee Caasimada Hargeisa waxa sidoo kale hadalo ka soo jeediyey
 

 

 


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xafladan xadhiga lagaga jarayey Biriijka Labaad ee Caasimada Hargeisa hadalka jeediyey .......



Hargeysa March 5,2011 (TNN)-Dhismaha Biriijka Labaad ee Caasimada Hargeysa oo Maanta Xadhiga lagaga jaray, Madal kulmisay Madaxda Dawlada iyo Asxaabta Qaranka Somaliland oo hore isugu  eed dayn Jiray Qabyadiisa.Dhismaha Biriijka Labaad ee Caasimada Hargeisa ayaa Maanta si rasmiya Xadhi ga looga jaray dhismihiisa,ka dib markii uu lix sanadood uu socday.

Munaasibad balaadhan oo maanta Xadhiga lagaga jarayey Biriijka labaad ee Caasimada Hargeisa oo lagu Qabtay Hoteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraa be,Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB,ahna ku Simaha Guddomiyaha ee Xisbigaasi Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi,Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Salaad iin, Culimo Awdiin, Xubno ka socda Ururada Bulshada, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xafladan xadhiga lagaga  jaray ey Biriijka Labaad ee Caasimada Hargeisa hadalka jeediyey ayaa mahad naq Balaadhan u diray  dham aan shacabka Reer Somaliland Ganacsato iyo rayidba Cidkasta oo qayb ka qaadatay dhismaha  Biriijk an, qaar ka mid ah Hay'adaha Dawlada iyo kuwa madaxa banaan ee dalka ,Gaar ahaan Wasaaradda hawlaha Guud ee Somaliland , Guddidii u xilsaarnaa dhisida biriijkan, Shirkadaha dhismaha ee gacanta ka gaystay hirgelinta Biriijkan iyo dhamaan dadkii taageerada dhaqaale ka geystay Dhismaha  Biriijk an,kuwaasoo sida uu madaxweynaha Somaliland sheegay ay ugu horeeyaan Ardayda Reer  Somalila nd ee Wadanka ku dhaqan oo markii kharashka loo uruurinayey dhisida biiriijkaasi u huray lacagtii ay Nusasaacaynayeen.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu intaasi ku daray in Dhismaha Biriijkan si weyn loogu baahnaa, isla markaana uu dhamaystirkiisu wakhti badan qaatay, balse hada uu aad ugu  faraxsan yahay in maanta xadhiga laga jaray dhamaystirkiisa,goob joogna uu ka yahay isaga oo madaxweyne ah xaflada Furitaankiisa,waxaanu tilmaamay in talaabadan lagu dhisay biriijku ay bulshada Somaliland tusayso iskaashiga iyo sida wax loogu qabsan karo hadii dadku iskaashadaan,furena u tahay wax  qa b i Bulshada reer Somaliland Hirgelisay,iyada oo aan cidi kale ka caawinin.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xusay in loo baahanyahay in sidan oo kale la isaga kaashado  horuma rinta Adeegyada Bulshada iyo hirgelinta Goobaha muhiimka ah ee dhismhoodu qabyada yahay, gaar ahaan Iskuulada, Goobaha Caafimaadka, Garoonada Kubada lagu Ciyaaro iyo wax kasta oo dalka wax ku soo kordhinaya ama Bulshadu u baahantahay.

Xafladan Xadhiga lagaga jaray Maanta Dhismaha Biriijka labaad ee Caasimada Hargeisa waxa sidoo kale hadalo ka soo jeediyey Madaxda Xisbiyada Qaranka,Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole Baarlaman ee Somaliland, Siyaasin, Xubno ka mid ah Guddidii Biriijkan Dhismihiisa hirgelisay iyo Masuulyiin ku hadlayey afka Bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Ururada  Bulshada,k u waasoo dhamaantood mahad naq Balaadhan u diray dadka Reer Somaliland iyo Xukuumaddihii kala dambeeyey ee gacanta ka geystay Dhismaha Biriijkan,waxaanay dhamaantood tilmaameen in  Iskaas higa iyo wax wada qabsigu uu yahay wadada kaliya ee lagu gaadhi karo horumar taaba gal ah, loona baahanyahay in ay gamcaha is qabsadaan Bulshada Reer Somaliland shacab iyo dawladba oo ay u dh aqaaqaan sidii dalkooda ay u dhisi lahaayeen iyaga oo isku duuban.

Dhismaha Biriijka labaad ee Caasimada Hargeisa oo la bilaabay wakhti hada laga joogo 6 sanadood ka hor waxa maamulayey Dhismihiisa Guddi ka kooban Ganacsato, Culimo awdiin iyo qaybaha kale ee  Bul shada Somaliland, waxaana Hirgelintiisa door weyn ka qaatay Bulshada Reer Somaliland oo iskaa wax u qabso ugu bixiyey lacag tiro badan,iyada oo mudaddii uu socday Biriijkaasi ay dalka ka dheceen  Isb edel Siyaasadeed,taasoo keentay in Maanta madaxweynihii Wakhtigaasi dhagaxa dhigay aanu maanta xadhiga ka jarin dhamaystirkiisa, balse madaxweynihii bedelay uu xadhiga ka jaray.


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Network
Hargeisa somaliland